Xiriirada warbaahinta:
Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)
Denis Theriault, Multnomah Isgaarsiinta Degmada, pressoffice@multco.us
WAR-SAXAAFADEED: Maalintii doorashadu waa maanta! Waxa aad keentaa warqadaada cod bixinta 8 subaxnimo si loo xaqiijiyo in codkaaga la tiriyo

Shaqaalaha doorashooyinka ayaa bixin doona saacado dheeraad ah Gresham iyo Southeast Portland; si aad u aragto liiska dhamaystiran ee goobaha hoose
Degmada Multnomah, Ore. (Maajo 20, 2025) — Maanta, Talaatada, Maajo 20, 2025, ayaa ah maalinta ugu danbeysa ee la codeenayo Doorashada Degmada ee Gaarka ah.
Doorashada waxaa ku jira tartanno loo galaayo gudiyada waaxda dugsiyada maxaliga ah, gudiyadaha waaxaha kuleejka bulshada, Gudiga Adeegga Waxbarashada ee Degmada Multnomah, gudiyada waaxda dab damiska deegaannada miyiga ah, Gudiga Waaxda Badqabka Daadka Magaallada iyo Tayada Biyaha, gudiyada wakaaladaha biyaha, iyo qodobo kasta oo ku jira qorshaha doorashada deegaanka.
Dhammaan cod bixiyeyaasha u qalma waa inay helaan warqaddahooda cod bixinta ugu danbayn Maajo 8. Cod bixiyeyaasha aan helin warqadda cod bixinta weli ama u baahan beddelka warqadda cod bixinta waa inay kala xiriiraan Doorashooyinka Degmada Multnomah 503.988.VOTE (8683).
Waxaad haysataa laba dookh oo aad kusoo celin karto warqadaada codaynta. Kan koobaad, kusoo celi warqaddaada cod-bixinta boostada. Wax shaabad ah uma baahna!
Shuruucda Oregon waxay dhigayaan in dhamaan xafiisyada doorashooyinka inay tirin doonaan wixii codayn waraaqo ah ee leh sumada boosta ama kahor Maalinta Doorashada ee sidoo kale yimaada todoba maalmood gudahood Maalinta Doorashada. Cod bixiyayaashu doonaya inay boosta ay kusoo diraan maanta warqadooda cod bixinta waa inay waydiiyaan xarumahooda Adeega Boosta deegaanka saacadaha ay shaqaynayso.
Laakiin codbixiyayaashu, gaar ahaan Maalinta Doorashada, waxaa si wayn loogu dhiiri gelinayaa inay kusoo celiyaan waraaqahooda cod bixinta Goobta Codbixinta Rasmiga ah.
Ku soo celi warqadda cod bixinta goob kasta oo 24-saac furan oo ah Goobta Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku taal gobolka ama goob kasta oo furan 24-saac oo ah Goobta Buugta Laybareeriga Lagu Diro ee degmada Multnomah. Dhammaan 32 Goobood ee Codbixinta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin hoos iyo halkan multco.us/dropsites. Waxa aad sidoo kale geli kartaa khariirada lala macaamili karo ee muujinaysa goobaha codaynta Degmada halkan.
Saacadaha la kordhiyay ee kaalmada cod bixiyayaasha maanta waa la heleyaa
Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay bixinaysaa habeenkii kaalmada cod bixiyaasaha ee Xarunta Cod Bixinta Degdega ee Gresham (600 N.E. 8th St.) iyo Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building oo ku taala Southeast Portland (1040 S.E. Morrison St.).
- Maalinta Doorashada, Talaado, Maajo 20: 7 subaxnimo-8 fiidnimo
Taageero ayay heli karaan cod bixiyayaasha qaba naafanimada oo ay ku heleyaan luuqada ay doonayaan cod bixiyayaashu.
