Somali: WAR FAAFIN: Cod bixiyeyaasha Degmada Multnomah waxa ay dhiibtaan tobanaan kun oo cod, iyadoo ay soo badanayaan soo celimaha Habeenka Doorashadu

Xidhiidhka: Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)
Denis Theriault, pressoffice@multco.us

WAR FAAFIN: Cod bixiyeyaasha Degmada Multnomah waxa ay dhiibtaan tobanaan kun oo cod, iyadoo ay soo badanayaan soo celimaha Habeenka Doorashadu; Doorasho sugan, ku habboon oo la isku hallayn karo ayaa ah tiirarka habraaca Ku Codee Boostada (Vote by Mail)

Degmada Multnomah, Oregon. (Maajo 22, 2024) — Laga bilaabo 11:30 subaxnimo Arbacada, Maajo 22, tirada rasmiga ah ee dadka codkooda dhiibtay ee Degmada Multnomah ayaa gaadhay 29.8%, iyada oo in ka badan 170,000 oo codbixineed la diiwaan galiyay lana aqbalay Talaadadii, Maajo 21, 2024, doorashada musharaxiinta xisbiyada - boqollaydani waa sii kordhi doonta markii codbixino dheeri ah la diwaan galiyo, la xaqiijiyo lana tiriyo.

Ku dhawaad 70,000 oo codbixinood ayaa la helay maalinta doorashada oo keliya, iyadoo ku dhawaad kala badh tiradaas laga soo ururiyey goobaha codbixinta ka dib 6 dii fiidnimo

Tani sidoo kale waa wareeggii labaad ee doorashada Degmada Multnomah iyo gobolka oo dhan, oo ay weheliso 2022, kaas oo codadka lagu calaamadeeyay maalinta doorashada ama ka hor sidoo kale la tirin doono.

Iyadoo codbixiyeyaal badani ay sii wadaan isticmaalka Goobaha Codbixinta ee Rasmiga ah, sharciga gobolka ee la ansixiyay 2021 ayaa siinaya dabacsanaan dheeraad ah codbixiyeyaasha doonaya inay boostada ku soo diraan warqaddahooda codbixinta maalinta doorashada, waase haddii waraaqadahaas lagu calaamadiyo maalinta doorashada oo ayna kusoo gaadhaan xafiiska doorashada degmada todoba maalmood gudahood.

Arbacadii, Maajo 22, Qaybta Doorashooyinku waxay heshay 23,600 oo codbixinood oo dheeri ah oo ka timid Adeegga Boostada Mareykanka oo lagu calaamadeeyay kahor ama Maajo 21 deeda - taasoo aad uga sareysa rikoodhkii hore ee ku dhawaad 13,000 oo codbixinood. Codbixinno badan ayaa imaan doona toddobaadka soo socda.

Sababtoo ah sharciga calaamada boostada, tirada maalmaha loo qoondeeyay xafiisyada doorashooyinka degmada in ay ku caddeeyaan doorashada waxay u korodhay 27 maalmood, halka ay ka ahayd 20. Tani waxay ka dhigan tahay in shahaadaynta natiijada doorashadani ay ku ekaan doonto 17ka Juun.

Waraaqaha codbixinta ee lagu diray boostada, oo lagu dhiibtay waqtiga saxda ah kahor ama kadib Maalinta Doorashada, ayaa wali la siinayaa muddo ay ku yimaadaan oo dhan todobo maalmood kadib Maalinta Doorashada. Iyada oo codbixino badani soo xaroonayaan, xaqiiqadu waxay tahay in qaar ka mid ah tartamada isku dhaw in laga yaabo inaan loo go'aamin karin sida ugu dhakhsaha badan sidii sanadihii hore.

Jadwalka Shaacinta Natiijada doorashadaan ayaa looga fiirin karaa onlayn halkaan.

Qaybta Doorashooyinku waxa ay shaqaalaysiin kartaa ilaa 200 oo ah shaqaalaha doorashada ee heeganka ah kuwaas oo ku biiri doona shaqaalaha joogtada ah si ay gacan uga gaystaan qabashada doorashada.

