WARBIXINTA DEGDEGA AH:
Isniin, Sebteember 15, 2025
Cod bixiyayaashu waxay booqan karaan oregonvotes.gov si ay iskugu duwaan geliyaan cod bixinta ama cusbooneeysiyaan macluumaadkooda duwaan gelinta cod bixiyaha ka hore Doorashada Gaarka ah ee Noofember
Ku biir mas’uuliyiinta doorashada deegaanka ee degmooyinka Clackamas, Marion, Multnomah, Washington, iyo Yamhill inta aanu u dabaal degeyno Maalinta Duwaan Gelinta Cod Bixiyaha ee Qaran Talaadada, Sebteember 16. Waxa aanu ku dhiiri gelinaynaa reer Oregon inay wakhti qaataan ay ku yeeshaan saamayn oo ay Deegaanka Ka Codeeyaan Doorashada Gaarka ah ee 2025 ee Noofember. Waxaa markii kowaad loo dabaal degay 2012 kii, Maalinta Qaranka ee Diiwaangelinta Cod-bixiyaha waxay gaadhay heer qaran, munaasabad aan xisbi iska lahayn oo mas’uuliyiinta doorashada, hay'adaha iyo dad wakhtigooda ku deeqay ay gacmaha is qabsadaan si ay u xaqiijiyaan in qoyskeena, asxaabteena, iyo jaararkeena ay ugu diyaar garoobaan si codkooda loo maqlo oo ay u qorshaystaan inay CODEEYAAN!
Mas'uuliyiinta doorashooyiinka ee degmadaada waxaa dhiiri geliyaan in cod bixiyayaashu ay qaadaan sadexdan talaabo:
- Eeg xaaladaada duwaan gelintaada cod bixiye oo xaqiiji in macluumaadkaaga uu saxan yahay adigoo booqanaya oregonvotes.gov. Cod bixiyayaasha waa inay cusboonaysiiyaan duwaankooda cod bixinta wakhti kasta oo ay guuraan, bedelaan gurigooda ama cinwaanka boosta, bedelaan magacooda, ama ay doonayaan inay bedelaan xisbiga ay taageeraan. Mudada ay ku eg tahay duwaan gelinta cod bixiyaha ee duwaangelinta onleynka ah waa Talaadada, Oktoobar 14, 11:59 habeenimo.
- Isku duwaan geli adeega la socodka warqadaada codaynta. Ka Cod bixiye ahaa oo ku sugan shantaan degmo, waa is duwaan gelin kartaa si aad u hesho digniinada La Socodka Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) fariin, taleefoon ama iimeyl, si markaa aad u ogaato goorta warqadaada codaynta laguu soo diray. Kadib marka aad codayso oo aad celiso warqadaada codaynta, waa lagu soo wargelin doonaa marka uu xafiiska doorashooyiinka ee degmadaadu uu helo oona aqbalo si loo tiriyo. Cod bixiyayaasha waxay iskaga duwaan gelin karaan adeegan BILAASHKA ah ballottrax.net/voter ama xog dheeraad ah ka oggow adiga oo booqanaya websaytka doorashooyinka degmadaada ee ku qoran hoos.
- Samayso qorshe aad ku CODEYNAYSO doorashadan iyo ta xigtaba! Maadaama oo tani tahay doorasho gaar ah, cod bixiye kasta ma heleyo doorashada Noofember. Booqo websaytka doorashooyiinka degmada ee deegaankaada si aad u aragto hadii aad leedahay qaraar ama tartan aad uga coddeyn karto degmadaada, magaaladaada ama deegaankaaga. Mas'uuliyiinta doorashooyinka waxay bilaabi doonaan inay waraaqaha codaynta boosta ugu diraan cod bixiyayaasha Arbacada, Oktoobar 15. Diyaar u ahaw oo samayso qorshe ay ku jiraan goorta aad heli doonta warqadaada cod bixinta, marka iyo goorta aad codayn doonto, iyo sida aad usoo celin doonto warqadaada codaynta. Waraaqaha codaynta waxaa lagu diri karaa boosta ama waxaa lagu soo celin karaa goob kasta ee Goobta Codaynta Rasmiga ah ee gobolka oo furan. Si aad u hesho goobta kuugu dhaw ee aad ka codaynayso booqo oregonvotes.gov. Waraaqaha codaynta ee la codeeyay waa in lagu diraa bushqad leh sumad boos oo sax ah ama dib loogu soo celiyo Goobta Codaynta ee Rasmiga ah ugu danbayn 8:00 habeenimo Maalinta Doorashada, Talaadada, Noofember 4, 2025. Waxaan kugula talineynaa inaad warqadda codbixinta si toos ah ugu celiso Goobta Rasmiga ah ee Dhiibista Codka kadib Jimcaha, 31-da Oktoobar.