Codbixiyaashu waxay marwalba wici karaan Laanta Doorashooyinka waxayna codsan karaa caawimaada BILAASHKA ah ee codeynta iyo caawinada la xariirta doorashada. Kooxaha Caawinta Cod-bixiyayaasha ee Doorashooyinka waxay ku caawin karaan cod-bixiyaasha guriga, xarunta ay ku nool yihiin, ama mid ka mid ah labada koobood ee adeegga Doorashooyinka Degmada Multnomah, oo ku yaala midkood Koonfur-bari Portland ama Gresham.
Sharci ahaan, shaqaalaha ama wakiilada guud ma bixin karaan caawimaada dhinaca cod bixinta ah. Laakiin codbixiyaasha ayaa sidoo kale caawimaad waydiisan kara saaxiib, xubin kamid ah qoyska, ama qof kale oo ay yaqaanaan kuna kalsoon yihiin.
Codbixiyaashu sidoo kale waxay ku codsan karaan caawimo luqadda aay doorbidayaan. Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay leedahay shaqaale luuqado badan ku hadla.
Laanta Doorashooyinka ayaa sidoo kale siin karta turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo deegaanka ah oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luuqad aan Ingiriisiga ahayn. Turjumista taleefanka ama hab muuqaalka ah ayaa lagu heli karaa luuqad kasta oo ay ku jirto Luuqad Ishaareedka Maraykanka (American Sign Language, ASL).
32 goobood oo ah Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido ee Degmada Multnomah ayaa Laguugu Shaqeyn doona
Degmada Multnomah waxay leedahay 32 Goobood oo ah Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido oo la heli karo hadda ilaa 8 fiidnimo Maalinta Doorashada si aad u soo celiso warqaddaada cod bixinta. Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido waxaa kamid ah dhammaan goobaha Laybareeriyada Degmada Multnomah. Warqadda Cod Bixinta waxaa laga soo qaadaa goobaha laybareeriyada iyo Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ayadoo la raacaayo jadwal dajisan.
(Fadlan ogow: Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah ee Qaar ee kuyaal goobaha maktabadaha ayaa la beddelay sababtoo ah mashaariicda dhismaha Laybareeriga ee ay codbixiyeyaashu ansixiyeen. Xogta iyo goobaha cusub ayaa hoos ku qoran.)
Portland
Waqooyi
- Rose Quarter — Ee dhanka koonfureed ee Rose Quarter ee ku dhagan biyo shubka iyo calaamada Rip City. Saacadaha shaqada ee caadiga ah, baarkin bilaash ah 15 daqiiqo ama ka yar ayaa laga heli karaa baarkinka Annex oo ku taala N. Drexler Drive ee ku dhaw N. Interstate Avenue. (Baarkin lama heli karo wakhtiga munaasabada Rose Quarter). Kaliya dadka lugaynaya.
- James John Dugsiga Hoose — 8315 N. Lombard St., ayaa ku yaal laamiga dhinaca waqooyi-galbeed ee N. Lombard Street iyo Charleston Avenue. Kaliya dadka lugaynaya
- Paul Bunyan Statue/Kenton – CUSUB – Kutaala N. Interstate iyo Denver Avenues. Kaliya dadka lugaynaya
- Laybareeriga North Portland — Sanduuqa buuga laybareeriga ee G 512 N. Killingworth St.
- Green Zebra Grocery ee Hore — Jidka lugta 3011 N. Lombard St. Kaliya dadka lugaynaya
- McCoy Park — Ee koonaha baarkinka koorfur bari ee N. Trenton Street iyo Newman Avenue. Kaliya dadka lugaynaya.
Waqooyi-bari
- Matt Dishman ee Xarunta Bulshada — 77 N.E. Knott St. Kaliya dadka lugaynaya
- Laybareeriga Hollywood — Sanduuqa buugta laybaeeriga S 4040 N.E. Tillamook St.
