Xiriirada warbaahinta:
Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)
Denis Theriault, Multnomah Isgaarsiinta Degmada, pressoffice@multco.us
WAR SAXAAFEED: Degmada Multnomah ayaa ku caawinaysa codbixiyaasha naafada ah iyo codbixiyaasha luuqadooda hooyo

Qaybta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay kaa caawin kartaa inaad samayso qorshe aad ku CODEYSO bisha Maajo!
Maajo 20, 2025, Doorashada Degmada ee Gaarka ah ayaa soo dhawaatay!
Doorashadaan waxaa ku jira tartanno loo galaayo gudiyada waaxda dugsiyada maxaliga ah, gudiyadaha waaxaha kuleejka bulshada, Gudiga Adeegga Waxbarashada ee Degmada Multnomah iyo Clackamas, gudiyada waaxda dab damiska deegaannada miyiga ah, Gudiyada Waaxda Badqabka Daadka Magaallada iyo Tayada Biyaha, gudiyada wakaaladaha biyaha, iyo qodobo kasta oo ku jira qorshaha doorashada deegaanka.
Wakhtiga kama danbeeysta ah ee diiwaan gelinta codbixyaha waa Talaadada, Abriil 29, warqadaha codbixinta ayaana bilaabi doona in boostada loogu diro dhammaan codbixiyaasha diiwaan gashan maalinta xigta, Arbacadda, Abriil 30.
Is duwaan geli si si aad u codeeyso onlayn ahaan oregonvotes.gov/register.
Doorashooyinka Degmada Multnomah ayaa u diyaarsan inay taageerto dhammaan codbixiyaasha u baahan caawimaada — maaha keliya inay adeegyada ku bixinayso luuqaddo badan laakiin sidoo kale inay siinayso caawimaado badan dadka la nool naafada.
Codbixiyaasha u baahan caawimaad waxay geli karaan onlayn ka, wici karaan, iimayl u diri karaan ama booqan karaan goobta Doorashooyinka Degmada Multnomah si ay u helaan caawimaad ku aadan tallaabo kasta oo habka codaynta ah. Oo ay ku jiraan isdiiwaangalinta si aad u codayso, calaamadinta ama akhrinta warqadda codbixinta; cusboonaysiinta macluumaadka diiwaangalinta codbixiyaha; ama fahamka shuruucda doorashada iyo talaabooyinka codbixinta.
Taariikhda Kama Danbeysta ah ee Diiwaangelinta Codbixiyaha waa Talaadada, Abriil 29, 2025
Talaadada, Abriil 29, ayaa ah waqtiga kama dambaysta ah ee diiwaan gelinta codbixiyaha Doorashada Gaarka ah ee Degmada ee Maayo 20.
Codbixiyayaasha Oregon ee cusub waxay isku diiwaan gelin karaan ruqsada darawalnimada, ama Aqoonsiga ayagoo galaaya oregonvotes.gov/register. Codbixiyaasha aan haysan ruqsada darawalnimada (ama hayta mid dhacde) ee Oregon, ogolaanshaha ama aqoonsiga waa inay buuxiyaan Kaarka Diiwaan Gelinta Codbixiyaha Oregon oo warqad ah oo laga heli karo Xafiiska Boostada Mareykanka, goobaha Maktabadda Degmada Multnomah, iyo Dhismaha Doorashooyinka ee Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah.
Codbixiyaasha hadda ka diiwaan gashan waa inay hubiyaan in ciwanakooda iyo magacoodu ay saxan yihiin diiwaankooda diiwaan gelinta codbixiyaha. Codbixiyeyaashu waxa ay cusboonaysiin karaan maclumaadkooda si onlayn ah ayagoo booqanaya oregonvotes.gov/myvote ama adeegsanaya Kaarka Diiwaangalinta Codbixiyaha ee Oregon.
Caawimada waxa heli kara codbixiyayaasha naafada ah
Codbixiyaashu waxay marwalba wici karaan Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxayna codsan karaa caawimaada BILAASHKA ah ee codeynta iyo caawinada la xariirta doorashada. Kooxaha Caawinta Cod-bixiyayaasha ee Doorashooyinka waxay ku caawin karaan cod-bixiyaasha guriga, xarunta ay ku nool yihiin, ama mid ka mid ah labada koobood ee adeegga Doorashooyinka Degmada Multnomah, oo ku yaala midkood Koonfur-bari Portland ama Gresham.
Sharci ahaan, shaqaalaha ama wakiilada guud ma bixin karaan caawimaada dhinaca cod bixinta ah. Laakiin codbixiyaasha ayaa sidoo kale caawimaad waydiisan kara saaxiib, xubin kamid ah qoyska, ama qof kale oo ay yaqaanaan kuna kalsoon yihiin.
Qaybaha Cod-bixinta Madaxbannaan (Independent Voting Units, IVUs) ayaa u oggolaanaya dadka deegaanka inay si gaar ah oo madaxbannaana u codeeyaan
Codbixiyaasha u baahan caawimaadaha ayaa sidoo kale dooran kara inay adeegsadaan Qaybta Cod-bixinta Madaxbannaan (Independent Voting Unit,, IVU) kuwaasoo u ogolaanaaya inay si gaar ah oo madaxbannaana u codeeyaan.
Qaybaha Cod-bixinta Madaxbannaan ayaa laga heli karaa Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah ee Portland iyo Xarunta Codbixinta Degdegga ah ee Gresham.
Qaybtu inta badan waa nidaamka taableedka oo u sahlaaya codbixiyaasha inay adeegsadaan tignooloojiyada casri ah si ay ugu codeeyaan warqadahooda codbixinta.
