April 28, 2021

Arbaca, Abriil 28, 2021 

USPS Waxay Bilaabeen inay Keenaan Waaraqaha Codaynta Maanta, Abriil 28 ee lagu codaynayo Doorashada Degmada Gaarka ah ee Bisha Maajo 18, 2021

Xiriirrada: Tim Scott ama ddEric Sample, 503-988-VOTE (8683)

Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah Waxay Boostada Ugu Dirtaa Waraaqaha Codbixinta in ka Badan 565,000 oo Codbixiyayaal ah oo u Diwaangashan Doorashada Degmada Gaarka ah ee Bisha Maajo 18, 2021.

Adeega Boosta Maraykanka wuxuu bilaabay inuu geeyo waaraqaha codbixinta maanta, Arbaco, Abriil 28 ee lagu codaynayo doorashada soo socota. Codbixiyaha Degmada Multnomah ahaan, waxa aad iskaga duwaan gelin kartaa adeega Lasoco Warqadaada Codaynta bogga multnomah.ballottrax.net si aad u ogaato goorta ay warqadaada codaynta kugu soo socoto. Haddii aanad helin warqadaada codbixinta Khamiis, Maajo 6, talaabo qaad oo kala xiriir xafiiska doorashooyinka degmada 503.988.VOTE (8683).

Buug-yaraha Codbixiyayaasha Degmada Multnomah waxaa lagu heli karaa Onlayn ahaan.

Doorashada Degmada Gaarka ah ee bisha Maajo 18, 2021 waxa kamid ah tartamo loogu jiro boosaska guddiga dugsiga deegaankaaga, kuleejka bulshada, degmada adeega waxbarashada, degmada dabdamiska ee miyiga iyo degmada biyaha. Iyada oo ku xidhan goobta aad ku nooshahay, waxaad warqadaada codbixinta ka heli kartaa mid ama in ka badan oo kamid ah tartamadan. Waxaad sidoo kale ka heli doontaa ugu yaraan hal hindise sharciyeed warqadaada codbixinta. Wax badan ka baro degmooyinka gaarka ah ee Degmada Multnomah iyo qeexitaanada doorashada ee ku jira boggeena intarnetka. Waxaad warbixin dheeraad ah oo ku saabsan tartamayaasha iyo hindise sharciyeedyada ku qornaan doona warqadaada codbixinta ka helaysaa Buug-yaraha Codbixiyayaasha Degmada Multnomah kaas oo boostada loogu diray dhammaan guri kasta oo deegaanka ah lagana heli karo onlaynka sidoo kale.

Tirinta Doorashooyinka Dawlada Hoose! Qorshayso Inaad CODAYSO!

Madaama ay soo dhowdahay Doorashada Degmada Gaarka ah ee Bisha Maajo 18, 2021, Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay ka dalbaneysaa codbixiyayaasha inay Qorshaystaan Inay CODEEYAAN bishan Maajo!
 

  • Isdiiwaangeli si aad u CODEYSO. WAKHTIGA KAMA DANBEYSTA EE ISDIIWAANGELINTA CODBIXIYAHA OREGON WAA LA SOO DHAAFAY
    • Wakhtiga Kama Danbeysta ee Isdiwaangalinta Codbixiyaha Oregon ee doorashadan waa la soo dhaafay. Wakhtigii is diwaangalinta ee Codbixiyayaasha OREGON way dhaaftay. Haddii aad guurtay, cusbooneysii cinwaankaaga boostada HADDA si loo hubiyo inaad hesho warqada codbixinta. Waraaqaha codaynta ma ahan kuwa boostada la iskuugu sii gudbin karo. Waxaad ka cusboonaysiin kartaa macluumaadkaada codeynta bogga intarnetka ee www.oregonvotes.gov/myvote.
  • Furo adeegga La Soco Warqadaada Codaynta!
  • Hel, CODEE, oo soo celi warqadaada codaynta.
  • Doorashooyinka dawlada hoose waa muhiim. Hubi codkaaga in la tiriyay!

Furo adeegga Lasoco Warqadaada Codaynta.