Mid kasta oo ka mid ah shaqaalaha doorashada oo la dhaariyay wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa qabashada doorasho sax ah, la heli karo oo ammaan ah oo loogu talagalay codbixiyeyaasha Degmada Multnomah. Waajibaadka shaqaalaha doorashada ayaa u dhexeeya uruurinta waraaqaha codbixinta ee la keeno goobaha codaynta ama marsiinta waraaqaha codaynta nidaamyo xawaare dheereeya ku shaqeeya, furista sanduuqyada codadka, ka bixinta adeegyada tooska ah ee codbixiyaha Portland iyo Gresham, ka jawaabida kumanaanka wicitaannada taleefanka iyo waajibaadka aan tirsiga lahayn ee hawlaha kale ka saaran. Waan uga mahadcelinaynaa adeegooda.

Tiirarka Ku Codee Boostada - doorasho sax ah, sugan oo habboon - oo joogto ah

In ka badan labaatan sano, Ku Codee Boostada wuxuu ahaa mid la isku halayn karo, habboon oo ammaan ah - ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib doorasho kasta. Weli waxaa jira habab iyo habraacyo amni oo kala duwan oo tan lagu ilaalinayo.

Baqshad kasta oo dib loo soo celiyo waxa ku jira aqoonsiyo gaar ah, waxaana la tirin karaa hal warqad codbixiye kasta.

Nidaamka warqadda cod bixinta wuxuu bixiyaa:

  • Nidaam amaan oo dhaxalgal ah kaasoo ay dejiyeen nidaamyada cod-tirinta kuwaasoo aan marna lagu xariirin khadka interneedka.
  • Nidaamka dabagalka waraaqda laga bilaabo marka codka la dhiibto lana tiriyo ilaa xaqiijinta doorashada.
  • Adeegga Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) kaasoo codbixiyaashu u adeegsan karaan ila kula socdaan dhaqdhaqaaqa waraaqdooda codaynta oo ay kala soconayaan nidaamka aqbalaada. Ku dhawaad 26% codbixiyeyaasha u qalmaa waa ay iska diiwan galiyeen adeegan. Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan. Cdobixiyaasha ayaa iska diiwan galin kara kahor doorashada xigta barta multnomah.ballottrax.net.

Ugu danbayntii, kadib doorasho kasta, nidaamka ayaa si gacan saar ah loo hubiyaa ayadoo la adeegsanaayo qaybo iyo mawduucyo si qorituur ah loo xushay. Tirinta mashiinnada ayaa la barbar dhigaa tirinta gacanta. Talaabadaan waxaa sidoo kale ku jira fursado lagu ilaalinaayo furista hanaanadaan iyo si loo xaqiijiyo hufnanata iyo kalsoonida lagu qabo natiijooyinka doorashada.

Wax badan oo ku saabsan hanaanka doorashada ka daawo halkan.

Doorashooyinka Dawlada Hoose Waa la Tixgeliyaa!

Doorashooyinka dawlada hoose waa muhiim waxaana si weyn loogu xisaabiyaa go'aan qaadashada lagu dhiso mustaqbalka bulshooyinkeena. Waad ku mahadsan tihiin kumannaanka codbixiyeyaasha ee Degmada Multnomah ee ka qaybqaatay oo hubiyey in codkooda lagaga dhageystay.

Natiijooyinka Doorashada Rasmiga ah ee kama dambaysta ah ayaa la heli karaa Juun 17, 2024

Natiijooyinka doorashada rasmiga ah ee kama dambaysta ah waa la shahaadeeyaa waxaana loo gudbin doonaa degmooyinka gaarka ah Juun 17, 2024 Doorashada xigta ee la qorsheeyay ee Degmada Multnomah waa Noofambar 5, 2024, doorashada guud.

Doorashada Noofambar 5 ayaa sidoo kale ah marka dhammaan tartamada musharraxiinta ee xafiisyada laga soo doortay magaalada Portland ay soo bixi doonaan, sababo la xiriira isbeddellada axdiga ee la ansixiyay 2022.

Tartamada musharixiintan ayaa sidoo kale calaamadin doona adeegsigii ugu horreeyay ee magaalada ee codbixinta xulashada kala saraysa. Si aad wax badan uga ogaato codbixinta xulashada kala saraysa ee doorashooyinka soo socoda ee Magaalada Portland, booqo www.Portland.gov/Vote.

Xafiiska Guud:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 S.E. Jidka Morrison, Portland. AMA 97214

Goobta Gresham:

Waa la xiri doonaa ilaa inta laga gaaro Oktoobar 2024 oo ay dhacayso doorashada xigta!

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham, AMA 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Webseedka: MultnomahVotes.gov

Cử tri Quận Multnomah đã bỏ hàng chục ngàn phiếu bầu trong bối cảnh số lượng phiếu bầu gửi lại tăng vọt vào Đêm Bầu cử