November 7, 2023

Maanta, Talaatada, Noofember 7, 2023, ayaa ah maalinta ugu danbeysa ee la codeenayo Doorashada Gaarka ah. Doorashadaan waxaa ku jira keliya sadex tartan codbixin: hal waxaa leh Magaallada Maywood Park, kan kalana waa Waaxda Dab damiska ee Riverdale halka kan kalena loo galaayo Degmo Dugsiyeedka Scappoose.

Dhismaha Doorashada ee Degmada Multnomah Duniway-Lovejoy oo ku yaala Southeast Portland waxay furnaan doontaa 7 subaxnimo ilaa 8 habeenimo Maalinta Doorashada, Noofember 7, 2023, si ay u caawiso dadka codaynaya.

Ku dhawaad 3,000 oo codbixiye oo ku nool degmooyinkaan ayaa helay waraaqaha codbixinta ee doorashadaan. Waraaqaha codaynta waxaa boosta loogu diri doonaa codeeyayaasha Oktoobar 18.

Waraaqaha codbixinta waa in la keenaa mid kamid ah xafiisyada doorashooyinka ee degmada gudaha Oregon ama Goobta Sanduuqa Rasmiga ah e ee Codbixinta ee Degmada Multnomah caawa ugu danbayn 8 fiidnimo, ama waan in boostada lagu soo diraa Nufeembar 7, si loo tiriyo. 

Codbixiyaasha u baahan waraaqda codbixinta ama doonaaya in la caawiyo waa inay wacaan Waaxda Doorashooyinka ee Degmada Multnomah oo laga helaayo 503-988-VOTE (8683). Wixii kaalmo shakhsi ahaaneed ah, cod bixiyayashu waxay sidoo kale booqan karan Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Southeast Portland ee Degmada Multnomah (1040 S.E. Morrison St., Portland).

Jadwalka Shaacinta Natiijada Doorashada ee doorashadaan waxaa lasoo dhigayaa onleyn. 

Adeegga Horay U Sii Dalbo Warqadda Codbixinta Baddelka ah

Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay Bixisaa Amar Ka hor Inta aan la Beddelin Adeegga Cod-bixinta oo u oggolaanaya cod-bixiyeyaashu in ay codsadaan badalida waraaqda codbixinta ayagoo booqanaaya kahor intaysan booqan goobta adeegga codbixiyaha si ay usoo qaataan waraaqda codbixinta. Cod bixiyayaashu waxay booqanayaan multco.us/orderahead si aad u dalbadaan bedelka waraaqaha codaynta oo waxay ka qaatdanayaan Dhismaha Doorashooyinka ee Degmada Multnomah Duniway-Lovejoy (1040 SE Morrison St., Portland). Dalabyada la gudbiyay saacadaha shaqada, waraaqda codbixinta ayaa laga heli doonaa labo saacadood gudahood. 

Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay u furnaaneysaa ilaa iyo 8-da fiidnimo adeegyada codbixiyaasha Maalinta Doorashada.

Dhismaha Doorashada ee Degmada Multnomah Duniway-Lovejoy oo ku yaala Southeast Portland waxay furnaan doontaa 7 subaxnimo ilaa 8 habeenimo Maalinta Doorashada, Noofember 7, 2023, si ay u caawiso dadka codaynaya. Shaqaalaha doorashada ayaa ka caawin kara codbixiyaasha inay badashaan waraaqda codbixinta ee luntay ama haloowday, ama inay wax ka abdalaan xogtooda diiwaan gelinta codbixiyaha.

Shaqaaluhu waa inay sidoo kale siiyaan kaalmo dadka codaynaya ee laxaadka la'. Codeeyayaasha ku hadla luuqad aan Ingiriisi ahayn waxay kaalmo ku heli karaan luuqada ay doorbidaan. Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay siisaa turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luqad aan Ingiriisiga ahayn. Codaynta dheeraadka ah iyo macluumaadka Doorashooyinka oo ku qoran 18 luuqadood oo kala duwan oo waxay online ahaan ay ku jiraan multco.us/education-and-outreach

Shaqaalaha doorashooyinku waxay sidoo kale diyaar u yihiin ka jawaabida su'aalaha ama kaalmooyinka kale ee la xiriira Doorashooyinka iyada oo lala hadlayo 503-988-VOTE (8683). 

Akoon samayso wixii ah Lasoco Warqaddaada Cod-bixinta

Cod bixiyaashu waxay marwalba iska duwana gelin karaan adeegayaga Lasocodka Warqadaada Codaynta oo waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan! Codbixiyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha lasocoshada warqada codbixinta iyo wararka luuqadaha Ingiriisi, isbaanish, af-Ruush, Af-Soomaali, Fiitnaamiis ama Shiineys. Hel astaanta "Waan Codeeyay" ee onleenka ah ka dib markaad celiso warqadaada codaynta. Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay ku furan karaan adeegan inay booqdaan multnomah.ballottrax.net.

Isticmaal Goobta Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee 24-ka saacadood si aad si badqab leh oo ammaan ah ugu rido warqadaada aad ku codeysay. Ka hel Goob Codaynta Rasmiga ah oo kuu Dhow, booqo multco.us/dropsites. Maadaama oo cabirada degmooyinka yaryar yihiin ku jira Doorashada Gaarka ah ee Noofember 7, 2023, Goob Kasta oo Codayn oo Rasmi ah oo Degmada Multnomah ah ma furna. 

Doorashada xigta ee Degmada Multnomah waa Doorasho Hoosaadka la qabanaayo Maajo 21, 2024

Doorashada xigta ee Degmada Multnomah waa Doorasho Hoosaadka la qabanaayo Maajo 21, 2024. Waxaa weeye wakhti wanaagsan oo ay tahay inaad eegto duwaankaaga cod bixiyaha. Waxa aad xaqiijisaa inaad cusboonaysiiso isdiiwaan gelintaada wakhti kasta oo aad guurto, badasho magaca, ama aad doonayso inaad badasho xisbiga aad taageereyso. Waxaad eegi kartaa macluumaadkaaga codeynta ee cusub bogga intarnetka ee oregonvotes.gov/myvote.

Xilalka loo tartamaayo codbixinta waxaa ku jira: 

  • Degmada Multnomah - Gudoomiyaha Degmooyinka 1, 3, iyo 4
  • Metro - Xubin Golaha deegaanka ee Degooyinka 3, 5 iyo 6

Faylka musharixiinta Gobolka/Federalka iyo maxkamada waxaa haya xafiiska Xoghaynta Gobolka ee Oregon. 

Si aad u hesho taariikhaha muhiimka ah, u cabirto xaraynta macluumaadka iyo macluumaadka kale:  www.multco.us/elections/may-21-2024-primary-election 

Lixda xil ee lagasoo doorto Magaallada Portland ayaan ka soo muuqan doonin codbixinta Maajo. Wixii xog dheeri ah booqo: Xafiiska Doorashooyinka ee Magaallada Portland.