Adeegeena caanka ah ee Lasoco Warqadaada Codaynta waxaa hadda lagu heli karaa luuqado badan! Waxaad dooran kartaa inaad ogaysiisyada warqadda codbixinta ku hesho Ingiriisi, Isbaanish, Fiitnaamiis, ama Shiineys. Isku diiwaan geli maanta adeegga La Soco Warqadaada Codaynta oo hel istiikarka onleenka ah ee "Waan Codeeyay". Fariin qoraal ah, iimayl ama cod wargelin ah ayaa kuu sheegi doona marka xafiiska degmada Doorashooyinka uu boosta kuugu soo diro warqada codaynta, oo marka aad soo celiso inay nasoo gaadhay. Wargelinta ayaa sidoo kale muujinaysa hadii warqada codaynta la aqbalay ama hadii ay u baahan tahay in talaabo dheeraad ah laga qaado. Gudaha fariinta "Codaynta La Aqbalay", codeeyayaashu waxay ka heli doonaan warqada dhajista ah ee "Waan Codeeyay" ee Oregon ee gaar ah oo ay soo dhigi karaan baraha bulshada. Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku furan karaan adeegan inay booqdaan multnomah.ballottrax.net.

Labo Qaab oo Aad Ku Soo Celin Kartid Warqadaada Codaynta

Codbixiye ahaan, waxaad haysataa laba qaab oo aad ku soo celin kartid warqadaada codaynta. Waqti hore coddee oo ku soo celi warqadaada codaynta boostada. Shaambad looma baahna! Waxaad warqadaada codaynta inoogu soo dirtaa boostadeena Salaasada, Maajo 11 (waqtigaas ka hor hadaad kasoo diraysid meel ka baxsan gobolka) si loo hubiyo inuu xafiiskayagu helo wakhti hore. Calaamadeynta boostada lagama tixgeliyo Oregon.

Waxa aad sidoo kale keeni kartaa oo aad ku ridi kartaa Goobta Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah. Waxaad keentaa warqadaada codaynta Goobta Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee 24 saacadood ama Sanduuqa Laybareeriga Degmada Multnomah ee 24 saacadood ah. Dhamaan 30-ka Goobood ee Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin hoos waxayn ku jiraan multco.us/elections/official-ballot-drop-sites-somali-0.

Sida aad rabtid ayaad usoo celin kartaa warqadaada codbixinta, waxaa waajib ah in la helo 8 p.m Habeenka Doorashada, Maajo 18, 2021.

30-ka Goobood ee Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah ee Laguugu Shaqeynayo

Degmada Multnomah waxay leedahay 30 Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah kuwaas oo haddadan la heli karo ilaa 8 p.m Maalinta Doorashada si aad dib ugu soo celiso warqadaada codbixinta. Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah waxaa ku jira dhamaan goobaha Maktabadda Degmada Multnomah. Warqadaha codaynta waxaa looga qaadi doonaa goobaha maktabadda iyo Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga si joogta ah. Liiska Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah waxaa laga heli karaa onlaynka iyo halkan hoosta.

