Xiriirada warbaahinta:
Tim Scott ama Edward Gutiérrez, Multnomah Doorashooyinka Degmada 503-988-VOTE! (8683)
Isgaarsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us
Degmada Multnomah, Ore. (Noofeembar 5, 2025) — Talaadadii, 4-ta Noofeembar, ka-qaybgalka cod-bixiyayaasha Degmada Multnomah ayaa gaaray qiyaastii 30.79%, iyadoo ku dhowaad 50,000 oo warqadaha-cod-bixinta ah la soo celiyay Maalinta Doorashada oo kaliya.
Boqolleydaasi waxaa la filayaa iney korodho maadaama warqadaha codbixinta ee leh taariikhda boostada ee ah Maalinta Doorashada ama wakhti ka hor la diiwaangelinayo, la xaqiijinayo, lana xisaabinayo. Sharciga Oregon wuxuu u baahan yahay dhammaan xafiisyada doorashooyinka inay tiriyaan warqad kasta oo boostada lagu soo diray oo lagu calaamadeeyay taariikhda Maalinta Doorashada ama ka hor, taasoo sidoo kale timaada toddoba maalmood gudahood Maalinta Doorashada.
Doorashada Gaar ah ee Noofeembar 4, 2025, waxay ka koobnayd warqado-codbixin oo loogu talagalay laba degmo-maamul oo keliya:
- Magaalada Portland iyo
- Degmada Dugsiyada Lake Oswego
Ku dhawaad 466,000 cod-bixiyaal diiwaangashan ayaa helay warqadaha codbixinta ee doorashada.
Natiijooyinka doorashada waxaa laga eegi karaa halkan.
Iska-diiwaangeli adeegga La Soco Codbixintaada (Track Your Ballot) doorashooyinka mustaqbalka
Adeegga La Soco Codbixintaada (Track Your Ballot) ee Degmada Multnomah waa adeeg bilaash ah oo u oggolaanaya codbixiyayaasha in ay ku helaan digniino farriin qoraal ah, wicitaan taleefan ama iimayl ahaan, marka warqaddooda codbixinta boostada loogu soo diro, iyo markay soo celiyaan, iyo marka loo aqbalay in la tiriyo.
Gudaha fariinta "Codaynta La Aqbalay", codbixiyaashu waxay ka heli doonaan astaanta gaarka ah ee Oregon ee "Waan Codeeyay (I Voted)" ee oonleenka ah oo diyaar u ah inay ku wadaagaan baraha bulshada.
Haddii aadan horeyba, iskaga-diiwaan gelinin hab onlaynka ah ee adeegga La Soco Codbixintaada (Track Your Ballot) barta multnomah.ballottrax.net. In ka badan 145,000 oo codbixiye ayaa horeyba iskaga diiwaangaliyay adeeggan.
Adeegga La Soco Codbixintaada (Track your Ballot) wuxuu u oggolaanayaa codbixiyayaasha in ay arkaan halka ay ka marayso warqaddooda codbixinta habraaca doorashada.
Fadlan ogoow: haddii aad is-diiwaangeliso kadib marka waraaqdaada codbixinta loosoo celiyo doorashada hadda, waxaad keliya heli doontaa ogaysiisyada ku saabsan doorashooyinka mustaqbalka.
Haddii aad qabto wax su'aalo ah fadlan ka wac Xafiiska Doorashooyinka lambarka 503-988-VOTE (8683) ama iimayl noogu soo hagaaji elections@multco.us.
Doorashooyinka Dawlada Hoose Waa la Tixgeliyaa!
Doorashooyinka dawlada hoose waxeey coyaaraan door muhiim ah oo ku aadan go'aan qaadashada lagu dhiso mustaqbalka bulshooyinkeena. Waad ku mahadsan tihiin kumannaanka codbixiyeyaasha ee Degmada Multnomah ee ka qaybqaatay oona xaqiijiyay in codkooda ay ka dhiibtaan doorashadan iyo kuwa mustaqbalka imaanaya.
Natiijooyinka Doorashada Rasmiga ah ee Kama dambaysta ah waxa la heli karaa Diseembar 1, 2025
Natiijada doorashada rasmiga ah ee kama danbaysta ah waxaa la ansixin doonaa Diseembar 1, 2025. Doorashada xigta ee u qorshaysan Degmada Multnomah waa Doorashada Is-reebreebka ee Maajo 19, 2026.
Jeegooyinka musharrixiinta ee lagu qorsheeyay in lagu daro warqadda codbixinta (iyadoo Xafiiska Doorashooyinka ee Degmada Multnomah uu yahay xafiiska ka xareysashada jeegada uu musharaxu u tartamaayo) waxaa ka mid ah:
Golaha Dawladda-hoose, iyo sidoo kale tartamada musharrixiinta jeegooyinka heerka federaalka iyo heerka Gobolka Oregon.
Tartannada musharixiinta ee xafiisyada la doorto ee Degmada Multnomah iyo Magaallada Portland ayaan kasoo muuqan doonin warqadda cod bixinta ee Maajo 2026. Tani waxay xigta oo waxay ku iman doontaa Noofember 3, 2026, warqada codaynta — marka cod bixiyayaasha Degmadu ay ku biirto cod bixiyayaasha Magaalada Portland ee codaynta darajo u samaynta musharixiinta la xushay.
Mudada xaraynta ee Doorashada Guud ee Noofember 2026 waxay furmaysaa Juun 3, 2026. Doorashada Guud ee Noofembar 2026, habka codbixinta ee kala-sarraynt ayaa loo adeegsa doonaa doorashada
- Hanti-dhawraha Portland, Golaha Magaalada Portland ee Degmada 3, Golaha Magaalada Portland ee Degmada 4
- Guddoomiyaha Degmada Multnomah, Hanti-dhawraha Degmada Multnomah, Taliyaha Booliska ee Degmada Multnomah, iyo Kominshoneerka Degmada Multnomah ee Degmada 2.
Si aad wax badan uga ogaato xulashada darada codaynta ee Degmada Multnomah, booqo www.multco.us/rcv.
Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashada Noofeember 4, 2025
- Natiijooyinka doorashada kama dambaysta ah waxaa la cadaynayaa: Isniinta Diseember 1
Xafiiska guud:
Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah
1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214
Goobta Gresham:
Waxaa loo xidhay Doorashada Noofeembar, waxeey furmeysaa Maajo
Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha East Building ee Degmada Multnomah
600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030
Taleefan: 503-988-VOTE (8683)
Iimayl: elections@multco.us
Websaydka: multnomahvotes.gov