September 2020 Wildfire Threat to Multnomah County — Somali

Sept. 14, 2020

Hel meelaha la sii gelayo ‘links’ ee ku saabsan macluumaadkii u dambeeyay ee dabka kaymaha, talooyin lagu dhisayo Xirmada Hore laga sii qaato ‘Go Kit’, si aad wax uga ogaato heerarka daadgureynta oo aad iskugu diiwaan geliso digniinta ku saabsan qiiqa iyo daadgureynta ka jirta degaankaaga Digniinta Dadweyne ‘Public Alerts’.

Daadgureynta iyo xiritaanka ka jira Degaanka Multnomah

Daadgureynta iyo xiritaanka ka jira degaanada deriska la yahay

Degaanka Clackamas: Degaanka Clackamas ayaa soo saaray xaalada degdega ah isaga oo ka jawaabaya dabka kaymaha. Halkan ka hel macluumaad ku saabsan daadgureynta. 

Degaanka Washington: Hel faahfaahin ku saabsan badbaadada iyo daadgureynta dadka degan Degaanka Washington. Xirnaanshaha wadooyinku halkan ayay ku qoran yihiin

Khataraha Tayada Hawada ee ka jira Degaanka Multnomah 

Tala bixinta tayada hawada ayaa ah mid wali dhaqan galkeedu ka jiro qaybo badan oo ka tirsan Oregon, oo uu ku jiro Willamette Valley. Wixii la xiriira xogta waqtigeedu dhabta yahay oo ku saabsan tayada hawada ee xaafadaada, fiiri meesha la sii gelayo ‘link’ ee hoose. 

Qaybo badan oo ka tirsan Degaanka Multnomah wuxuu leeyahay tayada hawada oo kala duwan oo ah mid aan si aad ah caafimaad u lahayn "very unhealthy" oo xataa halis ah "hazardous." Joog gudaha iyada oo albaabada iyo daaqaduhu xiran yihiin oo waqti kale soo laabo oo fiiri macluumaadka cusub. 

La soco tayada hawada, dabka

Barta Internet-ka ee Qiiqa Oregon ‘Oregon Smoke Blog’: Ururada degaanka, gobolka,qabiilka iyo federaalka ayaa wax isku duwa si loo wadaago macluumaadka ku saabdan dabka kaymaha iyo qiiqa. 

Khariidada Tayada Hawada ee Oregon: Waaxda Tayada Deegaanka ‘ayaa cusbooneysiisa macluumaadka khariidada tayada hawada ee hadda jirta. Iyada oo sababtu tahay dadka soo booqanaya oo badan, website-ku wuxuu noqon karaa mid gaabis ah ama shaqada joojiya. Website-yada soo socda ayaa bixiya beddel wanaagsan. 

Khariidada Tayada Hawada ee EPA: Hay’adda Illaalinta Deegaanka ee Federaalka ayaa xogta tayada hawada waqtigeedu dhabta yahay ka soo saarta Gobolada Oregon iyo Washington. 

Khariidada Dabka ee Gobolka Oregon: Xafiiska Maamulka Masiibooyinka ee Oregon ayaa cusbooneysiiya macluumaadka khariidada dabka hadda jira, tayada hawada iyo xiritaanka. 

Khariidada Dabka ee Gobolka Washington: Hawlgallada Degdega ah Gobolka ayaa cusbooneysiiya macluumaadka khariidada dabka ee waqtigeedu dhabta yahay iyo tayada hawada. 

Khariidada Tayada Hawada ee Gobolka Washington: Waaxda Cilmiga Deegaanka ee gobolka ayaa haysa khariidada tayada hawada oo waqtigeedu dhab yahay. 

La soco korontada la’aanta

PGE: Koronto la’aan hadda jirta ayay PGE ka soo sheegtay Degaanka Multnomah

Pacific Power: Koronto la’aan hadda ah oo ay leedahay Pacific Power oo ka jirta Degaanka Multnomah


Naftaada ka ilaali hawada halista ah 

Waxa la sameynayo haddii dabka kayntu sababo hawo aan badbaado lahayn oo ka jirta degaankaaga 

Qiiqa ka imanaya dabka kaymaha ayaa keenaya hawo aan caafimaad lahayn oo ka jirta Degaanka Multnomah. Marka tayada hawadu gaarto heerar aan caafimaad ahayn oo halis ah, mas’uuliyiinta caafimaadku waxay si aad ah dadka ugula talinayaan in ay iska ilaaliyaan hawlaha bannaanka ka jira. Qiiqu wuxuu u socdaa si xawli ah, sidaa darteed wax ka ogow tayada hawada ee hadda jirta Barta Internet-ka ee Qiiqa Oregon ‘Oregon Smoke Blog’.

