Warsaxaafadeedkan waxa lagu heli karaa Ingiriisi, Isbaanish, Shiine, Fiitnaamiis, Soomaali, Yukreeniyaan iyo Ruush. Waxaan raadinaynaa aragtiyo ku saabsan nuxurkaayaga la turjumay iyadoo loo marayo sahamin oo onlayn oo halkan ah.
Macluumaadka xidhiidhka saxaafada:
Tim Scott, Multnomah County Elections, 503-988-VOTE (8683)
Isgaadhsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us
Degmada Multnomah, Ore. (Maajo 20, 2026) — Maadaama oo waraaqo badan la keenayo Maalinta Doorashada, isasoo baxa cod bixiyayaasha Degmada Multnomah ayaa markale korodhay Maalinta Doorashada Hordhaca ee Maajo 19. Laga bilaabo 11:30 p.m. fiidka Habeenka Doorashada, isasoo baxaya cod bixyayaasha ayaa ahaa 32.49%.
Doorashadan waxay ka kooban tahay tartamada musharraxiinta ee Golaha Metro iyo federaalka, gobolka iyo jagooyinka garsoorka.
"Isaso soo baxaya waxa uu u dhigmaa doorashada hordhaca ee hore, sida doorashada Maajo 2022 oo dadka isku baxay ay ahaayeen 36.55% sida uu sheegey Tim Scott, maareeyaha Doorashooyinka Degmada Multnomah. "Waxa aanu filanaynaa inay guud ahaan codeeyaan 35% ilaa 40% shacabka doorashada."
Macluumaadka dadka cod bixiyayaasha ah maalin walba waxaa laga heleyaa bogeena dadka codeeynaha iyo sidoo kale shaashada Soo Celinta Waraaqaha Codbixinta Doorashada Hordhaca Maajo 2026.
Jadwalka natiijooyinka doorashadan aan rasmiga ahayn sidoo kale waxa laga heli karaa onlaynka.
Doorashadan waxaa lagu arkay ugu soo dirin waraaqaha codbixinta boosta iyo Goobaha Cod Bixinta Rasmiga ah. Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay ku dhiiri gelinaysaa cod bixiyayaasha inay kusoo celiyaan waraaqaha cod bixinta Goobta Codaynta Rasmiga ah maalmaha ka horeeya Maalinta Doorashada si loo xaqiijiyo in waraaqaha cod bixinta lagu helo wakhtiga la ogol yahay.
Waad mahadsan tihiin Shaqaalaha Doorasho
Shaqaalaha doorashada ee dhaaran waxay ka ciyaaraan kaalin muhiim ah saxnaanta, helitaanka iyo amaanka doorashada ee cod bixiyayaasha Degmada Multnomah. Kaalinta shaqaalaha doorashada waxaa kamid ah qaadista waraaqaha cod bixinta goobaha la keeno, dhax marinta waraaqaha cod bixinta qaybaha kala saara ee degdega ah, furitaanka bushqadaha waraaqaha cod bixinta, bixinta adeegyada cod bixinta toos ah ee Portland iyo Gresham, ka jawaabida kumanaan taleefan, iyo masuuliyado kale oo aan tiro lahayn oo intaa u dhaxeeya. Waaxda Doorashada sidoo kale shaqaalaysiin kartaa ilaa 200 shaqaale heegan ah oo doorashada ah oo kusoo biiraya shaqaalaha doorashada ee rasmiga ah si ay uga caawiyaan doorashada. Waxa aanu uga mahadnaqaynaa dhamaan shaqaalaha doorashada adeegooda.
Doorashada darajo siinta ee Noofemberta soo socotoa ee musharixiinta ka tartamaya Degmada Multnomah
Laga bilaabo Noofembertan, cod bixiyayaasha Degmada Multnomah waxay isticmaali doonaan codaynta darajo siinta (RCV) si loo doorto dhamaan boosaska musharixiinta Degmada Multnomah.
Si ka duwan cod bixintii hore ee cod bixiyayaashu dooran jireen hal mushaharax, RCV waxay u ogolaataa cod bixiyayaasha inay siiyaan daroojo dhawr mushaharax sida u kala doorbidaan. Tani waxay ka dhigan tahay in marka musharaxa kowaad ee cod bixiyaha laga guulaysto, waxa codkiisa loo tirinayaa musharaxa darajada ku xigta.
Bishii Nofeembar 2022, codbixiyeyaasha waxay ansixiyeen tallaabooyin lagu farayo isticmaalka doorashada codaynta kala-hormarinta dhammaan tartamada musharraxiinta ee magaalada Portland iyo Degamada Multnomah.
