Xiriirada warbaahinta:
Tim Scott ama Edward Gutiérrez, Multnomah Doorashooyinka Degmada 503-988-VOTE (8683)
Isgaarsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us
Degmada Multnomah, Ore. (Noofeembar 4, 2025) — Maanta, Talaado, Noofeembar 4, 2025, waa maalinta ugu dambeysa ee cod loo qaado Doorashada Gaarka ah ee Noofeembar 4, 2025.
Doorashada Gaarka ah ee Noofeembar 4, 2025 waxaa ku jira laba cabbir oo codbixin ah oo keliya: mid loogu talagalay Magaalada Portland iyo mid loogu talagalay Degmada Dugsiga Lake Oswego. Si aad xog badan uga ogaato doorashadaan, booqo multnomahvotes.gov.
Jadwalka natiijooyinka doorashadan waxaa laga heli karaa khadka tooska ah.
Warqadaha codbixinta ee la codeeyay waa in laga helaa xafiiska doorashada degmada ee Oregon ama goobta rasmiga ah ee lagu soo diro codbixinta kahor 8 fiidnimo, Talaadada, Noofeembar 4, 2025, ama boostada lagu soo diro oo lagu calaamadeeyo boostada Noofeembar 4, 2025, si loo tiriyo.
Sharciga Oregon wuxuu u baahan yahay dhammaan xafiisyada doorashooyinka inay tiriyaan warqad kasta oo boostada lagu soo diray oo lagu calaamadeeyay Maalinta Doorashada ama ka hor, taasoo sidoo kale timaada toddoba maalmood gudahood Maalinta Doorashada. Si kastaba ha ahaatee, sababtoo ah isbeddellada dhawaan ee Adeegga Boostada ee Mareykanka (United States Postal Service, USPS), waraaqaha codbixinta (ama warqad kasta) lama calaamadayn karo isla maalinta loo diro xafiiska boostada ama sanduuqa ururinta USPS. Tani waxay ka dhigi kartaa mid khatar ah inaad boostada ku soo celiso codbixintaada maanta, Maalinta Doorashada.
Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay ku talinaysaa kuwa aan weli soo gudbin warqadahooda codbixinta inay ku soo celiyaan Goobta Rasmiga ah ee Codbixinta si loo hubiyo in xafiiska doorashada uu helay waqtigii loogu talagalay in la tiriyo!
Codbixiyeyaashu waxay isticmaali karaan mid kasta oo ka mida Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido — ayna ku jiraan inta badan goobaha buugta lagu diro ee 24-ka saac furan ee Laybareeriyada Degmada Multnomah — si aad si ammaan ah ugu riddo warqadda cod bixinta. Ka fiiri Goobta Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido bartan multco.us/dropsites.
Dhammaan cod-bixiyeyaasha isdiiwaangeliyey waa inay helaan warqadahooda codbixinta Khamiista, Oktoobar 23, 2025. Cod-bixiyeyaasha diiwaangashan ee aan helin warqadahooda codbixinta ama u baahan warqad beddel ah waa inay isla markiiba la xiriiraan xafiiska Doorashooyinka.
Codbixiyaasha Degmada Multnomah ee u baahan waraaqda codbixinta ama doonaaya in la caawiyo waa inay wacaan Waaxda Doorashooyinka ee Degmada Multnomah oo laga helaayo 503-988-VOTE (8683). Wixii caawimo fool ka fool ah, codbixiyeyaashu waxay sidoo kale booqan karaan Dhismaha Doorashada Degmada Multnomah Duneway-Lovejoy ee Southeast Portland (1040 S.E. Morrison St., Portland) ama Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Gresham (600 N.E. 8th St., Gresham), oo ku taal gudaha Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah.
Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay u furnaaneysaa ilaa iyo 8-da fiidnimo adeegyada codbixiyaasha
Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Southeast Portland iyo Gresham waxay furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo. maalinta doorashada si loo caawiyo codbixiyeyaasha.
Shaqaalaha doorashada ayaa ka caawin kara codbixiyaasha inay badashaan waraaqda codbixinta ee luntay ama haloowday, ama inay wax ka badalaan xogtooda diiwaan gelinta codbixiyaha. Codbixiyeyaasha naafada ahi waxay heli karaan kaalmo.
Codbixiyeyaasha ku hadla luuqad aan Ingiriisi ahayn waxay kaalmo ku heli karaan luuqadda ay doorbidaan. Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay siisaa turjumaan lacag la'aan ah qof kasta oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luqad aan Ingiriisiga ahayn. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan codbixinta iyo doorashada oo ku qoran 18 luqadood oo kala duwan ayaa laga heli karaa khadka tooska ah.
Shaqaalaha doorashooyinka ayaa sidoo kale diyaar u ah su'aalaha ama caawimaad kale oo la xiriirta doorashada iyagoo wacaya 503-988-VOTE (8683).
Adeegga Horay U Sii Dalbo Warqadda Codbixinta Baddelka ah
Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay Bixisaa Amar Ka hor Inta aan la Beddelin Adeegga Cod-bixinta oo u oggolaanaya cod-bixiyeyaashu in ay onlayn toos ugu codsadaan badalida waraaqda codbixinta ayagoo booqanaaya multco.us/orderahead kahor intaysan booqan goobta adeegga codbixiyaha si ay usoo qaataan waraaqda codbixinta.
Cod-bixiyeyaashu waxay codsan karaan warqadaha codbixinta ee beddelka ah si ay maanta u qaataan Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah ee Koonfur-bari Portland (1040 S.E. Morrison St., Portland) ama Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Gresham (600 N.E 8th St., Gresham).
Inta lagu jiro saacadaha shaqada, warqadda codbixinta waxaa lagu heli karaa labo saacadood gudahood goob kasta oo xafiis oo aad doorato.
“Track Your Ballot” (Lasoco Warqadaada Codaynta) adeega
Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxa ay isu diiwaangalin karaan adeega Track Your Ballot (Lasoco Warqadaada Codaynta) ee laga heli karo multnomah.ballottrax.net Si ay u helaan warar ku saabsan in loo aqbalay warqaddooda cod bixinta tirinta ama haddii ay uga baahantahay codbixiyeha tallaabo kale oo dheeri ah.
Adeegayaga “Track Your Ballot” (Lasoco Warqadaada Codaynta) ee Degmada Multnomah waxaa lagu heli karaa luuqado badan! Codbixiyeyaashu waxay heli karaan fariimaha lasocoshada warqadda cod bixinta iyo wararka oo ah luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Fiitnaamiis, Yukrayniyaan ama Shiineys. Codbixiyeyaasha ayaa heli kara astaanta oonleenka ah ee “I Voted” (“Waan Codeeyay”) kadib marka ay soo celiyaan waraaqdooda codbixinta.
Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashada Noofeember 4, 2025
- Maalinta Doorashada: Talaadada, Noofembar 4
- Natiijooyinka doorashada kama dambaysta ah waxaa la cadaynayaa: Isniinta Diseember 1
Xafiiska guud:
Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah
1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214
Goobta Gresham:
Furan Oktoobar 20 - Noofember 4, 2025
Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah
600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030
Taleefan: 503-988-VOTE (8683)
Iimayl: elections@multco.us
Wabseedka: multnomahvotes.gov