Marka uu qiiqu gudbo, waa muhiim in si sidii hore si ka muhiimsan loo ilaaliyo hawada ku jirta gurigaaga. Website-ka Degaanka Multnomah ee Tayada Hawada ayaa bixiya macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qiiqa iyo dabka kaymaha. Laakiin halkan waxaa ku qoran fikradaha qaarkood si loo wanaajiyo hawada aad ku neefsato hadda: 

Ka ilaali in uu qiiqu soo galo oo nadiifi hawada gudaha

  • Xir alaabada iyo daaqadaha

  • Qaboojiyaha hawada ka dhig qaybta hawada warwareegto ‘recirculate’ 

  • Isticmaal nadiifiyaha hawada oo leh sifeeyaha HEPA

Hawadaada cusub ka dhig mid tii hore ka sii cusub 

  • Waxba ha gubin, oo ay ku jiraan shamacyada, waxyaabaha carafka leh ‘fooxa’, sigaarka ama makiinadaha cunto karinta ee gaaska ku shaqeeya ‘stoves’ 

  • Isla ilaali wax shiilida ama solida ‘broil’ marka wax la karinayo 

  • Wax ha ku nadiifin mashiinka xaaqida 

Daar qaboojiyahaaga hawada

  • Haddii aad leedahay nidaamka hawada dhexe ama qalabka hawada qaada, sifeeyaha ku beddel MERV 8 ama ka sii wanaagsan. Dukaamo kala duwan waxay isticmaalaan tilmaamaha wax qiimeynta oo kala duwan. Kaliya soo gado tirada ugu badan ee nidaamkaagu ku shaqeeyo. 

  • Ka shaqeysii marwaxada ku taala qalabkaada hawada qaada ‘furnace’ oo aan lahayn kuleyl si aad u nadiifiso una warwareejiyo hawada ku jirta gurigaaga. Fiirso fiidiyowga si aad u ogaato sida loo sameeyo.

Sifeeyaha hawada ee aad sameysato ‘DIY’

  • Waxaa dhici karta in aad raadisay sifeeyaha hawada oo aad ogaaday in aan la heli karin in la gato. Waa mid raqiis ah oo ay sahlan tahay in aad mid kuu gaarka ah ka sameyso marwaxada sanduuqa ama sifeeyaha qalabka hawada qaada ‘furnace’. Fiirso fiidiyowgani sida loo sameeyo

  • Ha: Ku dhaafin cidlo sifeeyaha hawada ee aad sameysato ‘DIY’.

  • Ka: Shaqeysii sifeeyahaaga isaga oo yaala meel yar, sida qolka hurdada oo leh albaab xiran

Naftaada ka dhig mid caafimaad qabta

Xaqiiji in aad la xiriirto daryeel bixiyahaaga caafimaad haddi aad dareemayso astaamaha ah in aad dhibsanayso qiiqa. Laakiin guud ahaan caafimaadka wuxuu jirkaaga ka ilaaliyaa waxyeello ka soo gaarta qiiqa. Xaqiiji in aad:

  • Cabto biyo aad u badan

  • Cunto miro iyo khudaar

  • Ku jimicsato gudaha

  • Aadan cabin sigaar

Maaskaruhu wuxuu leeyahay xad

Ha ku tiirsanaan maaskaraha ama fasaleeti ‘bandanas’ oo la isku ilaaliyo. Maaskaraha iyo waxyaabaha wajiga la daboolo waxay gacan ka geystaan yareynta gudbinta COVID-19, laakiin qofka kama ilaaliyaan qiiqa. Qalabka neefsiga ee N95, oo si sax ah loo xirto, ayaa laga yaabaa in qofka ka ilaaliyaan qiiqa balse waxaa dhici karta in aan la heli karin. 