Isticmaaleyaasha doonaaya ama u baahan inay maqlaan warqadooda codbixinta oo kor loo akhrinaayo ayaa xiran kara sameecadaha dhagaha oo u sahlaaya inay kordhiyaan ama dhimaan dhawaaqa iyo xawaaraha akhriyaha casriga ah. Shaashadda taabashada ee taableedka waxay leedahay cabbirka farta la badali karo iyo saddex midab oo kala baxsan, laakiin gebi ahaanba waa la damin karaa. Calaamadinnada ayaa lagu heli karaa Ingiriis iyo Farta Indhoolka, codbixiyaashuna waxay ku qabsan karaan shaashada la taabto ama xakameeyaha dhabtooda. Taas ayaa ka dhigan in codbixiyaashu ay adeegsan karaan aalad ayagoo fadhiya, adeegsanaaya aalada socodka, ama taagan, ayagoo taageero ka helaaya miid la balaarin karo.
Kadib marka ay calaamadiyaan ayna dib u hubiyaan dookhyadooda, codbixiyaasha ayaa daabacan kara warqadooda codbixinta, saxiixi kara boqashadahooda celinta warqadda codbixinta, kadibna gelinaaya warqadda codbixinta boqshada celinta. Codbixiyaasha qaba su'aalaha inta ay adeegsanaynaan aaladaha ayaa adeegsan kara batoonka wicitaanka si ay u soo jeediyaan shaqaalaha.
Qaybaha Codbixinta Madaxa Bannaan ayaa diyaar u ah codbixiye kasta illaa 8 fiidnimo ee Habeenka Doorashada, Maajo 20, 2025.
Taageerada ayaa lagu heli karaa luuqadda uu doorbidaayo codbixiyuhu
Codbixiyaasha waxay ku codsan karaan caawimo luqadda aay doorbidayaan. Laanta Doorashooyinka ee Ismaamulka Multnomah waxay leedahay shaqaale luuqado badan ku hadla.
Laanta Doorashooyinka ayaa sidoo kale siin karta turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo deegaanka ah oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luuqad aan Ingiriisiga ahayn. Turjumista taleefanka ama hab muuqaalka ah ayaa lagu heli karaa luuqad kasta oo ay ku jirto Luuqad Ishaareedka Maraykanka (American Sign Language, ASL).
Macluumaadka warqadda codbixinta maqan
Codbixiyeyaasha ka maqnaan doona gurigooda maalinta doorashada ama wax ku dhow malinta doorashada waa inay codsadaan in waraaqda maqnaashaha codbixinta loogu soo diro cinwaankooda ku meel gaarka ah. Laga bilaabo Abriil 7, codbixiyayashu waxay si toos ah iskaga diiwaan gelin karaan Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah.
Codbixiyaasha codsada warqadda codbixiyaha maqan waa inay buuxiyaan Codsiga Codbixiyaha Maqan, oo ku jira multco.us/absentee oo ay la socoto xogta dheeraadka ah. Codbixiyaasha ayaa sidoo kale iimeyl loogu diri karaa elections@multco.us ama wac (503) 988-VOTE (8683) si aad u hesho caawimaad dheeraad ah.
Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan
Adeegayaga caanka ah ee Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqado badan! Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha iyo wararka codbixinta luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Yukraaniyan, Fiitnaamiis ama Shiineys.
Fariin qoraal, iimeyl, ama fariimaha codka ah ayaa u sheegi doona codbixiyaasha marka warqadahooda codbixinta ay boostada yaalaan iyo hadhoow marka warqaddahooda lagu codeeyay la helo.
Fariimaha ayaa sidoo kale muujinaaya haddii warqaddaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii talaabo dheeri ah laga rabo codbixiyaha. Fariimaha "Warqadda Codaynta La Aqbalay" (“Accepted Ballot”) waxaa sidoo kale ku jira astaanta oonlaynka ah ee Oregon ee "Waan Codeeyay" ( “I Voted”) oo aad ku baahin karto baraha bulshada.
Codbixiyeyaasha degmada Multnomah waxa ay ka furan karaan barta multnomah.ballot trax.net.
Doorashooyinka maxaliga ah waa muhiim — marka ‘Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO!’
Kahor waqtiga kama-dambaysta ah ee Maalinta Doorashooyinka ee 20-ka Maajo, Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay ku boorinaysaa cod-bixiyeyaasha: Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO! Liiska diiradda la saaray ee codeeyayaasha waxay marayaan shan talaabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:
- Is duwaan Geli Si AAD U CODEEYSO!.
- Hel warqadaada codaynta.
- Ku CODEE warqadaada codaynta.
- Soo celi warqadaada codaynta.
- COD yeelo oo horseed isbadel.
Tirada Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashad ee Maajo 20, 2025
- Buug-yaraha Codbixiyaha ayaa loo diri doonaa dhammaan qoysaska deggaanka ah: Khamiista, Abriil 24
- Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Gresham waxa ay furmaysaa: Isniinta, Abriil 28
- Taariikhda Kama Danbeysta ah ee Diiwaangelinta Codbixiyaha: Talaadada, Abriil 29
- Waraaqaha codbixinta waxaa loogu diri doonaa boostada cod-bixiyeyaasha: Arbacada, Abriil 30
- Dhamaan codbixiyeyaashu waa inay helaan warqaddahooda codbixinta: Khamiista, Maajo 8
- Maalinta Doorashada: Talaadada, Maajo 20
- Natiijooyinka Doorashooyinka kama dambaysta ah waxaa loo sharciyaynayaa degmooyinka gaarka ah: Isniinta, Juun 16
Xafiiska guud:
Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah
1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214
Goobta Gresham:
Furan Abriil 28-Maajo 20, 2025
Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah
600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030
Taleefan: 503-988-VOTE (8683)
Iimayl: elections@multco.us
Wabseedka: multnomahvotes.gov