Somali: Adeega Boostada Maraykanka waxa uu bilaabay qaadida waraaqaha codaynta maanta, Oktoobar 15, 2025 ee Doorashada Gaarka ah ee Noofember 4, 2025.

Offered by

Xiriirada warbaahinta:

Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)

Isgaarsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us

WARFAAFIN CUSUB: Adeega Boostada Maraykanka waxa uu bilaabay qaadida waraaqaha codaynta maanta, Oktoobar 15, 2025 ee Doorashada Gaarka ah ee Noofember 4, 2025. 

Degmada Multnomah, Ore. (Oktoobar 15, 2025) — Adeega Boostada Maraykanka waxa ay bilawday inay keento waraaqaha codaynta maanta, Arbacada, Oktoobar 15 Doorashada Gaarka ah ee Noofember 4, 2025.

Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay iska diiwaan gelin karaan adeega Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) ee bogga multnomah.ballottrax.net si aad ula socoto marka ay warqadahooda cod bixintu kusoo aadan yihiin.

Haddii aanad helin warqadaada codbixinta Khamiis, Oktoobar 23, talaabo qaad oo kala xiriir Doorashooyinka Degmada Multnomah 503.988.VOTE (8683).

Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan

Adeegayaga caanka ah ee Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqado badan! Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha iyo wararka codbixinta luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Yukraaniyan, Fiitnaamiis ama Shiinees.

Fariin qoraal, iimeyl, ama fariimaha codka ah ayaa u sheegi doona codbixiyaasha marka warqadahooda codbixinta ay boostada yaalaan iyo hadhoow marka warqaddahooda lagu codeeyay la helo.

Fariimaha ayaa sidoo kale muujinaaya haddii warqaddaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii talaabo dheeri ah laga rabo codbixiyaha. Fariimaha "Warqadda Codaynta La Aqbalay" (“Accepted Ballot”) waxaa sidoo kale ku jira astaanta oonlaynka ah ee Oregon ee "Waan Codeeyay" (“I Voted”) oo aad ku baahin karto baraha bulshada.

Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku furan karaan adeegan multnomah.ballottrax.net.

Labo Qaab oo Aad Ku Soo Celin Kartid Warqadaada Codaynta

Waxaad haysataa laba dookh oo aad kusoo celin karto warqadaada codaynta. Kan koobaad, waxaad codeyn kartaa waqti hore sidoo kale celi warqaddaada cod-bixinta boostada. Wax shaabad ah uma baahna!

Shuruucda Oregon waxay dhigayaan in dhamaan xafiisyada doorashooyinka inay tirin doonaan wixii codayn waraaqo ah ee leh sumada boosta Maalinta Doorashada ee sidoo kale yimaada todoba maalmood gudahood Maalinta Doorashada.

Sidoo kale soo celi warqadaada codaynta Goobta Rasmiga ah ee Codbixinta. Ku soo celi warqadda cod bixinta goob kasta oo 24-saac furan oo ah Goobta Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku taal gobolka ama goob kasta oo furan 24-saac oo ah Goobta Buugta Laybareeriga Lagu Diro ee degmada Multnomah. Dhammaan Goobaha Codbixinta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin hoos iyo halkan multco.us/dropsites.

Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido ee Degmada Multnomah ayaa laguugu shaqeyn doona

Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah waxaa la heli karaa hadda ilaa 8 fiidnimo Maalinta Doorashada si aad u soo celiso warqadaada codbixinta. Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido waxaa kamid ah dhammaan goobaha Laybareeriyada Degmada Multnomah. Warqadda Cod Bixinta waxaa laga soo qaadaa goobaha laybareeriyada iyo Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ayadoo la raacaayo jadwal dajisan.

Liiska Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah waxaa laga heli karaa onleyn, waxaa kamid ah linkiga meesha la gaynayo ee Degmooyinka Clackamas iyo Washington. (Fadlan ogow: Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah ee Qaar ee kuyaal goobaha laybareeriyada ayaa la beddelay sababtoo ah mashaariicda dhismaha laybareeriga ee ay codbixiyeyaashu ansixiyeen.)

Xarunta Codbixinta Degdega ah ee Gresham ayaa furmi doona Isniin

Xarunta Codbixinta Degdega ah ee ku taala 600 N.E. 8th St. suuqa hoose ee Gresham waxaa la furi doonaa Isniin, Oktoobar 20 oo waxay yeelan doontaa saacado todobaadle ah laga bilaabo 8 da subaxnimo ilaa 5 ta galabnimo.

Xaga Xarunta Codbixinta Degdega ah, oo ku taala gudaha Degmada Multnomah Dhismaha Bari, cod bixiyayaashu waxay ku soo celin karaa cod bixintooda ama waxay helaan cod bixin cusub si loo beddelo warqada cod bixinta la waayay ama waxyeeladu soo gaadhay.

Cod bixiyayaasha sidoo kale waxay cusboonaysiiyaan macluumaadkooda diiwaan gelinta cod bixiyaha. Kuwan naafada ah waxay heli karaan kaalmo, marka cod bixiyayaasha ku hadla luuqadda aan ahayn Ingiriisiga ay caawimo kal heli karaan luuqaddooda la door bidayo.

Shaqaalaha doorashooyinka ayaa sidoo kale diyaar u ah su'aalaha ama wixii kale ee taageero ah ee la xiriira doorashooyinka.

