Somali: Maanta waa maalinta ugu dambaysa ee codbixinta Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19, 2026

Offered by

Warsaxaafadeedkan waxa lagu heli karaa Ingiriisi, Isbaanish, Shiine, Fiitnaamiis, Soomaali, Yukreeniyaan iyo Ruush.  Waxaan raadinaynaa aragtiyo ku saabsan nuxurkaayaga la turjumay iyadoo loo marayo sahamin oo onlayn oo halkan ah

Xiriirrada:

Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)

Xafiiska Isgaadhsiinta, pressoffice@multco.us

Degmada Multnomah, Ore. (Maajo 19, 2026) — Maanta, Salaasa, Maajo 19, 2026, waa maalinta ugu dambaysa ee codbixinta Doorashada Hordhaca ah.

Waraaqaha codbixinta ee la codeeyay waa in la soo gaarsiiyo xafiis kasta oo doorashooyinka degmada ee Oregon ama goobta rasmiga ah ee lagu rido waraaqaha codbixinta ugu dambayn 8-da fiidnimo ee caawa, Maajo 19, 2026, ama waa in boostada lagu diraa iyadoo lagu shaabadeeyay Maajo 19, 2026, si loo tiriyo.

Jadwalka natiijooyinka doorashadan waxa laga heli karaa onlaynka.

Sharciga Oregon wuxuu waajibinayaa dhammaan xafiisyada doorashooyinka inay tiriyaan waraaq kasta oo codbixin ah oo boosto lagu soo diray laguna shaabadeeyay malinta ama ka hor Maalinta Doorashada, taas oo sidoo kale ku soo gaarta toddobo maalmood gudahood Maalinta Doorashada. Si kastaba ha ahaatee, isbeddelladii ugu dambeeyay ee Adeegga Boostada ee Maraykanka (United States Postal Service, USPS) awgood, waraaqaha codbixinta (ama boosto kasta oo kale) laguma shaabadeyn karo isla maalinta lagu rido xafiiska boostada ama sanduuqa ururinta USPS. Tani waxay khatar ka dhigaysaa in maanta, oo ah Maalinta Doorashada, aad waraaqda codbixinta ku soo celiso boosto ahaan.

Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay ku talinayaan codbixiyeyaasha inay waraaqdooda codbixinta geeyaan Goobta Rasmiga ah ee Lagu RidoWaraaqaha Codbixinta si loo hubiyo inay xafiiska doorashooyinka ku gaarto waqtigii la tirin lahaa!

Haddii aad doorato inaad waraaqda codbixinta ku soo celiso boosto ahaan, codbixiyeyaasha waxaa si xooggan loogu dhiirigelinayaa inay ka codsadaan shaabad gacanta lagu saaray miiska adeegga macaamiisha ee Xafiiska Boostada ee degaankooda. Marka hore hubi saacadaha shaqada iyo goobaha.

Codbixiyeyaashu waxay isticmaali karaan Goob kasta oo Rasmi ah oo lagu Rido Waraaqaha Codbixinta — oo ay ku jiraan inta badan sanduuqyada 24-saac ee maktabadaha Degmada Multnomah — si ay si badbaado iyo ammaan leh ugu ridaan waraaqaha codbixinta ilaa 8-da fiidnimo ee caawa. Ka hel goobta kuugu dhow ee rasmiga ah ee lagu rido waraaqaha codbixinta multco.us/dropsites.


Dhammaan codbixiyeyaasha diiwaangashan waa inay hore u heleen waraaqahooda codbixinta ugu dambayn Khamiis, Maajo 7, 2026. Codbixiyeyaasha diiwaangashan ee aan helin waraaqahooda codbixinta ama u baahan waraaq beddel ah waa inay isla markiiba la xiriiraan xafiiska doorashooyinka.

Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay u furan yihiin ilaa 8-da fiidnimo adeegyada codbixiyeyaasha

Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ee u baahan waraaq codbixin ama doonaya caawimaad waa inay wacaan Doorashooyinka Degmada Multnomah lambarkan 503-988-VOTE (8683).

Caawimaad fool ka fool ah, codbixiyeyaashu sidoo kale waxay booqan karaan Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah ee Koonfur-bari Portland (1040 S.E.  Morrison St., Portland) ama Xarunta Codbixinta Degdega ee Gresham (600 N.E. 8th St., Gresham), oo ku taalla gudaha Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah. Labada gooboodba waxay furan yihiin ilaa 8-da fiidnimo Maalinta Doorashada si ay u caawiyaan codbixiyeyaasha.

Shaqaalaha doorashooyinka waxay ka caawin karaan codbixiyeyaasha inay beddelaan waraaq codbixin luntay ama waxyeelo soo gaadhay, ama cusboonaysiiyaan macluumaadka diiwaangelintooda codbixinta. Caawimaad ayaa loo heli karaa codbixiyeyaasha naafada ah.

