July 9, 2024

Xidhiidhada: Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)  
Denis Theriault, pressoffice@multco.us

FAAFINTA WARKA: Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay sii daynaysaa muuqaal sharaxaya cod-bixinta ikhtiyaarada-darajaysan, hordhaca waraaqaha codaynta

Degmada Multnomah, Ore. (Luulyo 1, 2024) — Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay sii daysay muuqaal iyo websaydh sharaxaya aasaaska cod-bixinta ikhtiyaarka-darajaysan — oo ay ku jirto hordhaca waraaqaha cod-bixinta ay cod-bixiyeyaasha Magaalada Portland heli doonaan marka habka cod-bixintu ay bilaabmato Nof. 5, 2024.

  • Ka daawo muuqaalka halkan.
  • Ka eeg cod-bixinta ikhtiyaarada-darajaysan ee Doorashooyinka Degmada Multnomah bogga khayraadka halkan.

Tartanka Maayarka Portland, Hantidhowraha Portland iyo Gudida Magaalada Portland waxaa dayrtan lagu go'aamin doonaa cod-bixinta ikhtiyaarka-darajaysan. Doorashooyinka Degmada Multnomah waxaa loo beddeli doonaa cod-bixinta ikhtiyaarka-darajaysan ee tartanka musharaxiinta Degmada ee Noofembar 2026. Codeeyayaashu waxay habka cod-bixinta u ansixiyeen si qeyb ka ahayd wax ka beddelaadaha dib u habaynta nidaamka ee lagu daray waraaqaha cod-bixinta ee 2022.

Cod-bixinta ikhtiyaarka-darajaysan wuxuu cod-bixiyeyaasha u oggolaanaya inay musharaxiinta darajo u kala siiyaan siday u kala doordbidayaan halkii ay dooran lahaayeen hal musharax oo kaliya. Habkani wuxuu codka qofka u oggolaanaya inay u xisaabsanaato musharax kale haddii musharaxa dookhooda la reebo. Codeeyayaasha Portland waxay awoodi doonaan inay darajeeyaan ilaa lix musharax.

Inta badan waxay ay codeeyayaasha Portland waajahi doonaan dayrtan waxay la mid ahaan doontaa isla wixii doorashooyinki hore.

Waraaha codaynta waxaa lasii wadi doonaa in lagu soo diro boostada. Codeeyayaashu waxay weli sii awoodi doonaan inay boostada kusoo diraan waraaqahooda codaynta, inay ku ridaan sanduuqyada dhigista ee la ansixiyay ama inay si toos ah u keenaan Doorashooyinka Degmada Multnomah. Oo cod-bixiyeyaashu waxay weli sii awoodi doonaan inay shaqaalaha Doorashooyinka Degmada weydiistaan macluumaad, caawimo iyo khayraad kale.

Nashqad waraaqaha cod-bixinta ee loogu talagalay cod-bixiyeyaasha Portland

Laakiin sida muuqaalku cadaynayo, cod-bixiyeyaasha magaalada Portland waxay isbeddel ku arki doonaan qaabka waraaqahooda cod-bixintu uu eeg tahay. Tartanka musharaxiinta waxay hadda yeelan doonta shax u oggolaan doonta cod-bixiyeyaasha inay ilaa lix musharax darajo u kala siiyaan siday u kala doordbidayaan. Cod-bixiyeyaashu weli waa inay buuxiyaan goobada si ay u calaamadiyaan doorashooyinkooda, laakiin hadda waxay yeelaan doonaan ikhtiyaaro badan.

Cod-bixiyeyaashu waa inay musharaxa ay ugu jecel yihiin u doortaan "Darajada 1," inay musharaxa labaad ee ugu jecel yihiin u doortaan "Darajada 2," oo kadibna isla sidaas u sameeyaan darajooyinka 3 ilaa 6. Muuqaalku wuxuu sidoo kale sharaxaya waxa dhacaya haddii cod-bixiyeyaashu ka boodaan darajo ama si khalad ah darajo ugu buuxiyaan wax ka badan hal musharax.

Haddii cod-bixiyeyaashu sameeyaan khalad markay calaamadinayaan waraaqahooda codbixinta, waxay u sixi karaan taas iyagoo ku qoray "X" dush goobta khaladka ama iyagoo la xidhiidhaya Doorashooyinka Degmada Multnomah si ay u helaan waraaqda cod-bixinta oo beddel ah.

Oo haddii aad rabto inaad ku tababarato waraaqda cod-bixinta oo tusaale ah ah xagaagan. ka hor inta aanay iman waraaqda cod-bixinta rasmiga ah dayrtan, guji halkan ama tag MultnomahVotes.gov!

Tababarada fiican iyo agabyada waxbarashada: U diyaargarowga Noofembar

Degmada Multnomah iyo Magaalada Portland waxay si wadajir ah ugu shaqeynayaan xagaagan iyo dayrtan si ay cod-bixiyeyaasha uga qaybgeliyaan waxna uga baraan u guuritaanka cod-bixinta ikhtiyaarka-darajaysan, oo ay ku jiraan bandhigyada bulshada, caawimada tooska ee cod-bixiyeyaasha, doorashooyinka tijaabada ah, ololaha iidhehda, agabyada daabacan, iyo wargelinada saxaafada si xarumaha wararku u caawin karaan cod-bixiyeyaasha sidoo kale.

Degmada waxaa ka go'an inay xaqiijiyaan in dhammaan cod-bixiyeyaasha ay haystaan agabyada iyo aqoonta ay ugu baahan yihiin inay codeeyaan iyagoo isticmaalaya waraaqaha cod-bixinta ikhtiyaarka-darajaysan.

Shaqaalaha Doorashooyinku waxay hogaaminayaan nidaam diyaargarow oo xoogan — adeegsanaya tababarada fiican ee bulshooyinka sanado isticmaalayay cod-bixinta ikhtiyaarka-darajaysan, oo si joogto ah u tijaabinaya nidaamyadooda cusub si ay u xaqiijiyaan in cod-bixiyeyaashu ay awoodaan inay isku haleeyaan doorashooyin badqaba, la isku halayn karo, oo hufan. 

###