Portland

Waqooyiga Portland
  • Maktabadda St. Johns (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) –7510 N Charleston Ave. (eeg khariirada)
  • Maktabadda North Portland (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 512 N Killingsworth St. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Kenton (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 8226 N Denver Ave. (eeg khariirada)
  • Green Zebra Dukaanka Raashinka – GOOB CUSUB 3011 N Lombard St. (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee u dhaw baarkinka N Curtis Ave.) (eeg khariirada)
  • McCoy Park – GOOB CUSUB – waxa uu ku yaala koonaha koonfur bari ee McCoy Park oo u dhaw isgoyska North Trenton Street iyo North Newman Avenue – Kaliya Dadka Socda) (eeg khariirada)
Waqooyiga Bari Portland
  • Maktabadda Albina ( sanduuqa codbixinta rasmiga ah) –216 NE Knott St. (fiiri map)
  • Maktabadda Hollywood (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 4040 NE Tillamook St. (eeg khariirada)
  • Maqaaxida McDonald's – 2010 NE Cesar Chavez Blvd. - Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaala dhanka galbeed ee NE 40th Avenue una dhaxeeya NE Tillamook iyo NE Hancock oo u dhaw Maktabadda Hollywood. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Gregory Heights (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 7921 NE Sandy Blvd. (eeg khariirada)
  • Dariska Parkrose – 4390 NE 102nd Ave. – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee Rido Codbixinta ee ku yaala baarkinka bari ee kasoo horjeeda jidka MHCC Maywood Park Center ee NE 102nd Ave. iyo NE Prescott St. (eeg khariirada)
Waqooyiga Galbeed Portland
  • Laybareeriga Northwest (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) – 2300 NW Thurman St. (eeg khariirada)
Koofur Bari Portland
  • Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah – 1040 SE Morrison St. (eeg khariirada)
    • SE 11th Avenue – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah wuxuu ku yaalaa dhanka bari ee SE 11th Ave. inta u dhaxaysa SE Alder St. iyo SE Morrison St
    • SE Belmont Street – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaal dhanka waqooyi ee SE Belmont St. inta u dhaxeysa SE 10th Ave. iyo SE 11th Ave.
    • 1040 SE Morrison Street – Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee loo Lugeeyo/baaskiil loo raaco waa boos dhismaha kamid ah oo ku yaala koonaha SE 11th Ave. iyo SE Morrison St.
  • Maktabadda Belmont (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 1038 SE César E. Chávez Blvd. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Sellwood – Moreland (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 7860 SE 13th Ave. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Woodstock (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 6008 SE 49th Ave. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Holgate (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) – 7905 SE Holgate Blvd. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Midland (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee Rido) – 805 SE 122nd Ave. (eeg khariirada)
  • Tiyaatarka Filimka Shineemooyinka Regal/ M & M Gaari Dhaqa – SE Division St. & SE 165th Ave. – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaal baarkinka Regal Cinemas oo ka danbeeya M & M Car Wash (eeg khariirada)
  • Maktabadda Rockwood (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 17917 SE Stark St. (eeg khariirada)
Koonfur Galbeed Portland
  • A–Boy Supply – 7365 SW Barbur Blvd. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Capitol Hill (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 10723 SW Capitol Hwy. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Hillsdale (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 1525 SW Sunset Blvd. (eeg khariirada)
  • Maktabadda Central – 801 SW 10th Ave. Sanduuqa Codaynta Iyada Oo Gaadhi Lagu Jiro ee Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro oo ku yaal SW 11th Ave. inta u dhaxaysa SW Yamhill St. iyo SW Taylor St. (eeg khariirada)
  • Pioneer Courthouse Square – 700 dhismaha ee SW Broadway (ku xiga Starbucks iyo dhanka Nordstrom – Kaliya Dadka Yimaada) (eeg khariirada)

Fairview

  • Maktabadda Fairview – Columbia (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) – 1520 NE Village St. (eeg khariidada)

Gresham

  • Maktabadda Gresham (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah) – 385 NW Miller Ave. (eeg khariirada)
  • Xarunta Codbixinta Degdegga ah - Saacadaha Xadidan waxay bilaamayaan Maajo 3-Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah, 600 NE 8th St. – Waxaa jira Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah oo yaala gudaha Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee dabaqa kowaad ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah. Waxa la heli karaa kaliya saacadaha goobta codbixintu ay furan tahay. Waxaad u baahan doontaa inaad gaadhiga meel soo dhigato kadibna usoo lugayso gugaha si aad u xareyso warqadaada codaynta. (eeg khariirada)

Troutdale

  • Maktabadda Troutdale (Sanduuqa Buugta Maktabadda Lagu Diro) –2451 SW Cherry Park Rd. (eeg khariirada)

Tirada Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashad ee Maajo 18

  • Waraaqaha codaynta waxaa la bilaabi doonaa in boosta lagu soo diro codbixiyaasha - Abril 28, 2021
  • Xarunta Codbixinta Degdegga ee Gresham Ayaa Furmaysa - Maajo 3, 2021
  • Dhamaan codeeyayaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta. Bisha Maajo 6, 2021
  • Maalinta u dambeysa inaad si ammaan ah ugu soo celinayso warqadda cod-bixintaada boostada - waa Maajo 11, 2021
  • Maalinta Doorashooyinka - Kaadhadhka codbixinta waxa u danbaysa 8 da fiidnimo ee bisha Maajo 18, 2021
  • Natiijooyinka Doorashooyinka kama dambaysta ah waxaa loo sharciyaynayaa degmooyinka gaarka ah - Juun 7, 2021

Xafiiska Guud:

Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 SE Morrison Street, Portland OR 97214

Goobta Gresham:

Furan Maajo 3 - 18, 2021.

Xarunta Codbixinta Degdegga ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah.

600 NE 8th Street, Gresham OR 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimeyl: elections@multco.us

Websayt: www.mcelections.org