Codbixiyeyaasha ku hadla af aan Ingiriisi ahayn waxay heli karaan caawimaad afkooda ay doorbidayaan. Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay siiyaan turjubaan lacag la’aan ah qof kasta oo u baahan caawimaad ku saabsan codbixinta af aan Ingiriisi ahayn. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan codbixinta iyo doorashooyinka oo ku qoran 18 luqadood oo kala duwan ayaa laga heli karaa onlaynka.

Shaqaalaha doorashooyinka sidoo kale waxay diyaar u yihiin inay uga jawaabaan su’aalaha ama bixiyaan caawimaad kale oo la xiriirta doorashooyinka iyagoo lagala xiriiri karo taleefanka 503-988-VOTE (8683).

Adeegga Hore u Dalbashada Waraaq Cod-bixin Beddel ah

Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay bixiyaan Adeegga Hore u Dalbashada Waraaq Cod-bixin Beddel ah kaas oo u oggolaanaya codbixiyeyaasha inay onlaynka kaga codsadaan waraaq codbixin beddel ah multco.us/orderahead ka hor inta aysan booqan goobta adeegga codbixiyaha si ay u qaataan.

CUSUB: Codbixiyeyaashu waxay codsan karaan waraaq codbixin beddel ah si ay maanta uga qaataan goobta Holocene Will-Call Ballot Pick-Up (1001 S.E.  Morrison St., Portland) ama Xarunta Codbixinta Degdega ee Gresham (600 N.E 8th St., Gresham).

Adeegga La soco Warqadda Codbixintaada

Codbixiyeyaashu wali waxay iska diiwaangelin karaan adeegga Track Your Ballot (La soco Warqadda Codbixintaada) ee Degmada Multnomah oo laga heli karo multnomah.ballottrax.net si ay u helaan xog cusub oo ku saabsan haddii waraaqdooda codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii ay u baahan tahay tallaabo dheeraad ah oo codbixiyaha laga rabo.

Adeegga La soco Warqadda Codbixintaada (Track Your Ballot) a ee Doorashooyinka Degmada Multnomah waxa lagu heli karaa afaf badan. Codbixiyeyaashu waxay heli karaan digniino iyo xog cusub oo ku saabsan raadraaca waraaqda codbixinta oo ku baxaysa Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Fiitnaamiis, Yukreeniyaan ama Shiine. Codbixiyeyaashu waxay heli karaan istiikar muuqaal ah oo “Waan Codeeyay” kadib marka ay soo celiyaan waraaqahooda codbixinta.

Warbixinta natiijooyinka hordhaca ah

Doorashooyinku waxay soo sheegaan natiijooyinka marka waraaqaha codbixinta la farsameynayo,  taas oo micnaheedu yahay in qaybta ugu horreysa ee natiijooyinka hordhaca ah la heli doono 8-da fiidnimo ee caawa.

Marka lagu daro jadwalka natiijooyinka hordhaca ah, macluumaadka ku saabsan tirada codbixiyeyaasha maalin kasta sidoo kale halkan ayaa laga heli karaa.

Qaybta Doorashooyinka badanaa waxay farsamaysaa oo sii daysaa natiijooyinka qiyaastii kala bar dhammaan waraaqaha codbixinta la filayo Maalinta Doorashada. Boqolleydaas badanaa waxay gaartaa 90% marka la gaaro Khamiista ka dambeysa Maalinta Doorashada.

Inta ka dhiman Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19

  • Abriil 3, 2026 - Boosta ugu dirida waraaqaha codaynta ciidanka/dadka dalka dibadiisa jooga
  • Abriil 6, 2026 - Waraaqaha codaynta maqnaanshaha ayaa la heli karaa
  • Abriil 20, 2026 - Waraaqaha codbixinta ayaa boosto loogu diray codbixiyeyaasha gobolka ka baxsan
  • Abriil 23, 2026 - Buug-yaraha codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ayaa la diray
  • Abriil 28, 2026 - Wakhtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha/isbeddelka xisbiga
  • Abriil 29, 2026 - Waraaqaha codbixinta waxaa boosto loogu diray codbixiyeyaasha
  • Maajo 7, 2026 - Dhammaan codbixiyeyaasha diiwaangashan waa inay heleen waraaqahooda codbixinta
  • Maajo 19, 2026 - Maalinta Doorashada Hordhaca ah
  • Juun 15, 2026 - Natiijooyinka kama dambaysta ah ee doorashada ayaa la xaqiijinayaa

Xafiiska Guud:

Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building

1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214

Goobta Gresham:

Voting Center Express at the Multnomah County East Building

600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030

Furan Abriil 23 - Maajo 19, 2026

Telefoon: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Mareegta: www.MultnomahVotes.gov

voter with pet holds ballot next to official ballot drop box