Xarunta Codaynta Doorashada Degmada Multnomah ee Gresham
Xarunta Codbixinta Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah
600 NE 8th Street, Gresham OR
503.988.VOTE (8683) | elections@multco.us | www.mcelections.org
Furan Abriil 23 - Maayo 19
Isniin - Jimce 8 subaxnimo - 5 galabnimo
Abriil 28 – Wakhtiga Kama Danbeysta ah ee Is-diiwaangelinta Cod-bixiyaha iyo Wakhtiga Kama Danbeysta ah Xulashada Xisbiga
Maayo 19 – Maalinta Doorashada Isreebreebka ah
Saacadaha La Kordhiyay Wakhtiga Furnaanshaha:
Arbaco, Maayo 13 - Jimce, Maayo 15, 8 subaxnimo – 7 fiidnimo
Sabtida, Maayo 16, 10 subaxnimo – 2 duhurnimo
Isniin, Maayo 18, 8 subaxnimo – 7 fiidnimo
Maalinta Doorashada, Talaadada, Maayo 19, 7 subaxnimo – 8 fiidnimo
Markaad tagto Xarunta Codbixinta Degdega ah waxaad badalan kartaa waraaqda codbixinta ee kaa dhuntay, waxaad helaysaa caawimaad ku aadan cod dhiibashada, waxaad cusboonaysiin kartaa xogtaada codbixiyaha, ama waxaad la hadli kartaa sarkaal ka socda laanta doorashada.
Waraaqaha codaynta waxaa kaliya lagu aqbalayaa Xarunta Codbixinta Degdegga ah saacadaha ay furan tahay. Goobta kuugu dhow ee aad ka helayso Goobta Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah waa aaga baakinka ee Maktabada Gresham oo ku taala 385 NW Miller Avenue.