Abuur qol nadiif ah

Abuurista qol nadiif ah “clean room” waa fikrad wanaagsan gaar ahaan dadka leh xaalado caafimaad oo hore u soo jiray. Dooro qol gudaha ku yaala oo leh daaqado iyo albaabo dhowr ah oo samee kuwa soo socda: 

  • Daaqadaha iyo albaabada ka dhig kuwo xiran. 

  • Waxaad rakibtaa nadiifiyaha hawada si uu gacan uga geysto in uu haraaga qurubyada ka saaro hawada 

  • Ka shaqeysii qaboojiyaha hawada ama nidaamka qaboojiyaha hawada ee dhexe. Hubi in sifeeyuhu yahay nadiif. 

  • Isticmaal xaaqinta wax lagu nadiifiyo ‘mop’ oo qoyaan yar leh isla markaana boorka/buska kaga tirtir maro qoyaan yar leh. Wax ha ku nadiifin mashiinka xaaqida. 

Dhacdooyinka qiiqa muddada-dheer waxay sida caadiga ah leeyihiin xilliyo hawadu ka soo rayso/wanaagsan tahay. Marka ay tayada hawadu ka soo rayso, xataa si ku meel gaar ah, hawada ka saar gurigaaga si aad u yareyso wasakhda hawada gudaha ku jirta. Dadka ku jira guryo aad u diiran in la joogo gudaha iyada oo daaqaduhu xiran yihiin ama halis ugu jira saameyn caafimaad oo la xiriirta qiiqa, waa in ay hoy ka raadsadaan meel kale.


Diyaar garow, Is diyaari, Tag: heerarka daadgureynta oo la sharraxay

Waxaa dhici karta in dadka laga codsado in ay u diyaar garoobaan in laga daadgureeyo guryahooda iyada oo ay sababtu tahay dabka kaynta. Ogow waxa uu yahay macnaha heerarka daadgureynta iyo sida la isku diyaariyo

Ma’uuliyiinta fulinta sharciga ayay dhici kartaa in ay dadka degan degaanka ka codsadaan in laga daadgureeyo aagga halista ugu jira musiibo sida dabka kaynta. Mas’uuliyiintu waxay isticmaalaan nidaam saddex heer ah si ay ugu digaan dadka in ay tahay waqtigii La Diyaar garoobi lahaa, Is diyaarin lahaa, Oo la tagi lahaa!

Xaqiiji in aad isku diiwaan geliso Digniinta Dadweyne ‘PublicAlerts’ si aad u hesho is ogeysiinta xaalada degdega ah: https://multco.us/sign-public-alerts-somali

Heerka 1: Diyaar garow

Daadgureyn suurtagal ah oo loogu talagay degaankaaga. 

Xafiiska Mas’uulka ee Degaanka Multnomah ayaa si dhow ula shaqeeya hay’adaha dhinaca dabka iyo degaanada si loo go’aamiyo haddii dadka degaanku u baahan yihiin in ay goobta ka tagaan taasi oo la xiriirta dhanka ammaanka. Xaaladuhu si lama filaan ah ayay isku beddeli karaan. Waxaa dhici karta in aadan helin digniinta Heerka 2 ee Is diyaari “Be Set” ka hor inta aanan lagugu amrin Heerka 3 ee Tag “Go! Hadda meesha iskaga tag.”

La soco ammaanka dadweynaha iyo website-yada wararka wixii macluumaad dheeraad ah waxaanad bilawdaa in aad u diyaar garowdo daadgureyn. 

Tixgeli qoryshayaasha loogu talagalay carruurta, dadka waayeelka ah, dadka socodkoodu xaddidan yahay, iyo xayawaanka la korsado, fardaha, iyo xoolaha. Dadka u baahan caawimaad ama waqti dheeraad aad oo lagu daadgureeyo — dadka naafada ah, dadka haysta carruur yar yar, dadka qaba xaalad caafimaad iyo dadka haysta hayawaan waaweyn — waa in ay tixgeliyaan in la daadgureeyo marka la joogo Heerka 1. 

