Qeexitaannada Doorashada

Warqadda Codbixinta Qofka Maqan

Nooca warqadda codbixinta codbixiyaha ku nool dibadda, ka hawl galaaya militeriga, safraya, misa dugsi baranaya uu u isticmaalayo in uu ku codeeyo. Codbixiyaasha ka maqanaan doona guryahooda malinta doorashada misa maalmaha u dhaw waxay codsan karaa warqadda codbixinta qofka maqan in loogu soo diro boostada ciwaankooda kumeelgaarka.

Sixidda ama wax kabeddelka

Wax kabeddelka Dastuurka Mareykanka misa dastuurka gobalka. Codbixiyaasha waa in ay ansixiyaan is beddel walba oo lagu samaynayo dastuurka.

Warqadda codbixinta

Foom warqadeed oo ku qoran musharixiinta (liiska tartamayaasha xafiiska) iyo shuruucda warqadda codbixinta ( shuruucda la soo jeediyay iyo sixidda) taas oo ay calaamadeeyaan codbixiyaasha si ay u sameeyaan xulasho. Musharixiinta ku qoran warqadda codbixinta codbixiye kasta waxay ku xiran tahay meeshuu ku noolyahay codbixiyahaas (awoodaha maxkamadeed iyo degmooyinka uu ku noolyahay codbixiyaha).

Bashqadda warqadda codbixinta

Sidoo kale mararka qaarna waxaa la dhahaa "bashqadda saxiixa", waa bashqad uu ku rido codbixiyaha waradiisa codbixinta, oo uu afka ka xiro, kadibna saxiixo. Bashqadda ka dib waxaa lagu celiyaa xafiiska doorashada meeshaas oo saxiixa laga xaqiijiyo codkana laga tiriyo.

Hindisaha Sharci Jeedinta

Waa sharci la soo jeediyey oo ay diyaariyeen dadka deeganka oo lagu soo qoray warqadda codbixinta si ay u ansixiyaan misa u diidaan codbixiyaasha. Hindisayaasha sharci jeedinta waxaa badanaa soo diyaariya koox kamid ah dadka deegaanka kuwaas oo jeclaystay arin gaar ah.

Curaarta

Curaarta waa waajibaadyada deynta lagu bixiyo awoodaha maxkamadeed si loo maalgeliyo mashaariicda waaweyn ee horumarinta caasimada. Si la mid ah amaahda guryaha, waxaa loo isticmaalaa in lagu maalgeliyo ganacsi waaweyn muddo dheer. Curaarta waxaa badanaa lagu bixiyaa canshuuraha guryaha. Saamaynta maaliyadeed ee doorashada curaarta way u kala duwanaan doonaan deegaan kasta iyada oo ku salaysan qiimaha guriga iyo tirada curaarta la bixiyay.

Musharax

Waa shakhsi u tartamaaya jago xafiiseed.

Maalinta Xaqiijinta

Waa maalinta ay si rasmi ah u dhamaanayso tirinta codadka marka ay dhacdo doorasho iyo xaqiijin. Xaqiijinta degmo walba oo kamid ah Oregon waxay dhacdaa 27 beri ka dib Maalinta Doorashada.

Doorashada Aasaasiga ah ee Xisbiyada ee Albaabada U Xiran

Xisbiyada siyaasadeed ee ugu waawayn Oregon waxay qabbsadaan doorasho aasaasi ah si ay u doortaan musharixiin ku matasha doorashada guud. Sharciga Oregon wuxuu u oggolaanayaa xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn in ay go'aan ka gaaraan inay qabsadaan doorasho aasaasi ah oo daah furan misa albaabada u xiran. Doorashada xisbiga aasaasiga ah ee albaabada u xiran, keliya codbixiyaasha u diiwaangashan xisbiga ee qabsanaaya doorashada aasaasiga ah ayaa ka qayb qaadan kara doorashadeeda aasaasiga ah. Codbixiyaasha waxaa la siiyaa warqadda codbixinta oo ay ku qoran kaliya musharixiinta u tartamaaya xafiisyada xisbiga siyaasadeed ee waayn kaas oo codbixiyaasha ay xiriir la leeyihiin, oo ay la socdaan tartanka aan ku salaysnayn xisbiyada iyo shuruucda warqadda codbixinta. Oregon dhexdeeda, codbixiyaasha waa in lagu diiwaangeliyaa xisbiga ay rabaan ugu yaraan 21 beri ka hor doorashada. Codbixiyaasha aan ku diiwaangashaneen xisbiyada waaweyn waxay ka qayb qaadanayaan tartannada musharixiinta aan xisbiyada lahayn iyo shuruucda warqadda codbixinta ee doorashooyinka xibiga albaabada u xiran.

