Somali: Maalinta Doorashadu waa Talaadada Xigta ee Noofember 4. Sii qorshayso inaad kusoo celiso warqadaada codaynta inta aanu kaa dhicin wakhtigu si loo tiriyo codkaaga!

Offered by

Xiriirada warbaahinta:

Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)

Isgaarsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us

WAR-SAXAAFADEED: Maalinta Doorashadu waa Talaadada Xigta ee Noofember 4. Sii qorshayso inaad kusoo celiso warqadaada codaynta inta aanu kaa dhicin wakhtigu si loo tiriyo codkaaga!

Multnomah County, Ore. (Talaadada, Oktoobar. 28, 2025) — Maalinta Doorashu waa Talaadada xigta ee Noofember 4, 2025. Cod bixiyayaashu waxay leeyihiin laba dariiqo oo ay kusoo celin karaan waraaqdooda cod bixinta: 

  • Kusoo celi warqadaada codaynta xafiis kasta ee doorashooyiinka Oregon ama Goobaha Codaynta Rasmiga ah ugu danbayn 8 habeenimo Maalinta Doorashada.
  • Kusoo celi warqaddaada cod-bixinta boostada — wax shaabad ah uma baahna! Shuruucda Oregon waxay dhigayaan in dhamaan xafiisyada doorashooyinka inay tirin doonaan wixii codayn waraaqo ah ee leh sumada boosta ama kahor Maalinta Doorashada ee sidoo kale yimaada todoba maalmood gudahood Maalinta Doorashada.

Doorashooyinka Degmada Multnomah waxa uu ku teliyaa in boosta laguugu soo diro waxaan ka danbaynin Khamiista, Oktoobar 30, si loo xaqiijiyo in boostu ay leedahay sumad oo uu helo xafiiska doorashadu inta aanu wakhtigu dhaafin si loo tiriyo. Cod bixiyayaasha doonayo inay boosta kusoo diraan warqadahooda cod biixnta wakhti u dhaw Maalinta Doorashada waxaa lagu dhiiri gelinayaa inay boosta gacanta kaga dhejiyaan xafiiska Adeegga Boostada ee Mareykanka (United States Postal Service, USPS ) ee deegaankooda. Eeg saacadaha iyo goobaha kahor inta aanad qaban.

Samaysa qorshe aad ku xaqiijinayso in warqadaada codayntu ay leedahay tiimbaro boosta  — ama ugu danbayn, kahor — Maalinta Doorashada.

Dhamaan Goobaha Codaynta Waraaqaha ee Rasmiga ah ee Degmada Multnomah waxay ku yaalaan multco.us/dropsites, oo waxaa sidoo kale ku jira lifaaqyo goobaha cod bixinta rasmiga ah ee degmooyinka Clackamas iyo Washington. Macluumaadka Goobta Cod Bixinta Rasmiga ah sidoo kale waxaa laga heleyaa Waraaqaha Xogta Cod Bixiyaha Degmada Multnomah iyo khariirada goobaha cod bixinta Degmada oo si wanaagsan loo arko.

XUSUUSIN: Doorashadan waxa ku jira laba cabbir oo codbixineed oo keliya: mid magaalada Portland ah iyo mid dugsiga degmada Lake Oswego. Si aad xog badan uga ogaato doorashadaan, booqo: multnomahvotes.gov.

Horay U Sii Dalbo Warqadda Codbixinta Baddelka ah 

Cod bixiyayaasha aan weli helin warqaddaada codbixinta ugu danbayn Khamiiska, Oktoobar 23, ama u baahan warqad beddel ah, waa inay la xiriir Doorashooyinka Degmada Multnomah sida ugu dhakhsaha badan waxay la hadlayaan 503-988-VOTE (8683).

Cod bixiyayaashu sidoo kale waxay gelin karaan onlayn oo aad ka heli kartaa warqadda codbixinta bedelka ah ee ku habboon Adeegga Cod-bixinta Bedelka Hore. Cod-bixiyayaasha isticmaala adeegga onleynka ah waxay ka fogaan karaan ama gaabin karaan booqashada foolka-foolka ah labada goobood ee adeegga cod-bixiyayaasha.

Cod bixiyayaasha isticmaala Adeega Waraaqaha Cod Bixinta Bedelka ee Marka Hore La Dalbado waxay dalban karaan warqada bedel ah oo boosta loogu soo diro guriga ay degan yihiin ama waxay sii xaqiijin karaan in warqadu diyaar u tahay marka qabtaan daaqada "will call" ee laga qaato. Adeegga "Will call" ayaa laga heli karaa Xarunta Codaynta Express, ee (600 N.E. 8th St., Gresham), ama Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah) iyo Dhismaha Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Duniway-Lovejoy ee (1040 S.E. Morrison St., Portland).

