Somali: Baro Warqadaada Codaynta Portland

Baro Warqadaada Codaynta Portland

Warqada codaynta muunada ah ee Magaalada Portland ee codaynta darajaynta tartamayaasha iminka waxaa laga heli karaa websaytkeena.

Sanadkan, cod bixiyayaasha Portland waxa ay arki doonaan qaabka cuusub iyo tilmaamaha cusuub ee warqahooda cod bixinta ee codaynta kowaad ee darajo siinta Magaalada. Eegitanka waraaqaha cod bixinta muunadaha waxaa weeye qaab wanaagsan oo lagula qabsado nooca warqada codaynta ee cusub oo loo helo kalsooni sida loo buuxin karo.

Ka eeg Muunada Waraaqaha Codaynta RCV

Codaynta darajo siinta, cod bixiyayaasha waxay u ogolaanaysaa inay u sameeyaan darajo musharixiinta sida ugu kala siinayaan mudnaanta - waxa aad darajo siin kartaa ilaa lix ama ugu yaraan hal. Si aad ugu buuxiso si sax ah waraaqaha cod bixinta, kaliya xasuusnow inaad buuxiso wax ka badan hal hal oval halkii tiir oo aan ka badnayn hal oval safkiiba.

Haddii aad samayso khalad warqadaada coddeynta, waxba haka walwalin; waad sixi kartaa laftaadu. Qaabka ugu fudud ee loo sixi karo warqadaada codayntu waxaa weeye inaad ku qorto 'X' goobaabta beedka oo kale ah ee aanad ugu talo gelin in aad ku qorto wax. Kaliya xaqiiji in sixitaankaagu u cad yahay si markaa shaqaalaha doorashadu ay si sax ah ugu turjubaan doorashooyinkaaga.

Booqo websaytka Waaxda Doorashada Multco wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan codaynta darajo siinta, waxaana kamid ah fiidiyawyo tilmaamo ah iyo waraaqo aad ka baranayso sida wanaagsan ee loo buuxiyo warqadaada cod bixinta.

Wax Badan Ka Oggow RCV

Waxa aanu u joognaa halkan si aanu kaaga caawino inaad si wanaagsan u codayso

Hadii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan waraaqaha codaynta muunada ah, codaynta u samaynta darajada, ama wixii kale ee arrimo ah ee la xidhiidha Doorashada Guud ee Noofember 2024, waxaad nala soo xidhiidhi kartaa dhowr siyaabood:

Image of a grid-style ballot for a contest to election the Portland Mayor with seven candidates and six columns for ranking