Somali: Noofember 4, 2025, Doorashada Gaarka ah ee soo socda!

Offered by

Xiriirada warbaahinta:

Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)

Isgaarsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us

WARSAXAAFADEED: Noofember 4, 2025, Doorashada Gaarka ah ee soo socda!

Faafintan waxaa lagu daalacan karaa oonlaynka luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Fiyatnaamiis, Ruush, Soomaali, Yukreeniyaan iyo Shiineys.

Degmada Multnomah, Ore. (Oktoobar 1, 2025) — Doorashada xigta ee Degmada Multinomah waa Noofember 4, 2025, Doorashada Gaarka ah. Doorashadan waxaa kamid ah laba talaabo oo waraaqaha codaynta ah: mid waxaa loogu talo geley Magaalada Portland oo midna waxaa loogu talo geley Lake Oswego School District.

Ilaa 466,000 cod bixiyaal oo ka duwaan gashan Magaalada Portland iyo Lake Oswego School District ayaa heli doona warqada codaynta doorashadan. Si aad xog badan uga ogaato doorashadaan, booqo multnomahvotes.gov.

Waa muhiim in la xaqiijiyo in diiwaan gelintaada codbixiyuhu ay saxan tahay ayna shaqeynayso. Xasuusnoow inaad cusboonaysiiso isdiiwaan gelintaada wakhti kasta oo aad guurto, badasho magaca, ama aad doonayso inaad badasho xisbiga aad taageereyso.

Wakhtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta cod-bixiyaha doorashada Noofeembar 4 waa Talaadada, Oktoobar 14, 2025. Is duwaan geli si aad u codeeyso onlayn ahaan oregonvotes.gov/register. Codbixiyaashu waxay ka eegi karaan ama cusboonoosiin karaan diiwaan gelintooda barta oonlaynka oo ah ee oregonvotes.gov/myvote. Cod bixiyayashu waxay si toos ah iskaga diiwaan gelin karaan Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Ismaamulka Multnomah oo ku yaala 1040 S.E. Morrison St., Portland, inta lagu jiro saacadaha shaqada.

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee waxay ka furmeysa Gresham laga bilaabo Oktoobar 20, 2025

Xarunta Cod Bixinta Degdeg ah waxaa markale loo furi doonaa Noofember 4, 2025, Doorashada Gaarka ah. Waxay ku taalaa 600 N.E. 8th St. in downtown Gresham, Xarunta Codbixinta Degdeg ah waxay furnaan doonaa Oktoobar 20, 2025, ilaa Maalinta Doorashada.

Si aad u hesho liiska adeegyada, booqo multco.us/info/i-want.

Waraaqaha codbixinta waxaa boostada loogu dirayaa codbixiyaasha Arbacada, Oktoobar 15. Si loo tiriyo, waraaqaha codbixinta waa in boostada lagu hagaajiyaa Talaasada, Nofeembar 4, 2025 ama la keenaa Xarunta Codbixinta Rasmiga ah ugu danbayn 8 habeenimo Maalinta Doorashada, Talaadada, Nofeembar 4.

Macluumaadka warqadda codbixinta maqan

Codbixiyeyaasha ka maqnaan doona gurigooda maalinta doorashada ama wax ku dhow malinta doorashada waa inay codsadaan in waraaqda maqnaashaha codbixinta loogu soo diro cinwaankooda ku meel gaarka ah.

Codbixiyayashu waxay si toos ah iskaga diiwaan gelin karaan Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah.

Codbixiyaasha codsada warqadda codbixiyaha maqan waa inay buuxiyaan Codsiga Codbixiyaha Maqan, oo laga heli karo multco.us/absentee, oo ay la socoto xogta dheeraadka ah. Codbixiyaasha ayaa sidoo kale iimeyl soo diri karaa elections@multco.us ama wac (503) 988-VOTE (8683) si aad u hesho caawimaad.

Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan

Ha ilaawin inaad iska diiwaan geliso Adeegeena La Soco Waraaqdaada Codbixinta (Track Your Ballot) ee caamka ah!