- Maqaaxida McDonald's — Cinwaanka rasmiga ah waa 2010 N.E. César E Chávez Blvd.; sanduuqa ku diridu waxa uu ku yaalaa dhanka galbeed ee dhismaha ee N.E. 40th Ave oo u dhaxeeya N.E. Tillamook and Hancock Streets, oo u dhaw Hollywood Library.
- Laybareeriga Gregory Heights— Sanduuqa buugta ee laybareeriga D 7921 N.E. Sandy Blvd.
- Xaafada Parkrose — Cinwaanka rasmiga ah waa 4390 N.E. 102nd Ave; sanduuqa ku ridida ee ku yaala barxadda baarkinka bari, kasoo horjeedka wadada ka timaada Mount Hood Community College Maywood Park Center ee N.E. 102nd Avenue and Prescott Street.
Waqooyi-galbeed
- Laybareeriga Northwest —Sanduuqa Buugta Laybareeriga 2300 N.W. Thurman St.
Koonfur-bari
- Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Ismaamulka Multnomah — 1040 S.E. Morrison St.
- S.E. 11th Avenue - Ee ku yaala dhanka bari ee S.E. 11th Avenue, u dhaxaysa S.E. Morrison and Belmont Streets.
- S.E. Belmont St— Ee ku yaala dhanka waqooyi ee S.E. Jidka Belmont ee u dhexeeya S.E. 10th Avenue iyo S.E. 11th Avenue.
- 1040 S.E. Morrison St. — Waa meel bannaan oo ku taal dhinaca dhismaha, S.E. 11th Avenue iyo Morrison Street. Kaliya lug/baaskiil
- Qaadashada Kaydka Hawthorne —Sanduuqa Buugta Laybareeriga 3557 S.E. Hawthorne Blvd.; codbixiyayaashu waxay isticmaali karaan dhibcaha buuga ama sanduuqa codbixinta gudaha.
- Laybareeriga Holgate— Cinwaanka rasmiga ahi waa 7905 S.E. Hogate Blvd.; sanduuqa lagu diro waxuu yaala dhanka bidix ee laabreeraga la taaban karin waxaan dhinaca waqooyi ee dhismaha ka saaran gaari, u dhaw qeeybta baakinka.Kaliya dadka lugaynaya
- Laybareeriga Midland — Cinwaanka rasmigu waa 805 S.E. 122nd Ave.; sanduuqa lagu diro waxaa uu ku garan yaalaa meesha lagu soo celiyo buugta ee dhanka koonfureed ee dhismaha. Waraaqaha codaynta waxaa sidoo kale lagu diri karaa Sanduuqa Codaynta Rasmiga ee ku yaala baarkinka.
- Portland Mercado — Cinwaanka rasmiga ahi waa 7238 S.E. Waddada Foster – sanduuqa lagu dirayo waxaa uu ku yaalaa Barxada Portland Mercado ee S.E. Waddada Foster iyo S.E. 72nd Avenue. Kaliya dadka lugaynaya
- Tiyaatarka Filimada ee Regal Cinemas / M & M Dhaqida Gaariga — oo ku yaal S.E. Division Street iyo 165th Ave., oo kuyaala baarkinka Shaneemada Regal oo ka danbeeya M & M Car Wash.
- Laybareeriga Rockwood (u xidhan dhisme) — Cinwaanka rasmiga ah waa 17917 S.E. Stark St.; sanduuqa lagu dirayo waxa uu ku yaalaa jidka lugta.
- Sellwood-Laybareeriga Moreland - Sanduuqa buugta baybareeriga oo ku yaala 7860 S.E. 13th Ave.
- Laybareeriga Woodstock (u xidhan dhisme) – Cinwaanka rasmiga ahi waa 6008 S.E. 49th Ave.; sanduuqa lagu rido waxa uu ku garab yaalaa jidka lugta.
Koonfur-galbeed
- A–Boy Supply — 7365 S.W. Barbur Blvd.
