English | Español | Русский | Tiếng Việt | 中文 | Chuukese
Ka hor inta aanay Guddiga Maamulka ee Degaanka Multnomah codayn Juun 12, 2025 si loo qaato miisaaniyadda degaanka ee loogu talagalay xisaab xirka sanadka 2026, waxaanu rabnaa in aan war kaa maqalno!
Waxaad foomka hoose u isticmaali kartaa in aad:
- Isku diiwaangeliso in aad markhaati noqoto inta lagu jiro saddexda ah dhageysiyada miisaaniyadda dadweynaha ee Degaanka Multnomah.
- Gudbi faallooyin ama talooyin qoraal ah oo ku saabsan miisaaniyadda la soo jeediyayee Degaanka.
Saddexda ah dhageysiyada miisaaniyadda dadweynaha ayaa hadda la qorsheeyay:
- Arbacada, Maajo 14
Dhageysiga isku dhafan oo ka dhacaya Multnomah Building ama dhanka internet-ka
501 SE Hawthorne Blvd., Portland
6 - 8 habeenimo - Arbacada, Maajo 21
600 NE 8th St., Gresham
6 - 8 habeenimo - Arbacada, Maajo 28
Dhageysiga dhanka internet-ka ah oo kaliya
6 - 8 habeenimo
Taariikhaha iyo waqtiyada kulamadu waa kuwo isbeddeli kara.
Xubnaha ka tirsan dadweynuhu waxay fiirsan karaan dhageysiga miisaaniyadda bulshada oo si toos ah uga baxaysa YouTube channel-ka Guddiga Degaanka Multnomah. Wixii tilmaamo ah ee ku saabsan soo wicitaanka telefoon ahaan si loo dhageysto dhageysiga miisaaniyadda, booqo website-ka Karaaniga Guddiga.
Waad ku mahadsan tahay jawaab-celintaada.