Somali: Degmada Multnomah waxay ku caawisaa cod-bixiyayaasha naafada ah iyo cod-bixiyayaasha luqadda ay doorbidaan

Offered by

Xiriirada warbaahinta:

Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)

Isgaarsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us

WAR-SAXAAFADEED: Degmada Multnomah waxay ku caawisaa cod-bixiyayaasha naafada ah iyo cod-bixiyayaasha luqadda ay doorbidaan; Wakhtiga Kama dambaysta ah ee Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha waa berri oo Talaado ah, Oktoobar 14, 2025

Degmada Multnomah, Ore. (Oktoobar 13, 2025) — Doorashada Gaarka ah ee Noofeembar 4, 2025 ayaa ku beegan. Xusuusin: Doorashadan waxa ku jira laba cabbir oo codbixineed oo keliya: mid magaalada Portland ah iyo mid dugsiga degmada Lake Oswego.

Ilaa 466,000 cod bixiyaal oo ka duwaan gashan Magaalada Portland iyo Lake Oswego School District ayaa heli doona warqada codaynta doorashadan. Si aad xog badan uga ogaato doorashadaan, booqo: multnomahvotes.gov.

Wakhtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta cod-bixiyaha doorashada Noofeembar 4 waa Talaadada, Oktoobar 14, 2025. Isdiiwaan geli si aad ugu codeyso oonlaynka barta oregonvotes.gov/register.

Codbixiyayaashu waxay sidoo kale ka hubin karaan ama cusbooneysiin karaan diiwaangelintooda onlaynka ah: oregonvotes.gov/myvote. Cod bixiyayashu waxay si toos ah iskaga diiwaan gelin karaan Dhismaha Doorashooyiinka Duniway-Lovejoy ee Ismaamulka Multnomah oo ku yaala 1040 S.E. Morrison St., Portland, saacadaha shaqada.

Caawimada waxa heli kara codbixiyayaasha naafada ah

Codbixiyaashu waxay marwalba wici karaan Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxayna codsan karaa caawimaada BILAASHKA ah ee codeynta iyo caawinada la xariirta doorashada. Kooxaha Caawinta Cod-bixiyayaasha ee Doorashooyinka waxay ku caawin karaan cod-bixiyaasha guriga, xarunta ay ku nool yihiin, ama mid ka mid ah labada koobood ee adeegga Doorashooyinka, oo ku yaala midkood Koonfur-bari Portland ama Gresham.

Sharci ahaan, shaqaalaha ama wakiilada guud ma bixin karaan caawimaada dhinaca cod bixinta ah. Laakiin codbixiyaasha ayaa sidoo kale caawimaad waydiisan kara saaxiib, xubin kamid ah qoyska, ama qof kale oo ay yaqaanaan kuna kalsoon yihiin.

Qaybaha Cod-bixinta Madaxbannaan (Independent Voting Units, IVU) ayaa u oggolaanaya dadka deegaanka inay si gaar ah oo madaxbannaana u codeeyaan

Codbixiyaasha u baahan caawimaadaha ayaa sidoo kale dooran kara inay adeegsadaan Qaybta Cod-bixinta Madaxbannaan (IVU) kuwaasoo u ogolaanaaya inay si gaar ah oo madaxbannaana u codeeyaan.

Qaybaha Cod-bixinta Madaxbannaan ayaa laga heli karaa Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah ee Portland iyo Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Gresham.

Qaybtu inta badan waa nidaamka taableedka oo u sahlaaya codbixiyaasha inay adeegsadaan tignooloojiyada casri ah si ay ugu codeeyaan warqadahooda codbixinta.

Isticmaaleyaasha doonaaya ama u baahan inay maqlaan warqadooda codbixinta oo kor loo akhrinaayo ayaa xiran kara sameecadaha dhagaha oo u sahlaaya inay kordhiyaan ama dhimaan dhawaaqa iyo xawaaraha akhriyaha casriga ah. Shaashadda taabashada ee taableedka waxay leedahay cabbirka farta la badali karo iyo saddex midab oo kala baxsan, laakiin gebi ahaanba waa la damin karaa. Calaamadinnada ayaa lagu heli karaa Ingiriis iyo Farta Indhoolka, codbixiyaashuna waxay ku qabsan karaan shaashada la taabto ama xakameeyaha dhabtooda. Taas ayaa ka dhigan in codbixiyaashu ay adeegsan karaan aalad ayagoo fadhiya, adeegsanaaya aalada socodka, ama taagan, ayagoo taageero ka helaaya miid la balaarin karo.

