Qaraarka Aqalka 1 (House Resolution 1, H.R. 1)

Isbeddeladu waxay dhici doonaan xilliyo kala duwan, shuruucdu way kala duwanaan karaan.

Qaraarka Aqalka 1 (House Resolution 1, H.R. 1)

Isbeddellada federaalku waxay saameyn ku yeelan doonaan gargaarka cuntada ee Barnaamijka Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah (Supplemental Nutrition Assistance Program, SNAP) iyo caymiska Qorshaha Caafimaadka Oregon (Oregon Health Plan, OHP). Isbeddeladu waxay dhici doonaan xilliyo kala duwan, shuruucdu way kala duwanaan karaan.

Medicaid (Qorshaha Caafimaadka Oregon)

▶ Guudmarka isbeddelada federaalka: Ingiriisi (PDF) | Isbaanish (PDF)

▶ Wixii macluumaad dheeraad ah iyo wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan isbeddellada federaalka ee Medicaid (Qorshaha Caafimaadka Oregon) booqo Oregon Health Authority H.R. 1 bog.

Cusbooneysiinaha 

Maanta, inta badan xubnaha Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) waxay sii haysan karaan caymiskooda muddo laba sano ah iyaga oo aan cusboonaysiin. Laakiin laga bilaabo dabayaaqada 2027, xeerar federaal ah oo cusub ayaa dad badan oo waaweyn ka dalban doona inay cusboonaysiiyaan caymiskooda lixdii biloodba mar. Kuwa kale waxaa laga doonayaa inay cusboonaysiiyaan hal mar sannadkiiba.

Shuruucda shaqada

Laga bilaabo Janaayo 1, 2027, xeerar federaal ah oo cusub ayaa xubno badan oo OHP iyo Healthier Oregon ka tirsan ka dalban doona inay keenaan caddeyn muujinaysa hawlahooda shaqo, waxbarasho ama hawlo iskaa wax u qabso ah, ama in ay helaan ka-dhaafis la ansixiyey. 

Haddii aad hesho dheefaha SNAP oo lagaaga baahan yahay inaad buuxiso shuruudaha hawlaha ee SNAP, UMA BAAHNID inaad buuxiso shuruudaha shaqada ama hawlaha OHP. Buuxinta shuruudaha SNAP ayaa ku filan labada barnaamijba.

Isbeddelada loogu talagalay dadka leh xaalado sharci socdaal oo gaar ah

Laga bilaabo Oktoobar 1, 2026, dadka leh xaalado sharci socdaal - oo ay ka mid yihiin dadka magangelyada la siiyay ama qaxootiga, dadka loo ogol yahay siidayn bini-aadantinimo, iyo dadka ka badbaaday rabshadaha qoyska iyo ka ganacsiga dadka- ayaa la bilaabay in loo wareejiyo qorshaha Healthier Oregon. Iyadoo loo marayo Healthier Oregon, xubnuhu waxay sii haysan doonaan dheefahooda iyo caymiskooda oo dhammeystiran. 

Janaayo 1, 2027, xubnaha Healthier Oregon waxay ka guuri doonaan ka diiwaangashanaanshaha Ururka Isku-dubbaridka Daryeelka (Coordinated Care Organization, CCO), sida Health Share of Oregon, una guuri doonaan “Open Card.” Open Card waxay leedahay dheefo la mid ah kuwa OHP, balse shabakadda bixiyeyaasha daryeelka caafimaadku way ka duwanaan kartaa. Tani macnaheedu ma aha in dadka laga rabo inay bixiyaan kharashka daryeelka.

Waxa aad sameyn karto

  • Ka hortag hakadka ku yimaada caymiskaaga caafimaad adiga oo hubinaya in Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (Oregon Department of Human Services, ODHS) ay hayso macluumaadkaaga xiriirka ee hadda. Waxaad ODHS kala xiriiri kartaa koontadaada onlaynka ah ee ONE, adigoo wacaya 800-699-9075 ama booqanaya xafiiskaaga ODHS ee maxalliga ah. 
  • Raadi Caawiye OHP oo kaa caawin kara inaad fahamto xulashooyinka caymiska caafimaadka, codsato caymis, oo aad iska diiwaangeliso qorshe.

