Somali: Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay caawiyaan codbixiyayaasha naafada ah iyo codbixiyayaasha doonaya caawimaad ku saabsan afka ay doorbidayaan

Offered by

Macluumaadka xidhiidhka saxaafada:

Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)

Isgaadhsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us

Waxaan raadinaynaa jawaab celin ku saabsan nuxurkayaga la turjumay. Ka qayb qaado sahankayaga onlaynka ah halkan.

Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay caawiyaan codbixiyayaasha naafada ah iyo codbixiyayaasha doonaya caawimaad ku saabsan afka ay doorbidayaan

Degmada Multnomah, Ore. (Abriil 7, 2026) — Doorashada xigta ee Degmada Multnomah waa Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19, 2026. Doorashadan waxay ka kooban tahay tartamada musharraxiinta ee Golaha Metro iyo federaalka, gobolka iyo jagooyinka garsoorka. 

Xusuusin: Tartamada musharraxiinta ee xafiisyada la doorto ee Degmada Multnomah iyo Magaalada ee Portland kama soo muuqan doonaan warqadda codbixinta ee Maajo 2026. Waxay mar kale soo muuqan doonaan warqadda codbixinta ee Nofeembar 3, 2026. Taasi waa marka codbixiyayaasha Degmada ay ku biiri doonaan codbixiyayaasha Magaalada ee Portland si ay u isticmaalaan codbixinta doorashada kala sarreynta ee Degmada Multnomah si ay u doortaan musharraxiinta.

Dhammaan codbixiyayaasha diiwaangashan ee Degmada Multnomah waxay heli doonaan warqad codbixin ah doorashada Maajo 19. Warqadaha codbixinta waxa la bilaabi doona in la diro Abriil 29.

Codbixiyayaasha doonaya inay ka codeeyaan doorashooyinka hordhaca ah ee xiran ee Dimuqraadiga ama Jamhuuriga waa inay u diiwaangashan yihiin xubin ka mid ah mid ka mid ah xisbiyadaas Abriil 28, 2026 — wakhtiga kama dambaysta ah ee beddelka ku xidhnaanta xisbiga siyaasadeed. Codbixiyayaasha aan ku xidhnayn mid ka mid ah xisbiyada, ama ku xidhan xisbiga yar, waxay heli doonaan warqad codbixin aan xisbi lahayn oo ay ku jiraan oo keliya xafiisyada iyo cabbirrada gobolka iyo maxalliga ah ee aan xisbi lahayn.

Wakhtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha

Wakhtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha ee Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19, 2026 waa Abriil 28, 2026. Is diwaan geli si aad u codeyso si onlayn ah oregonvotes.gov/register. Waa inaad duwaan gelintaada cusboonaysiisaa wakhti kasta oo aad guurto, bedesho magaca ama aad doonayso inaad bedesho xisbiga aad tahay.

Iminka waxaa la joogaa wakhtigii la eegi lahaa in duwaan gelintaada cod bixinta uu ku jiro cinwaankaaga aad degan tahay iyo boostada ee wakhtigan. Tani waxay xaqiijinaysaa in aad hesho waraaqahaaga cod bixinta. Kadibna isku duwaan geli Track Your Ballot (La Socodka Warqadaada Cod Bixinta) kadib marka aad eegto duwaangelintaada si laguugu soo diro fariin qoraal ah, taleefan ama iimeel!

Doorashooyiinka Degmada Multnomah waxay diyaar u tahay inay taageerto dhammaan codbixiyayaasha u baahan caawimaad — kaliya ma aha bixinta adeegyo afafka badan, balse sidoo kale waxay bixisaa habayn loogu talagalay dadka naafada ah.

Bixin taageero ayaa la heli karaa tallaabo kasta oo ka mid ah habka codbixinta, oo ay ku jiraan isdiiwaangelinta codbixinta, akhrinta ama calaamadeynta warqadda codbixinta, cusboonaysiinta macluumaadka diiwaangelinta codbixiyaha, iyo fahamka xeerarka doorashada iyo tallaabooyinka codbixinta. Haddii aad u baahan tahay caawimaad, gal onlayn, wac Xafiiska Doorashooyinka 503-988-8683, u dir iimayl elections@multco.us, ama booqo goobka mid ah Doorashooyiinka Degmada Multnomah

Caawimaad ayaa diyaar u ah codbixiyayaasha naafada ah

Codbixiyayaasha naafada ah waxay codsan karaan caawimaad codbixin oo uu u codeyn karo saaxiib, xubin qoys, ama qof kale oo ay yaqaannaan oo ay aaminsan yihiin. Haddii loo baahdo, codbixiyayaashu waxay codsan karaan caawimaad la xidhiidha doorashooyinka oo ka timaadda Doorshooyiinka Degmada Multnomah Kooxaha Caawimada Codbixiyaha ee  Doorashooyiinka waxay caawin karaan codbixiye gurigiisa, goobta uu ku nool yahay, ama goob adeeg doorasho: ama Duniway-Lovejoy Elections Building ee Southeast Portland ama Voting Center Express ee Gresham, oo furnaan doona Abriil 23 ilaa Maajo 19, 2026 (hubi saacadaha).