Saacadaha la kordhiyay ee kaalmada cod bixiyaha waxay bilaabmi doontaa Sabti, Noofember 1, 2025.

Maadaama oo ay soo dhawaatay Maalinta Codixbintu, Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay bixin doontaa maalmaha fasaxa qaar iyo xataa habeenkii kaalmada cod bixiyaasaha ee Xarunta Codbixinta Degdega ah ee Gresham (600 N.E. 8th St.) iyo Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building oo ku taala Southeast Portland (1040 S.E. Morrison St.).

  • Sabtida, Noofembar 1: 10 subaxnimo-2 galabnimo
  • Isniinta, Noofembar 3: 8 subaxnino-7 fiidnimo.
  • Maalinta Doorashada, Talaadada, Noofembar 4: 7 subaxnimo-8 fiidnimo.

Taageero ayay heli karaan codbixiyayaasha qaba naafanimada oo ay ku heleyaan luuqada ay doonayaan cod bixiyayaashu.

Codbixiyaashu waxay marwalba wici karaan Laanta Doorashooyinka waxayna codsan karaa caawimaada BILAASHKA ah ee codeynta iyo caawinada la xariirta doorashada. Kooxaha Caawinta Cod-bixiyayaasha ee Doorashooyinka waxay ku caawin karaan cod-bixiyaasha guriga, xarunta ay ku nool yihiin, ama mid ka mid ah labada koobood ee adeegga Doorashooyinka Degmada Multnomah, oo ku yaala midkood Koonfur-bari Portland ama Gresham.

Sharci ahaan, shaqaalaha ama wakiilada guud ma bixin karaan caawimaada dhinaca cod bixinta ah. Laakiin codbixiyaasha ayaa sidoo kale caawimaad waydiisan kara saaxiib, xubin kamid ah qoyska, ama qof kale oo ay yaqaanaan kuna kalsoon yihiin.

Codbixiyaashu sidoo kale waxay ku codsan karaan caawimo luqadda aay doorbidayaan. Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay leedahay shaqaale luuqado badan ku hadla.

Laanta Doorashooyinka ayaa sidoo kale siin karta turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo deegaanka ah oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luuqad aan Ingiriisiga ahayn. Turjumista taleefanka ama hab muuqaalka ah ayaa lagu heli karaa luuqad kasta oo ay ku jirto Luuqad Ishaareedka Maraykanka (American Sign Language, ASL).

Buug-yaraha Codbixiyayaasha Degmada Multnomah waxaa lagu heli karaa boostada iyo oonlayn ahaan.

Doorashada Gaarka ah ee Noofember 4, 2025 waxaa kamid ah laba talaabo oo waraaqaha codaynta ah: mid waxaa loogu talo geley Magaalada Portland oo midna waxaa loogu talo geley Lake Oswego School District.

Ilaa 466,000 cod bixiyaal oo ka duwaan gashan Magaalada Portland iyo Lake Oswego School District ayaa heli doona warqada codaynta doorashadan. Si aad xog badan uga ogaato doorashadaan, booqo: multnomahvotes.gov.

Xog dheeraad ah oo ku saabsan warqadaada codbixinta waxaad ka helaysaa Buug-yaraha Codbixiyayaasha Degmada Multnomah, kaas oo boostada loogu diray dhammaan guri kasta oo deegaanka ah lagana heli karo onlaynka sidoo kale.

Waxaad sidookale ka ogaan kartaa degmooyinka gaarka ah ee Degmada Multnomah iyo qeexitaanada doorashada ugu caansan ee ku jira boggeena intarnetka.

Doorashooyinka maxaliga ah waa muhiim — marka ‘Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO!’

Kahor waqtiga kama-dambaysta ah ee Maalinta Doorashada ee Noofember 4, Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay ku boorinaysaa cod-bixiyeyaasha: Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO! Liiska diiradda la saaray waxay codeeyayaasha marinaysaa shan talaabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:

  • Is duwaan Geli Si AAD U CODEEYSO.
  • Hel warqadaada codaynta.
  • Ku CODEE warqadaada codaynta.
  • Soo celi warqadaada codaynta.
  • COD yeelo oo horseed isbadel.

Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashooyinka Noofeember 4, 2025

  • Waraaqaha codaynta ciidanka/dalka dibadiisa ee boosta lagu dirayo: Jimce, Sebteember 19
  • Waraaqaha codaynta ka baxsan gobolka waxaa boosta lagu soo dirayaa: Isniin, Oktoobar 6
  • Warqadda Cod-bixiyayaasha ayaa loo diray dhammaan qoysaska la deggan yahay: Arbacada, Oktoobar 8
  • Wakhtiga ay ku eeg tahay duwaan gelinta cod bixiyayaasha: Talaatada, Oktoobar 14
  • Waraaqaha codbixinta ayaa loogu diri doonaa boosta cod-bixiyeyaasha: Arbacada, Oktoobar 15
  • Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Gresham waxa ay furmaysaa: Isniinta, Oktoobar 20
  • Dhamaan codbixiyaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta: Khamiista, Oktoobar 23
  • Maalinta Doorashada: Talaadada, Noofembar 4
  • Natiijooyinka doorashada kama dambaysta ah waxaa la cadaynayaa: Isniinta Diseember 1

Xafiiska guud:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214

Goobta Gresham:

Furan Oktoobar 20-Noofember 4, 2025

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Wabseedka: multnomahvotes.gov