Saacadaha La Kordhiyay ee Goobaha Koonfur Bari Portland iyo Gresham Labaduba

Saacadaha caadiga ah ee Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ee labada goobood ee adeegga cod-bixiyayaashu waa 8 subaxnimo - 5 galabnimo Isniin ilaa iyo Jimce. Saacadaha la kordhiyay iyo Sabtida labadaba Koonfur-bari Portland iyo Gresham waxaa:

  • Sabtida, Noofembar 1: 10 subaxnimo - 2 duhurnimo
  • Isniinta, Noofembar 3: 8 subaxnino - 7 fiidnimo.
  • Maalinta Doorashada, Talaadada, Noofembar 4: 7 subaxnimo - 8 fiidnimo.

Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan

Marna maaha habsan in la isku duwaan geliyo adeega la Socodka Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) ee caamka ah ee Doorashada Degmada Multnomah! Iska duwaan geli multnomah.ballottrax.net.

Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha iyo wararka codbixinta luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Yukraaniyan, Fiitnaamiis ama Shiineys.

Fariin qoraal, iimeyl ama fariimaha codka ah ayaa u sheegi doona codbixiyaasha marka warqadahooda codbixinta ay boostada yaalaan iyo hadhoow marka warqaddahooda lagu codeeyay la helo.

Fariimaha ayaa sidoo kale muujinaaya haddii warqaddaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii talaabo dheeri ah laga rabo codbixiyaha. Fariimaha "Warqadda Codaynta La Aqbalay" (“Accepted Ballot”) waxaa sidoo kale ku jira astaanta oonlaynka ah ee Oregon ee "Waan Codeeyay" (“I Voted”) oo aad ku baahin karto baraha bulshada.

Buug-yaraha Codbixiyayaasha Degmada Multnomah waxaa lagu heli karaa boostada iyo oonlayn ahaan

Doorashada Gaarka ah ee Noofember 4, 2025, waxaa kamid ah laba talaabo oo waraaqaha codaynta ah: mid waxaa loogu talo geley Magaalada Portland oo midna waxaa loogu talo geley Lake Oswego School District.

Ilaa 466,000 cod bixiyaal oo ka duwaan gashan Magaalada Portland iyo Lake Oswego School District ayaa heli doona warqada codaynta doorashadan. Si aad xog badan uga ogaato doorashadaan, booqo multnomahvotes.gov.

Xog dheeraad ah oo ku saabsan warqadaada codbixinta waxaad ka helaysaa Buug-yaraha Codbixiyayaasha Degmada Multnomah, kaas oo boostada loogu diray dhammaan guri kasta oo deegaanka ah sidoo kale lagana heli karo onlaynka

Doorashooyinka maxaliga ah waa muhiim — marka ‘Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO!’

Kahor waqtiga kama-dambaysta ah ee Maalinta Doorashada ee Noofember 4, 2025 Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay ku boorinaysaa cod-bixiyeyaasha: Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO! Liiska diiradda la saaray waxay codeeyayaasha marinaysaa shan talaabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:

  • Is duwaan Geli Si AAD U CODEEYSO.
  • Hel warqadaada codaynta.
  • Ku CODEE warqadaada codaynta.
  • Soo celi warqadaada cod-bixinta.
  • COD yeelo oo horseed isbadel.

Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashada Noofeember 4, 2025

  • Waraaqaha codaynta ciidanka/dalka dibadiisa ee boosta lagu dirayo: Jimce, Sebteember 19
  • Waraaqaha codaynta ka baxsan gobolka waxaa boosta lagu soo dirayaa: Isniin, Oktoobar 6
  • Warqadda Cod-bixiyayaasha ayaa loo diray dhammaan qoysaska la deggan yahay: Arbacada, Oktoobar 8
  • Wakhtiga ay ku eeg tahay duwaan gelinta cod bixiyayaasha: Talaatada, Oktoobar 14
  • Waraaqaha codbixinta ayaa loogu diri doonaa boosta cod-bixiyeyaasha: Arbacada, Oktoobar 15
  • Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Gresham waxa ay furmaysaa: Isniinta, Oktoobar 20
  • Dhamaan codbixiyaashu waa inay helaan waraaqahooda codaynta: Khamiista, Oktoobar 23
  • Maalinta ugu danbaysa ee si aan dib u dhac u lahayn loo diri karo warqadaada cod bixinta: Khamiista, Oktoobar 30
  • Maalinta Doorashada: Talaadada, Noofembar 4
  • Natiijooyinka doorashada kama dambaysta ah waxaa la cadaynayaa: Isniinta Diseember 1

Xafiiska guud:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214

Goobta Gresham:

Furan Oktoobar 20 - Noofember 4, 2025

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Wabseedka: multnomahvotes.gov