Si Loo Diyaar garoobo “Get Ready”, iyo haddii waqtigu saamaxo, raac Tallaabooyinkan Diyaar garowga Daadgureynta Horteed: 

Buuxso Xirmada Hore laga sii qaato ‘Go Kit’

Isku soo ururso waxyaabaha qiimaha kuu leh, daawooyinka muhiimka ah iyo qalabka caafimaad. Waxaad soo raacisaa dokumentiyada muhiimka ah sida baasaboorada, warqadaha dhalashada iyo macluumaadka caymiska. Hubi in aad haysato kambiyuutarkaaga iyo telefoonkaaga, credit kaarka iyo nuqulada waxyaabaha gaarka loo leeyahay sida sawirrada qoyska. 

Iyada oo sababtu tahay cudurka COVID-19, xaqiiji in aad sidoo kale xirmada ku soo ridato waxyaabaha wajiga lagu daboolo oo loogu talagalay xubin kasta oo guriga ka tirsan, iyo sidoo kale gacmo nadiifiyaha ‘hand sanitizer’ haddii aad haysato. 

Wixii fikrado dheeraad ah ee ku saabsan waxa lagu soo ridayo Xirmadaada Hore laga sii qaato ‘Go Kit’, booqo Ready.Gov

Gudaha

  • Xir daaqadaha/dariishadaha iyo albaabada

  • Ka saar waxyaabaha guban kara ee daaqada ku xiran, daahyada waxaanad xirtaa birta lagu daboolo daaqadaha/albaadada. 

  • Ka saar daahyada miisaanka fudud.

  • Alaabta guriga ee guban karta u wareeji bartamaha qolka, meel ka fog daaqadaha iyo albaababada. 

  • Gaaska ka xir meesha mitirku ku yaalo; xir halka gaasku ka soo baxo ‘pilot lights’. Kaliya farsamo yaqaan la aqoonsan yahay oo ka socda shirkadaada gaaska ee degaanka ayaa mar kale daari kara gaaska.

  • Xir qaboojiyaha hawada. 

  • U dhaaf nalalkaaga oo ha daarnaadaan si dab-demiyayaashu u arki karaan gurigaaga marka uu qiiq jiro.

  • Haddii waqtigu saamaxo, fiidiyow ka duub gurigaaga kaasi oo loogu talagalay ujeedooyin dhanka caymiska ah, adiga oo diirada saaraya waxyaabaha qaaliga ah iyo lambarrada alaabta u gaarka ah ‘serial numbers’. 

Dibada

  • Soo ururi waxyaabaha guban kara — alaabadaha barxada, waxyaabaha carruurtu ku ciyaaraan, waxyaabaha albaabka hortiisa la dhigo ‘doormats’ — adiga oo ka soo ururinaya bannaanka guriga oo keen gudaha ama ku rid barkad dhulka ku taala.

  • Xir haamaha gaaska propane.

  • Qalabka BBQ ee gaaska propane wareeji oo ka fogee dhismayaasha.

  • Tuubooyinka biyaha ee beerta ku xir meesha biyaha laga xiro/furo ama qasabada/tuubada biyaha si ay u isticmaalaan dab-demiyayaashu. Biyo ka buuxi baaldiyaasha oo dhig guriga hareerihiisa. 

  • Xir qalabka biyaha wax lagu rusheeyo ‘sprinklers’ iyo biyaha socda. Waxay saameyn karaan cadaadiska biyaha ee muhiimka ah.

  • U dhaaf nalalka dibada oo ha daarnaadaan si gurigaaga ay dab-demiyayaashu u arki karaan qiiqa iyo mugdiga dhexdiisa. 

  • Xirmadaada Sahayda Degdeg ah ‘Emergency Supply Kit’ ku rid/dhig gaarigaaga dhexdiisa. 

  • Gaarigaaga gadaal u oo geli wadada la maro iyada oo albaadada iyo daaqaduhu xiran yihiin. Furayaashaada hore ka sii qaado.

  • Ha jirto salaan/jaranjaro la fuulo oo la heli karo oo dhig dhinaca geeska ee guriga si dab-demiyayaashu si dhakhso ah u geli karaan saqafkaaga. 

  • Halka sare ee guriga ‘attic’ iyo meelaha hawadu ka soo gasho ee dhulka kor saar/ku dabool alwaax ‘plywood’ hore loo sii jaray ama waxyaabaha lagu xiro/daboolo. 

  • Ilaali hantidaada oo la soco xaalada dabka. Ha sugin amarka daadgureynta haddii aad dareento halis.