Barnaamijka Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah (SNAP)

▶ Guudmar: Ingiriisi (PDF) | Isbaanish (PDF)

▶ Tuulalka Jaalalka loogu Talagalay 

Xeerarka Shaqada ee SNAP 

Hindise-sharciyeedka cusub ee miisaaniyadda federaalka, H.R. 1, wuxuu ballaarinayaa da’da dadka looga baahan yahay inay raacaan xeerarka Dadka Waaweyn ee Laxaadka Qaba oo aan Lahayn Dad ku Tiirsan (Able-Bodied Adults Without Dependents, ABAWD). Haddii aad u dhexeyso 18 ilaa 64 jir, aanad lahayn ilmo ka yar 14 sano, oo aanad haysan ka-dhaafis, waa inaad dhammaystirtaa 80 saacadood oo hawlo shaqo ah bishii. Haddii kale, waxaad waayi doontaa dheefaha Barnaamijka Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah (SNAP) saddex bilood ka dib. Liiska shuruudaha shaqada iyo waxqabadka ee la ansixiyay ka hel halkan.

Haddii aad leedahay ka-dhaafis, uma baahnid inaad buuxiso xeerarka shaqada, balse waa inaad ogeysiisaa Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (ODHS). Bogga Shuruudaha Shaqada ee SNAP waxa ku jira macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cidda u qalanta ka-dhaafis iyo sida loo codsado.

Waraysiyada SNAP 

Laga bilaabo Juun 1, 2026, wareysiyada waxaa looga baahan yahay dhammaan qoysaska Oregon marka ay cusboonaysiinayaan dheefaha SNAP. Tani waxay noqon kartaa markii ugu horreysay ee qoysaska qaar looga baahan yahay inay dhammaystiraan wareysi toos ah marka ay cusboonaysiinta marayaan. Booqo boggan si aad wax badan uga barato waxaad ka filan karto waraysigaaga SNAP. 

Waxa aad sameyn karto 

  • Ka hortag hakadka ku yimaada caymiskaaga adiga oo hubinaya in Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (ODHS) ay hayso macluumaadkaaga xiriirka ee hadda. Waxa aad ODHS kala xiriiri kartaa koontadaada onlaynka ah ee ONE, adigoo wacaya 800-699-9075 ama booqanaya xafiiskaaga ODHS ee maxalliga ah. 
  • La soco waraaqaha ka imanaya ODHS ee ku saabsan wareysigaaga, ugana jawaab si degdeg ah. 

Qof Ku Tiirsan Kaalmada Dowladda 

Siyaasadda federaalka ee qof ku tiirsan kaalmada dowladda ayaa isbeddashay. Laga bilaabo Sebteembar 18, 2026, siyaasadda cusub waxay u oggolaanaysaa saraakiisha socdaalka inay tixgeliyaan barnaamij kasta oo dheefaha dadwaynaha la xiriira kuna salaysan dakhliga qofka oo ay isticmaalaan dadka codsanaya Green Card. Si aad wax badan uga barato dadka Kaalmada Dowladda ku Tiirsan, akhri Warqadda Xaqiiqooyinka ee Qofka ku Tiirsan Kaalmada Dowladda oo ay soo saartay Protecting Immigrant Families. 

Haddii aadan hubin sida tani u saameynayso qoyskaaga, ururrada gargaarka sharciga ayaa ku caawin kara. Khadka Tooska ah ee Dheefaha Dadwaynaha Oregon (Oregon Public Benefits) ka wac lambarka 800-520-5292 (Isniinta ilaa Khamiista) si aad ugala hadasho xaaladdaada.

Last reviewed November 20, 2026