Doorasho kasta, mas'uuliyiinta doorashooyiinka Degmada ayaa gelin doona dadaal ay ku sugayaan sumcada, saxnaanta, bayaaminta iyo sugitaanka nidaamka doorashada si loo xaqiijiyo in dhamaan doorashooyinka federalka, gobolka, iyo deegaanka loo qabto qaab ay wada heli karaan oo amaan u ah cod bixiyayaasha degmooyinkeena.
Miyaad ogtahay marka bushqad kasta oo waraaqaha cod bixintu ay timaado mid kamid ah xafiisyadeena in la eego saxeexa cod bixiyaha? Saxeexa ku yaala bushqada warqada cod bixinta lagu soo celiyo waxaa la barbar dhigi doonaa saxeexa cod bixiyaha ee faylka ku jira nidaamka duwaan gelinta cod bixiyaha ee dhexe ee gobolka oo saxeexa waa inuu lamid yahay kahor inta aan la furin oo aan la tirin warqada cod bixinta. Hadii saxeexu aanu lamid noqon ama uu maqan yahay, waxa aad heli doontaa waraaq boostada oo ay ku qorantahay talaabooyinka xiga si markaa aanu u xaqiijino saxeexaaga oona loo tiriyo warqadaada cod bixinta. Cod bixiyayaasha isku duwaan geliye la socodsiinta xogta iyagoo adeegsanaya La Socodka Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) ayaa sidoo kale lagu wargelin doonaa qoraal ahaan, taleefoon ama iimeyl ahaan hadii mas’uuliyiinta doorashooyiinka deegaankaaga ayna aqbalin saxeexaaga, iyadoo laguu sheegaayo inaad la xidhiidho xafiiska doorashooyiinka ee deegaankaaga. Waxa aad ka cusboonaysiin kartaa saxeexaagaa duwaan gelinta cod bixiyaha adiga oo buuxinaya waraaqaha Kaadhka Duwaan Gelinta Codbixiyaha ee Oregon.
Mas’uulka doorashooyiinka degmadaadu waxaa weeye il lagu kalsoon yahay oo sax ah oo macluumaadka ku saabsan nidaamka doorashooyiinka iyo macluumaadka cod bixiyaha. Waxa aanu isku diyaarine oon diyaar u nahay inaan qabano Doorashada Gaarka ah ee Noofember. Diyaar ayaan u nahay in aanu tirino codkaaga! Diyaar ma u tahay in aad samayso saamayn?
Si aad wax badan uga ogaato cod bixinta degmadaada oo aad macluumaad dheeraad ah uga hesho Doorashada Gaarka ah ee Noofember 4, 2025, fadlan booqo websaytka doorashooyinka degmada ee degaankaaga ee hoos ku qoran.
Xidhiidhada:
Catherine McMullen, Karaaniga Degmada Clackamas | clackamas.us/elections | elections@clackamas.us | 503-655-8510
Bill Burgess, Karaaniga Degmada Marion | co.marion.or.us/CO/elections | elections@co.marion.or.us | 503-588-5041
Tim Scott, Maareeyaha Doorashooyiinka Degmada Multnomah | MultnomahVotes.gov | elections@multco.us | 503-988-VOTE (8683)
Dan Forester, Maamulaha Doorashooyinka Degmada Washington | washingtoncountyor.gov/elections | elections@washingtoncountyor.gov | 503-846-5800
Keri Hinton, Karaaniga Degmada Yamhill | yamhillcounty.gov/405/Elections | elections@yamhillcounty.gov | 503-434-7518