Xayawaanka

  • Soo hel xayawaankaaga oo ku hay meel u dhow. 

  • Diyaarso xayawaanka beeraha si aad u qaadid oo tixgeli in aad goor hore u wareejiso meel ammaan ah.

Deriska

  • Hubi deriska oo xaqiiji in ay isku diyaarinayaan in ay tagaan, gaar ahaan deriska ay dhici karto in ay u baahan yihiin caawimaad dheeraad ah, sida dadka qaba baahiyaha caafimaad, dadka naafada ah, carruurta, dadka waayeelka ah. 

Heerka 2: Is diyaari ‘Be Set’ 

Daadgureynta Ogeysiinta Gaaban La Hayso ayay u badan tahay in ay ka jirto degaankaaga

La soco ammaanka dadweynaha iyo website-yada wararka wixii macluumaad dheeraad ah inta aad isku diyaarinayso daadgureyn suurtagal oo waqti kasta dhici karta. 

Xaaladuhu si lama filaan ah ayay isku beddeli karaan, sidaa darteed soo dhammeystir u diyaar garowga daadgureynta kadiska/lama filaanka ah waxaanad tixgelisaa in aad goobta hadda iskaga tagto oo aad tagto meel ammaan ah haddii ay suurtagal tahay. 

Dadka u baahan caawimaad ama waqti dheeraad aad oo lagu daadgureeyo — dadka naafada ah, dadka haysta carruur yar yar, dadka qaba xaalad caafimaad iyo dadka haysta hayawaan waaweyn — waa in la daadgureeyo. 

Si La isku diyaariyo “Be Set,” xaqiiji in aad sameyso kuwa soo socda: 

  1. Dib u eeg Qorshahaaga Heerka 1. Xaqiiji in Liiskaaga Hubinta ee daadgureyntu yahay mid dhammeystiran waxaanad xaqiijisaa in Xirmadaada Sahayda Degdeg ah ‘Emergency Supply Kit’ ay ku jirto gaarigaaga dhexdiisa. 

  1. Ha sugin in lagugu amro in aad goobta ka tagto. Goobta ka tag isla marka ay mas’uuliyiinta u qaabilsan dabku soo jeediyaan daadgureynta si la iskaga ilaalo in lagu dhex xannibmo dabka, qiiqa ama ciriiriga wadada. Waqti hore iska daadgureynta aagga dabka kayntu waxay dab-demiyayaasha ka caawisaa in ay wadooyinka ka dhigaan kuwo aan ciriiri ahayn, waxayna u saamaxdaa in ay si xor ah u dhaqdhaqaaqaan. Marka uu jiro dab xoog leh, ma heli doonaan waqti ay ku garaacaan albaab kasta.

  1. Si deg deg ah u raac tilmaamaha mas’uuliyiinta fulinta sharciga. Hay’adaha fulinta sharciga ayaa ka mas’uul ah fulinta amarka daadgureynta. Mas’uuliyiinta ayaa go’aamin doona aaggaga la iska daadgureyn doono iyo wadooyinka la maro iyada oo ku xiran dabka, goobta, dabeecada, dabaylaha, iyo dhulka.

  1. La soco waxa jira oo ka warqab. Dhageyso wararka la xiriira ogeysiisyada ee ka imaanaya mas’uuliyiinta fulinta sharciga ama shaqaalaha gargaarka degdega ah oo la soco jaanalada warbaahinta bulshada ee loogu talagalay mas’uuliyiinta fulinta sharciga ee degaankaaga iyo waaxda dab-damiska iyo Degaanka Multnomah iyo Xafiiska Mas’uulka ee Degaanka Multnomah. 

Ha ku soo noqon gurigaaga ilaa iyo inta ay mas’uulintu ka go’aaminayaan in uu yahay mid ammaan ah. Ogeysiiska ah in ay ammaan tahay in lagu soo noqdo guriga ayaa la isku siin doonaa sida ugu dhakhsaha badan iyaga oo tixgelinaya ammaanka iyo sida loo geli karo. 

Heerka 3: Tag ‘Go’! 

