Xarunta Codaynta Doorashada Degmada Multnomah ee Gresham
Xarunta Codbixinta Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah
600 NE 8th Street, Gresham OR
503.988.VOTE (8683) | elections@multco.us | www.mcelections.org
Furan Abriil 28 - Maajo20 ee Doorashada Maajo 20, 2025 ee Gaarka ah
Isniinta - Jimcada | 8 subaxnimo – 5 galabnimo
Saacadaha La kordhiyay:
Sabti, Maajo 17 | 10 subaxnimo – 2 galabnimo
Isniin, Maajo 19 | 8 subaxnimo – 7 galabnimo
Maalinta Doorashada, Talaado, Maajo 20 | 7 subaxnimo – 8 galabnimo

Markaad tagto Xarunta Codbixinta Degdega ah waxaad badalan kartaa waraaqda codbixinta ee kaa dhuntay, waxaad helaysaa caawimaad ku aadan cod dhiibashada, waxaad cusboonaysiin kartaa xogtaada codbixiyaha, ama waxaad la hadli kartaa sarkaal ka socda laanta doorashada.
Waraaqaha codaynta waxaa kaliya lagu aqbalayaa Xarunta Codbixinta Degdegga ah saacadaha ay furan tahay. Goobta kuugu dhow ee aad ka helayso Goobta Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah waa aaga baakinka ee Maktabada Gresham oo ku taala 385 NW Miller Avenue.