Kadib marka ay calaamadiyaan ayna dib u hubiyaan dookhyadooda, codbixiyaasha ayaa daabacan kara warqadooda codbixinta, saxiixi kara boqashadahooda celinta warqadda codbixinta, kadibna gelinaaya warqadda codbixinta boqshada celinta. Codbixiyaasha qaba su'aalaha inta ay adeegsanaynaan aaladaha ayaa adeegsan kara batoonka wicitaanka si ay u soo jeediyaan shaqaalaha doorashada.

Qaybaha Codaynta Madaxbanaan waxay diyaar u yihiin codbixiye kasta ilaa 8 habeenimo Habeenka doorashada, Noofeembar 4, 2025.

Taageerada ayaa lagu heli karaa luuqadda uu doorbidaayo codbixiyuhu

Codbixiyaasha waxay ku codsan karaan caawimo luqadda aay doorbidayaan. Laanta Doorashooyinka ee Ismaamulka Multnomah waxay leedahay shaqaale luuqado badan ku hadla.

Laanta Doorashooyinka ayaa sidoo kale siin karta turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo deegaanka ah oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luuqad aan Ingiriisiga ahayn. Turjumista taleefanka ama hab muuqaalka ah ayaa lagu heli karaa luuqad kasta oo ay ku jirto Luuqad Ishaareedka Maraykanka (American Sign Language, ASL).

Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan

Adeegayaga caanka ah ee Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqado badan! Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha iyo wararka codbixinta luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Yukraaniyan, Fiitnaamiis ama Shiinees.

Fariin qoraal, iimeyl, ama fariimaha codka ah ayaa u sheegi doona codbixiyaasha marka warqadahooda codbixinta ay boostada yaalaan iyo hadhoow marka warqaddahooda lagu codeeyay la helo.

Fariimaha ayaa sidoo kale muujinaaya haddii warqaddaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii talaabo dheeri ah laga rabo codbixiyaha. Fariimaha "Warqadda Codaynta La Aqbalay" (“Accepted Ballot”) waxaa sidoo kale ku jira astaanta oonlaynka ah ee Oregon ee "Waan Codeeyay" ( “I Voted”) oo aad ku baahin karto baraha bulshada.

Codbixiyeyaasha degmada Multnomah waxa ay ka furan karaan barta multnomah.ballot trax.net.

Macluumaadka warqadda codbixinta maqan

Codbixiyeyaasha ka maqnaan doona gurigooda maalinta doorashada ama wax ku dhow Malinta Doorashada waa inay codsadaan in waraaqda maqnaashaha codbixinta loogu soo diro cinwaankooda ku meel gaarka ah. Codbixiyayaashu waxay shakhsi ahaan u codsan karaan warqadda codbixinta Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah.

Codbixiyaasha codsada warqadda codbixiyaha maqan waa inay buuxiyaan Codsiga Codbixiyaha Maqan, oo ku jira multco.us/absentee oo ay la socoto xogta dheeraadka ah. Codbixiyaasha ayaa sidoo kale iimeyl u diri karaan elections@multco.us ama wici karaan (503) 988-VOTE (8683) si ay u helaan caawimaad dheeraad ah.

Doorashooyinka maxaliga ah waa muhiim — marka ‘Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO!’

Kahor Maalinta Doorashada, Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay ku boorinaysaa codbixiyayaasha: Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO! Liiska diiradda la saaray waxay codeeyayaasha marinaysaa shan talaabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:

  • Is duwaan Geli Si AAD U CODEEYSO.
  • Hel warqadaada codaynta.
  • Ku CODEE warqadaada codaynta.
  • Soo celi warqadaada codaynta.
  • COD yeelo oo horseed isbadel.

Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashooyinka Noofeember 4, 2025

  • Waraaqaha codaynta ciidanka/dalka dibadiisa ee boosta lagu dirayo: Jimce, Sebteember 19
  • Waraaqaha codaynta ka baxsan gobolka waxaa boosta lagu soo dirayaa: Isniin, Oktoobar 6
  • Warqadda Cod-bixiyayaasha ayaa loo diray dhammaan qoysaska la deggan yahay: Arbacada, Oktoobar 8
  • Wakhtiga ay ku eeg tahay duwaan gelinta cod bixiyayaasha: Talaatada, Oktoobar 14
  • Waraaqaha codbixinta ayaa loogu diri doonaa boosta cod-bixiyeyaasha: Arbacada, Oktoobar 15
  • Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Gresham waxa ay furmaysaa: Isniinta, Oktoobar 20
  • Dhamaan codbixiyaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta: Khamiista, Oktoobar 23
  • Maalinta Doorashada: Talaadada, Noofembar 4
  • Natiijooyinka doorashada kama dambaysta ah waxaa la cadaynayaa: Isniinta Diseember 1

Xafiiska guud:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214

Goobta Gresham:

Furan Oktoobar 20-Noofember 4, 2025

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Wabseedka: multnomahvotes.gov