Cod bixiyayaasha Degmada Multnomah waxay isku duwaan gelin karaan fariin qoraal, iimeyl, ama fariimaha codka ah oo u sheegaya codbixiyaasha marka warqadahooda codbixinta ay boostada yaalaan iyo hadhoow marka warqaddahooda lagu codeeyay la helo. Fariimaha ayaa sidoo kale muujinaaya haddii warqaddaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii talaabo dheeri ah laga rabo codbixiyaha.

Adeegayaga caanka ah ee Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa sidoo kale luuqado badan! Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha iyo wararka codbixinta luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Yukraaniyan, Fiitnaamiis ama Shiineys.

Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku furan karaan adeegan multnomah.ballot trax.net.

Soo gudbinta Musharaxnimada ayaa furan Maajo 19, 2026 Doorashada Hordhaca

Muddada gudbinta codsiyada Musharixiinta iyo Xubnaha Guddiga Xaafadda ee Doorashada Hordhaca ahee Maajo 19, 2026 ayaa hadda furan laga bilaabo Sebteembar 11, 2025.

Xilalka musharixiinta deegaanka ayaa loo qorsheeyay in lagu daro codbixinta Maajo 19:

Metro

  • Kormeerka
  • Golaha Madaxweynaha
  • Xildhibaanada Degmooyinka 1, 2, iyo 4

Mudada ay ku eeg tahay musharaxnimada Metro waa:

  • 5 galabnimo, Maarso 3, 2026, ee musharixiinta hada xilka haya.
  • 5 galabnimo Maarso 10, 2026, musharixiinta aan xilalka haynin (cusub) iyo musharixiinta xilalka haya ee la magacaabay.

Mudada ay ku eeg tahay buuxintu ee mushirixiinta Precinct Committeeperson waa 8 habeenimo Maay 19, 2026.

Mudada ay ku eeg tahay talaabooyinka xaraynta waraaqaha codaynta ee doorashada Maay 2026 waa Maarso 19, 2026. Talaabada Degmada Gaarka ah ama degmada waa in la xareeyaa wargelin ciwaanka waraaqaha codaynta ugu danbayn Febraayo 27, 2026.

Tartannada musharixiinta ee xafiisyada la doorto ee Degmada Multnomah iyo Magaallada Portland ayaan kasoo muuqan doonin warqadda cod bixinta ee Maajo 2026. Tani waxay xigta oo waxay ku iman doontaa Noofember 3, 2026, warqada codaynta — marka cod bixiyayaasha Degmadu ay ku biirto cod bixiyayaasha Magaalada Portland ee codaynta darajo u samaynta musharixiinta la xushay. Mudada xaraynta ee Doorashada Guud ee Noofember 2026 waxay furmaysaa Juun 3, 2026. Si aad wax badan uga ogaato xulashada darada codaynta ee Degmada Multnomah, booqo www.multco.us/rcv.

Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashooyinka Noofember 4, 2025

  • Waraaqaha codaynta ciidanka/dalka dibadiisa ee boosta lagu dirayo: Jimce, Sebteember 19
  • Waraaqaha codaynta ka baxsan gobolka waxaa boosta lagu soo dirayaa: Isniin, Oktoobar 6
  • Warqadda Cod-bixiyayaasha ayaa loo diray dhammaan qoysaska la deggan yahay: Arbacada, Oktoobar 8
  • Wakhtiga ay ku eeg tahay duwaan gelinta cod bixiyayaasha: Talaatada, Oktoobar 14
  • Waraaqaha codbixinta ayaa loogu diri doonaa boosta cod-bixiyeyaasha: Arbacada, Oktoobar 15
  • Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Gresham waxa ay furmaysaa: Isniinta, Oktoobar 20
  • Dhamaan codbixiyaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta: Khamiista, Oktoobar 23
  • Maalinta Doorashada: Talaadada, Noofembar 4
  • Natiijooyinka doorashada kama dambaysta ah waxaa la cadaynayaa: Isniinta Diseember 1

Xafiiska guud:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214

Goobta Gresham:

Furan Oktoobar 20-Noofember 4, 2025

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Wabseedka: multnomahvotes.gov