War-saxaafadeedkan waxaa lagu arki karaa English, Spanish, Chinese, Vietnamese, Russian, Ukrainian iyo Soomaali. Degmada Multnomah sidoo kale waxay raadinaysaa jawaab-celin ku saabsan nuxurka aan tarjunnay. Ka qayb qaado sahankeena onlaynka ah.
Xiriirrada:
Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)
Xafiiska Isgaadhsiinta, pressoffice@multco.us
Maalinta Doorashada Oregon waxaa weeye Talaatada soo socoda, Maajo 19; sii qorshayso si aad u xaqiijiyo in warqadaada codaynta wakhti wanaagsan lasoo celiyo si loo tirin karo codkaaga!
Degmada Multnomah, Ore. (Maajo 12, 2026) — Maalinta Doorashadu waa Talaatada soo socda, Maajo 19.
Codbixiyeyaashu waxay haystaan laba hab oo ay ku soo celiyaan warqadahooda codbixinta:
- Kusoo celi warqadaada codaynta wax kami dah xafiisyada doorashada Oregon ama goobta Codaynta Rasmiga ah ugu danbayn 8 da subaxnimo Maalinta Doorashada
- Kusoo celi boosta warqadaada codaynta — shaambad looma baahna!
XASUUSIN: Doorashooyiinka Multnomah waxay kugula talinaysaa inaad boosta kusoo dirto warqadaada codaynta ugu dambayn Khamiista, Maajo 14, si loo hubiyo in lagu shaabadeeyo oo ay gaarto xafiiska doorasho waqtigii lagu tirin lahaa.
Wixii ka danbeeya 14 Maajo, codbixiyeyaasha qorshaynaya inay boosto ku diraan waraaqahooda codbixinta maalmaha u dhow Maalinta Doorashada waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ka codsadaan shaabad gacanta ah xafiiska Xafiiska Adeegga Boostada Mareykanka (United States Postal Service, USPS) ee aagooda. Hubi saacadaha iyo goobaha ka hor inta aadan tegin.
Samee qorshe lagu hubinayo in warqaddaada codbixinta lagu shaabadeeyo boostada ugu dambayn — ama ka sii fiican, ka hor Maalinta Doorashada.
Dhamaan Goobaha Rasmiga ah ee lagu Rido Warqadaha Codbixinta ee Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin multco.us/dropsites. Macluumaadka Goobta Codaynta Rasmiga ah sidoo kale waxaa laga heleyaa Waraaqaha Xogta Cod Bixiyayaasha Degmada Multnomah iyo khariirada isku jirta ee goobaha codaynta rasmiga ah ee Degmada.
Musharixiinta u tartamaya xafiisyada la doorto ee Degmada Multnomah iyo Magaalada Portland kama soo bixi doonaa waraaqaha codaynta Maajo 2026. Waxay ka soo muuqan doonaan warqadda codbixinta ee Noofeembar 3, 2026, — marka codbixiyeyaasha Degmada ay la midoobi doonaan codbixiyeyaasha Magaalada Portland si ay u adeegsadaan habka codbixinta kala doorashada ee Degmada Multnomah.
Adeegga Hore u Dalbashada Waraaq Cod-bixin Beddel ah
Codbixiyeyaasha aan weli helin warqaddooda codbixinta ugu danbayn Khamiista, Maajo 7, 2026, ama u baahan warqad codbixin beddel ah waa inay sida ugu dhakhsaha badan ula xiriiraan Degmada Doorashooyiinka Multnomah iyaga oo la hadlaya 503-988-VOTE (8683).
Codbixiyeyaashu waxay sidoo kale onlayn uga heli karaan warqad codbixin iyagoo adeegsanaya adeegga fudud ee Doorashooyiinka ee Adeegga Hore u Dalbashada Waraaq Cod-bixin Beddel ah. Codbixiyeyaasha isticmaala adeeggan onlaynka ah waxay ka fogaan karaan ama soo gaabin karaan booqashada foolka-foolka ah mid ka mid ah labada goobood ee adeegga codbixiyeyaasha ee Doorashooyiin.
Codbixiyeyaasha isticmaalaya Adeegga Hore u Dalbashada Waraaq Cod-bixin Beddel ah waxay:
- Codsan karaan in warqad codbixin beddel ah loogu soo diro gurigooda ama
- Waxay codsan karaan warqad codbixin beddel ah oo qof ahaan looga qaato daaqadda “wici doona”. Adeegga wici doona waxaa laga heli karaa Xarunta Codaynta Degdega ah(600 N.E. 8th St., Gresham, gudaha Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah) iyo Dhismaha Doorashooyiinka ee Degmada Multnomah Duniway-Lovejoy (1040 S.E. Morrison St., Portland).