Degmada Koongareeska

Qayb hoosaad siyaasadeed oo loogu talagalay ujeedada doorashada wakiilada Maraykanka. Oregon hadda waxay leedahay lix degmo oo Koongarees ah.

Cutubka

Cutubka waxaa weeye waraaqo sharci ah oo ay sameysay oo ayna habeeyeen sharciyadooda dawlada hoose. Oregon waxaa weeye gobol madaxbanaan oo dawlad hoose kastaa waxay samaysataa shuruucdeesa oo ay dhaqan gelisaa.Waxaa jira 241 aag oo la isku daray Oregon.

Degaan doorasho

Waa codbiyaasha iyo dadka deegaanka ku nool degma uu matalo wakiil la doortay.

Ergooyin

Waa dadka loo doortay inay wakiil uga noqdaan gobol walbo heshiiska xisbiga siyaasadeed.

Degmo

Waa meel jugraafi ah oo uu wakiil ka yahay ama uu matalo sarkaal la doortay. Waxaa jireen degmooyin kala duduwan oo haddana is dul saaran oo ah degmooyinka gaar ah (degmooyinka dugsiyada, biyaha, dabka iyo degmooyinka kale). Meesha aad ku nooshahay ayay ku xiran tahay degmada aad ka tirsan tahay.

Doorsha Guud

Doorashooyinka guud waa doorashooyin ka dhaca dhamaan gobollada si codbixiyaasha diiwaangashan ay u go'aansadaan saraakiisha gobollada iyo kuwa qaranka ee hoggaamin doona dawladda. Doorashooyinka guud waxay dhacaan Salaasada ugu horaysa kadib Asniinta ugu horaysa ee Bisha Nofeembar sanadaha labada u qaybsamaan.

Xilka haya

Waa shakhsiga hadda haya xilka xafiiska.

Tallaabo

Heer waa mid kamid ah kuwan soo socda ee loo gudbiyo dadka si ay u ansixiyaan ama u diidaan xilliga doorashada: (a) Sharci la soo jeediyay, (b) Sharci misa qayb kamid ah Sharci ay soo saareen Golaha Sharci Dejinta, (c) Dib u eegista misa wax ka baddelida Dastuurka Oregon, (d) Sharciga deegaanka, gaarka ah ama degmada, (e) soo jeedin misa su'aal.

Doorasha Aan Xisbiga Ku Xirnayn

Doorashooyinka aan xisbiga ku xirnayn waa doorashooyin badana lagu qabto heer goboleed ama heer deegaan kuwaas oo xubinnimada xisbi ee musharaxa aan lagu soo qorin warqada codbixinta.

Aaga Adeegga Dadwaynaha (PUD)

Laan kamid ah dawlada hoose oo bixisa adeegyada guryaha ee muhiimka ah ee aag gaar ah ayaa loo yaqaanaa  Aaga Adeegga Dadwaynaha  (People's Utility District, ama PUD). PUD-yada waxaa lagu aasaasaa codbixin ay dhiibtaan dadka deegaan ee ku nool gudaha Degmada, waxaana lagu hagaa, lagu maamulaa, loogana shaqeeyaa deegaanka. PUD yada waxaa awood siinaaya Dastuurka Oregon. Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg lifaaqaan: Aaga Adeegga Dadwaynaha (PUD)

Xaafad

Xaafad waa deegaanka ugu yar jugraafi ahaan taas oo loogu tala galay arimaha codbixinta. Degmada Multnomah waxay leedahay 113 xaafadood.

Doorasho Aasaasi ah

Doorashooyinka aasaasiga ah waa doorashooyin hordhac ah kuwaas oo codbixiyaasha ay ku dooranayaan musharixiinta xisbigooda oo u tartamaysa xafiiska kuwaas ku matalaaya xisbigooda doorashooyinka guud. Doorashooyinka aasasiga ah waxaa la qabtaa Salaasada saddexaad ee Maajo ee sanadaha labada u qaybsamaan.

Afti dadweyne

Waa qayb kamid ah soojeedin sharci (sharci) taas oo dadka ay si toos ah ugu codayn karaan. Aftiyada dadweynaha ay ansixiyeen codbixiyaasha waxay noqanayaan sharci.

Doorashada Degmada Gaarka ah

Waa doorasho lagu dooranaayo xubnha guddiga ee degmooyinka gaaarka ah, sida guddiyada dugsiyada, degmooyinka biyaha misa dabka. Doorashooyinka degmada gaarka ah waxaa la qabtaa Salaasada saddexaad ee Maajo ee sanadada aan labada u qaybsamin.