Si degdeg ah uga tag aaggaaga 

Si degdeg ah uga tag aagga oo hore ka sii qaado xayawaankaaga la korsado. Iyada oo aan la eegayn meel kasta oo aad tagto, macluumaad ayaa la bixin doonaa ku saabsan ilaha iyo taageerada. Oo xaqiiji in aad raacdo tilmaamaha mas’uuliyiinta fulinta sharciga. 

Ha ku soo noqon gurigaaga ilaa iyo inta ay mas’uulintu ka go’aaminayaan in uu yahay mid ammaan ah. Ogeysiiska ah in ay ammaan tahay in lagu soo noqdo guriga ayaa la isku siin doonaa sida ugu dhakhsaha badan. 

Marka aad tagto, wax is kor saar/is dabool si aad iskaga ilaaliso kuleylka iyo dadka duul-duulaya. Ku lebiso: 

  • Surwaalo lugo dheer iyo shaar/shaati gacmo dheere ah (ka 100-boqol cudbiga ah ayaa ugu badbaado badan) 

  • Kabaha caadiga iyo kabaha waaweyn ‘boots’ oo culus

  • Koofiyad/shay madaxaaga qarinaya

  • Fasaleeti ‘bandanna’ qallalan oo loogu talagalay in lagu daboolo wajiga 

  • Muraayadaha indhaha ilaaliya ‘goggles’ ama muraayadaha/okiyaalaha caadiga ah 

Mas’uuliyiinta caafimaadka waxay qof kasta oo karantiin ku jira ama go’doomin la geliyay ka codsadaan si looga hortaggo faafida cudurka COVID-19 in ay qaataan taxaddarada qaarkood marka lagu jiro xaalad daadgureyn:

  • Marka aad tagtay, la xiriir maamulka caafimaadka dadweynaha ee degaankaaga, kuwaasi oo ay ahayd in ay horeba xiriir kaala soo sameeyeen go’doonsanaanta lagu geliyay ama karantiinka aad ku jirto. Waxaa dhici karta in ay hayaan xal kaa caawinaya in aad sii wado karantiinka aad ku jirto/go’doonsanaanta lagu geliyay haddii lagu daadgureeyay. 

  • Haddii laguu jiheeyo hoy ama meel kale oo la isku daadgureeyo, fadlan mas’uuliyiinta la socodsii in lagu geliyay go’doonsanaan/karantiin aad ku jirto si ay u qaadi karaan tallaabooyin ay kaaga dhigaan in aad ka fogaato dadka kale ee la soo daadgureeyay. 

  • Waqtiyada oo dhan xiro maaskaro marka aad ka baxsan tahay gurigaaga, ama ay dhici karto in aad isku soo dhawaataan/is-taabataan dad aan kula noolayn. 

Haddii aad ku xannibanto/xayiranto gaarigaaga dhexdiisa 

  1. Isdeji

  2. Gaarigaaga dhigo meel ka fog dhirta

  3. Xir dhammaan daaqadaha gaariga iyo meelaha hawadu ka soo gasho. 

  4. Is kor saar/isku dabool buste ka sameysan dhogor ama jaakad 

  5. Ku jiifso sagxada gaariga

  6. Wac 9-1-1 oo maamulayaasha ku wargeli goobta aad ku sugan tahay 

Haddii aad xannibanto/xayiranto inta aad lugta ku socoto

  1. Isdeji 

  2. Tag meel ka fog dhirta sida god/marin biyuhu maraan ‘ditch’ ama meel hoos u dagtay ‘depression’ oo la siman dhulka, haddii ay suurtagal tahay 

  3. U jiifso wajiga oo foorara oo jirkaaga wax kor saar/ku dabool 

  4. Wac 9-1-1 oo maamulayaasha ku wargeli goobta aad ku sugan tahay 

Haddii aad ku xannibanto/xayiranto gurigaaga dhexdiisa

  1. Isdeji oo qoyska isku hay 

  2. Joog gudaha gurigaaga

  3. Wac 9-1-1 oo maamulayaasha ku wargeli goobta aad ku sugan tahay 

  4. Meelaha wax lagu dhaqo ‘sinks’ iyo shayga/weelka biyaha lagu shubto ‘tubs’ ka buuxi biyo qabow 

  5. Albaabada iyo daaqadaha ka dhig kuwo xiran, laakiin aan qufulnayn 

  6. Ka fogow derbiyada iyo daaqadaha dibada