Codbixiyeyaasha Portland waxay bilaabeen isticmaalka codbixinta doorashada ee darajada koowaad bishii Nofeembar 2024, codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku biiri doonaan dadka reer Portland iyagoo adeegsanaya codbixinta doorashada ee darajada koowaad si ay u doortaan musharixiinta dhamaan Degmada Multnomah Noofeembartan.
Mushaharixiinta RVC ee gaarka ah ee ku yaala warqada cod bixinta dayrtan waxaa kamid ah Gudoomiyaha, Hanti Dhawrka, Bilayska iyo Koomishineerka Degmada 2 ee Degmada Multnomah.
Marka la isticmaalayo cod bixinta siinta darajada, waxaa meesha ka baxda doorashooyinka hordhaca ah ee Maajo ee musharixiinta Portland iyo Degmada Multnomah.
Iminka waxaa la joogaa wakhti wanaagsan oo aad la qabsan karto nidaamka codaynta ee cusub. Ka eeg tilmaamaha cod bixinta, fiidyawga, ikhtiyaarada doorashada barbarashada iyo wax kale oo dheeraad ah booqo multco.us/rcv ama la hadal 503-988-8683 (VOTE) si aad wax badan uga ogaato RCV.
La socodka Warqaddaada Codbixinta
Kahor Doorashada Guud ee Noofember 2026, cod bixiyayaasha Degmada Multnomah waxaa lagu dhiiri gelinayaa inay isku duwaan geliyaan Adeega La Socodka Warqadaada Codbixinta (Track Your Ballot)! Wax ka badan 168,000 oo cod bixiyayaal ayaa isku duwaan geliyay adeega.
La Socodka Warqadaada Codbixintu (Track Your Ballot) waxa uu u sheegaa cod bixiyayaasha marka warqadooda cod bixinta lagu diro boosta oo waxay u sheegtaa marka warqadooda cod bixinta la aqbalo ee la tirinayo ama hadii talaabo dheeraad ah looga baahan yahay. Codbixiyeyaashu waxay sidoo kale heli doonaan dhejis gaar ah oo Oregon "Waan Codeeye" (“I Voted”) ah (diyaar u ah in lagu wadaago baraha bulshada!) gudaha fariinta "Warqada Codaynta La Aqbale" (“Accepted Ballot”).
Iska diiwaangeli multnomah.ballottrax.net!
Noofember 3, 2026, Doorashada Guud
Doorashooyinka deegaanka waxaa muhiim oo waxay ka qaataan kaalin wayn go'aan qaadashada qaabeeya mustaqbalka bulshooyinkeena. Way mahadsan yihiin kumanaanka cod bixiyayaal ee Degmada Multnomah ee ka qaybgeley ee xaqiijiyay in codadkooda la maqlo.
Doorashada xigta ee qorshaysan ee Degmada Multnomah waxaa weeye Noofember 3, 2026, Doorashada Guud. Waxa aad ka heli kartaa macluumaadka boga Doorashada Guud ee Noofember 2026, oo waxaa ku jira taariikhda ay ku eeg tahay iyo taariikhaha muhiimka u ah cod bixiyayaasha.
Inta ka dhiman Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19
- Abriil 3, 2026 - Boosta ugu dirida waraaqaha codaynta ciidanka/dadka dalka dibadiisa jooga
- Abriil 6, 2026 - Waraaqaha codaynta maqnaanshaha ayaa la heli karaa
- Abriil 20, 2026 - Waraaqaha codbixinta ayaa boosto loogu diray codbixiyeyaasha gobolka ka baxsan
- Abriil 23, 2026 - Buug-yaraha codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ayaa la diray
- Abriil 28, 2026 - Wakhtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha/isbeddelka xisbiga
- Abriil 29, 2026 - Waraaqaha codbixinta waxaa boosto loogu diray codbixiyeyaasha
- Maajo 7, 2026 - Dhammaan codbixiyeyaasha diiwaangashan waa inay heleen waraaqahooda codbixinta
- Maajo 19, 2026 - Maalinta Doorashada Hordhaca ah
- Juun 15, 2026 - Natiijooyinka kama dambaysta ah ee doorashada ayaa la xaqiijinayaa
Xafiiska Guud:
Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building
1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214
Goobta Gresham:
Voting Center Express at the Multnomah County East Building
600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030
Xidhan ilaa Doorashada Guud ee Noofember 2026
Telefoon: 503-988-VOTE (8683)
Iimayl: elections@multco.us
Mareegta: www.MultnomahVotes.gov