Taageeradani had iyo jeer waa bilaash. Shaqaaleysiiyeyaasha ama wakiillada ururrada shaqaalaha sharci ahaan waa ka mamnuuc inay bixiyaan caawimaad codbixin.

Unugyada Codbixinta Madaxa-bannaan waxay u oggolaanayaan dhammaan dadka degan inay si gaar ah oo madaxbannaan u codeeyaan

Codbixiyayaashu sidoo kale waxay isticmaali karaan Unug Codbixin Madaxa-bannaan, kaas oo u oggolaanaya qof kasta inuu si gaar ah oo madaxbannaan u codeeyo. Qalabka codbixinta waxaa laga heli karaa labadaba Degmada Multnomah Duniway-Lovejoy Dhismaha Doorashooyiinka ee Southeast Portland iyo Voting Center Express ee Gresham.

Unugga Codbixinta Madaxa-bannaan waa nidaam tablet-ka ah oo u oggolaanaya codbixiyayaasha inay ku codeeyaan warqadahooda iyagoo adeegsanaya tiknoolajiyad la qabsasho leh. Waxaa ku jira dhegaha-gashi si loo qiyaaso mugga iyo xawaaraha codka akhrinaya warqadda codbixinta. Shaashadda taabashada waxay leedahay cabbirro far oo la hagaajin karo iyo saddex nooc oo midabyo is-khilaafsan, ama si buuxda ayaa loo damin karaa. Codbixiyayaashu waxay isticmaali karaan shaashadda taabashada ama qalab gacanta lagu hayo oo lagu hayn karo dhabarka oo leh calaamado Ingiriisi iyo Farta dadka araga la'. Dadku waxay codeyn karaan iyagoo fadhiya, iyagoo adeegsanaya qalab dhaqdhaqaaq, ama iyagoo taagan iyagoo isticmaalaya miis la hagaajin karo. Codbixiyayaasha qaba su’aalo waxay isticmaali karaan badhan wicitaan si ay ula hadlaan shaqaalaha doorashada.

Kadib marka ay calaamadeeyaan oo dib u eegaan doorashadooda, codbixiyayaashu waxay daabacaan warqaddooda codbixinta, saxeexaan baqshadda soo celinta warqadda codbixinta kadibna geliyaan warqaddooda baqshadda soo celinta.

Unugyada Codbixinta Madaxa-bannaan waxaa laga heli karaa labada goob adeeg codbixin ee Doorashooyiinka ilaa 8 fiidnima ee habeenka Doorashada, Maajo 19, 2026. Codbixiye kasta wuu isticmaali karaa Unug Codbixin Madaxa-bannaan haddii uu doorto.

Taageero ayaa sidoo kale diyaar u ah afka uu codbixiyuhu doorbido.

Codbixiyayaashu sidoo kale waxay codsan karaan caawimaad ku saabsan afkooda ay doorbidayaan. Doorashooyiinka Degmada Multnomah waxay leedahay shaqaale afaf badan ku hadla oo diyaar ah waxayna sidoo kale bixin kartaa turjubaan, si bilaash ah, qof kasta oo u baahan caawimaad ku saabsan codbixinta ama hababka doorashada ee af aan Ingiriisi ahayn. Tarjumidda telefoon ama muuqaal ah ayaa laga heli karaa af kasta, oo ay ku jirto Luqadda Ishaarada ee Ameerikaanka.

Sahan ku saabsan warsaxaafadeedyada la turjumay

Ma ogtahay in Degmada Multnomah ay ku daabacdo warsaxaafadeedyada Xafiiska Doorashooyinka lix af oo dheeraad ah marka laga reebo Ingiriisiga? Waxaan raadineynaa jawaab celin ku saabsan nuxurkayaga la turjumay iyada oo loo marayo sahan waxaana jeclaan lahayn inaan kaa maqalno.

Waxaad ka heli kartaa isku xirka sahanka dusha sare ee warsaxaafadeed kasta oo la turjumay. Sahanadu waxa ku diyaar ah Isbaanish, Ruush, Shiinays, Soomaali, Fiitnaamiis iyo Yukrayni.

Inta ka dhiman Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19

  • Abriil 6, 2026 - Waraaqaha codaynta maqnaanshaha ayaa la heli karaa
  • Abriil 20, 2026 - Boosta ku dirida warqada codaynta wixii ka baxsan gobolka
  • Abriil 28, 2026 - Wakhtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha/isbeddelka xisbiga
  • Abriil 29, 2026 - Waraaqaha cod bixinta waxaa boosta loogu diray cod bixiyayaasha
  • Maajo 19, 2026 - Maalinta Doorashada Hordhaca
  • Juun 15, 2026 - Xaqiijinta natiijooyinka ugu danbaysa ee doorashada

Xafiiska Guud:

Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building

1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214

Goobta Gresham:

Voting Center Express at the Multnomah County East Building

600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030

Furan Abriil 23 - Maajo 19, 2026

Telefoon: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Mareegta: www.MultnomahVotes.gov