- Laybareeriga Capitol Hill - Sanduuqa buugta laybareeriga oo ku yaala10723 S.W. Capitol Hwy.
- Laybareeriga Hillsdale - Sasnduuqa buugta laybareeriga oo ku yaala 1525 S.W. Sunset Blvd.
- Laybareeriga Central - Sanduuqa buugta laybareeriga oo ku yaala 801 S.W. 10th Ave.; Gaadhi ku tag meesha buugta la geeyo oo sidoo kale ku yaala S.W. 11th Avenue oo ku dhaxeeya S.W. Jidadka Yamhill iyo Taylor.
- Pioneer Courthouse Square — 700 block of S.W. Broadway, oo ku xigta Starbucks oo kasoo horjeeda Nordstrom,. Kaliya dadka lugaynaya
Fairview
- Fairview-Columbia Laybareeriga - Sanduuqa buugta laybareeriga oo ku yaala1520 N.E. Village St.
Gresham
- Laybareeriga Gresham — Sanduuqa buugta laybareeriga oo ku yaala 385 N.W. Miller Ave.; Goobta Codaynta Rasmiga ah waxaa laga heleyaa sidoo kale baarkinka laybareeriga.
- Xarunta Codbixinta Degdeg ah (saacado kooban) — ku dhaxyaala Multnomah County East Building, 600 N.E. 8th St. Kaliya la heleya marka ay furayn tahay Xarunta Codaynta Degdega ah; cod bixiyayaasha waxaa looga baahan yahay inay soo dhigtaan meel gaadhiga oo ay gudaha lug ku galaan si ay waraaqaha codaynta ugu diraan.
Troutdale
- Laybareeriga Troutdale — Sanduuqa buugta laybareeriga oo ku yaala 2451 S.W. Jidka Cherry Park.
Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan
Marna maaha habsan in la isku duwaan geliyo adeega la Socodka Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) ee caamka ah ee Doorashada Degmada Multnomah! Iska duwaan geli multnomah.ballottrax.net.
Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha iyo wararka codbixinta luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Yukraaniyan, Fiitnaamiis ama Shiineys.
Fariin qoraal, iimeyl, ama fariimaha codka ah ayaa u sheegi doona codbixiyaasha marka warqadahooda codbixinta ay boostada yaalaan iyo hadhoow marka warqaddahooda lagu codeeyay la helo.
Fariimaha ayaa sidoo kale muujinaaya haddii warqaddaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii talaabo dheeri ah laga rabo codbixiyaha. Fariimaha "Warqadda Codaynta La Aqbalay" (“Accepted Ballot”) waxaa sidoo kale ku jira astaanta oonlaynka ah ee Oregon ee "Waan Codeeyay" ( “I Voted”) oo aad ku baahin karto baraha bulshada.
Doorashooyinka maxaliga ah waa muhiim — marka ‘Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO!’
Kahor waqtiga kama-dambaysta ah ee Maalinta Doorashooyinka ee 20-ka Maajo, Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay ku boorinaysaa cod-bixiyeyaasha: Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO! Liiska diiradda la saaray ee codeeyayaasha waxay marayaan shan talaabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:
- Is duwaan Geli Si AAD U CODEEYSO!.
- Hel warqadaada codaynta.
- Ku CODEE warqadaada codaynta.
- Soo celi warqadaada codaynta.
- COD yeelo oo horseed isbadel.
Tirada Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashada ee Maajo 20, 2025
- Maalinta Doorashada: Talaadada, Maajo 20
- Natiijooyinka Doorashooyinka kama dambaysta ah waxaa loo sharciyaynayaa degmooyinka gaarka ah: Isniinta, Juun 16
Xafiiska guud:
Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah
1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214
Goobta Gresham:
Furan ilaa Maajo 20, 2025
Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah
N.E. 8th St., Gresham OR 97030
Taleefan: 503-988-VOTE (8683)
Iimayl: elections@multco.us
Webseedka: multnomahvotes.gov