Saacada dheeraadka ah ee goobtaba Southeast Portland iyo Gresham
Saacadaha caadiga ah ee Doorashooyinka Degmada Multnomah ee adeega cod bixiyaha labadana waxay u dhaxeeyaan 8 subaxnimo - 5 galabnimo Isniin ilaa Jimce. Saacada dheeraadka ah iyo Sabtida ee goobtaba Southeast Portland iyo Gresham labadaba waxay noqon doonaan:
- Arbacada, Maajo 13 - Jimcaha, Maajo 15: 8 subaxnimo - 7 fiidnimo
- Sabtida, Maajo 16: 10 subaxnimo - 2 galabnimo
- Isniinta, Maajo 18: 8 subaxnimo - 7 fiidnimo
- Maalinta Doorashada, Salaasa, Maajo 19: 7 subaxnimo - 8 fiidnimo
La soco Warqaddaada Codbixinta oo lagu heli karo afaf badan
Weli ma daahin in cod bixiyayaashhu iska diiwaangeliyaan adeegga caanka ah ee Doorashooyiinka Degmada Multnomah ee La soco Warqaddaada Codbixinta (Track Your Ballot)! Iska diiwaangeli multnomah.ballottrax.net.
Codbixiyeyaashu waxay doorankaraan inay helaan ogeysiisyo iyo xogta ugu danbaysay ee ku saabsan warqadda codbixinta oo ku baxa English, Spanish, Russian, Soomaali, Ukrainian, Vietnamese ama Chinese.
Farriimaha qoraalka ah, iimaylka ama ogeysiisyada codka ayaa u sheegi doona codbixiyeyaasha marka warqadahooda codbixinta boostada lagu jiro iyo marka dambe marka la helo warqadahooda codbixinta ee la codeeyay.
Ogeysiisyadu sidoo kale waxay tilmaamayaan haddii warqadaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii tallaabo dheeraad ah looga baahan yahay codbixiyaha. Farriimaha “Waraaqda Codbixinta La Aqbale” sidoo kale waxaa ku jira istiikar muuqaal ah oo Oregon “Waan Codeeyay” ah oo diyaar u ah in lagu baahiyo baraha bulshada.
Waraaqaha macluumaadka Cod bixiyayaasha Degmada Multnomah waxaa lagu heli karaa boosta iyo onleyn.
Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19, 2026, waxaa ku jira tartamada musharraxiinta ee heer Gobta Deegaanka iyo federaal, gobol iyo boosaska xaakinada iyo sidoo kale qodobbo.
Wax badan ka oggow tartan kasta iyo qodobo kasta ee waraaqaha cod bixinta oo ku yaala Waraaqaha Macluumaadka Doorashada Degmada Multnomah, taas oo boosta loogu diro guri kasta oo sidoo kale waxaa laga heli karaa onleyn ahaan.
Inta ka dhiman Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19
- Abriil 3, 2026 - Boosta ugu dirida waraaqaha codaynta ciidanka/dadka dalka dibadiisa jooga
- Abriil 6, 2026 - Waraaqaha codaynta maqnaanshaha ayaa la heli karaa
- Abriil 20, 2026 - Waraaqaha codbixinta ee ka baxsan gobolka ayaa boosto lagu diray
- Abriil 23, 2026 - Buug-yaraha codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ayaa la diray
- Abriil 28, 2026 - Wakhtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha/isbeddelka xisbiga
- Abriil 29, 2026 - Waraaqaha codbixinta waxaa boosto loogu diray codbixiyeyaasha
- Majo 7, 2026 - Dhammaan codbixiyeyaasha diiwaangashan waa inay heleen waraaqahooda codbixinta
- Maajo 19, 2026 - Maalinta Doorashada Hordhaca
- Juun 15, 2026 - Xaqiijinta natiijooyinka ugu danbaysa ee doorashada
Xafiiska Guud:
Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building
1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214
Goobta Gresham:
Voting Center Express at the Multnomah County East Building
600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030
Furan Abriil 23 - Maajo 19, 2026
Telefoon: 503-988-VOTE (8683)
Iimayl: elections@multco.us
Mareegta: www.MultnomahVotes.gov