May 1, 2024

Xidhiidhka: Tim Scott or Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683) 

Denis Theriault, pressoffice@multco.us

WAR FAAFIN: Adeegga Boostada Maraykanku waxa uu bilaabay qaybtinta Warqaddaha Cod Bixinta maanta, Maajo 1, 2024, ee Doorashada Musharaxiinta Xisbiyada ee Maajo.

Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ee aan helin warqadda cod bixinta maalinta Khamiista ah, Maajo 9, waa inay ka wacaan Doorashooyinka Degmada Multnomah lambarka 503-988-VOTE.

Degmada Multnomah, Oregon. (Maajo 1, 2024) — Adeegga Boostada Maraykanka ayaa bilaabay qaybtinta Warqaddaha Cod Bixinta maanta, Arabaco, Maajo 1, ee Doorashada Musharaxiinta Xisbiyada soo socota ee Maajo 21, 2024.

Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ee aan helin warqadda cod bixinta maalinta Khamiista ah, Maajo 9, waa inay ka wacaan Doorashooyinka Degmada Multnomah lambarka 503-988-VOTE.

Si loo tiriyo, warqaddaha cod bixinta waa in ay soo gaadhaa 8 fiidnimo, Talaado, Maajo 21, xafiis kasta oo ka mida ah kuwa doorashada degmada Oregon ama goob kasta oo Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido. Warqaddaha cod bixinta sidoo kale waxaa lagu calaamadin karaa Maajo 21 si loo tiriyo.

Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah waxay iska diiwaan gelin karaan adeega Track Your Ballot (Lasoco Warqadaada Codaynta) ee bogga multnomah.ballottrax.net si ay u ogaadaan goorta ay warqadahooda cod bixintu kusoo aadanyihiin. Adeegayaga Track Your Ballot (Lasoco Warqadaada Codaynta) ee Degmada Multnomah waxaa lagu heli karaa luuqado badan! Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha lasocoshada warqadda cod bixinta iyo wararka luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Fiitnaamiis, Shiineys ama Yukrayniyaan. Wargalimuhu waxay sidoo kale muujinayaan in warqadda cod bixinta loo aqbalay tirinta ama haddii ay u baahan tahay tallaabo dheeraad ah oo uu qaado cod bixiyuhu. Codbixiyeyaasha ayaa heli kara astaanta oonleenka ah ee “I Voted (Waan Codeeyay)” kadib marka ay soo celiyaan waraaqdooda codbixinta.

Xasuusin: Warqadda cod bixinta ee doorashada musharaxiinta xisbiyada ee sannadkani waa ay ka muuqaal duwanaan doonta kuwii hore

Tartannada musharixiinta ee xafiisyada la doorto ee Magaallada Portland ayaan kasoo muuqan doonin warqadda cod bixinta ee Maajo 2024. Tartannadani waxa ay kasoo muuqan doonaan warqadda cod bixinta ee Nofeembar 5, 2024, taasoo sidoo kale noqon doonta markii koobaad ee degmadu adeegsato nidaamka codeynta xulashada kala horeeya. Si aad wax badan uga ogaato codbixinta xulashada kala saraysa ee doorashooyinka soo socoda ee Magaalada Portland, booqo www.Portland.gov/Vote.

Soo celi warqaddaada cod bixinta 

Waxaad ku soo celin kartaa warqaddaada cod bixinta Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido. Ku soo celi warqadda cod bixinta goob kasta oo 24-saac furan oo ah Goobta Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku taal gobolka ama goob kasta oo furan 24-saac oo ah Goobta Buugta Laybareeriga Lagu Diro ee degmada Multnomah. Dhamaan 30-ka Goobood ee Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido ee Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin hoos waxayn ku jiraan Multco.us/DropSites. Warqaddaha cod bixinta waa in ay soo gaadhaan xafiis kasta oo ka mida ah kuwa doorashada degmada Oregon ama Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido ugu danbayn 8 fiidnimo, Talaado, Maajo 21, 2024.

Waxaad sidoo kale dooran kartaa inaad warqaddaada cod bixinta kusoo celiso boostada, looma baahna tiimbare. Fadliga ansixinta Sharciga Golaha Wakiiladda 3291, oo sidoo kale loo yaqaan sharciga "Shaambadda boostada", warqaddaha cod bixinta boostada ee lagu calaamadiyay shaambadda Adeegga Boostada Mareykanka Maalinta Doorashada waa la tirin doonaa.

30 goobood oo ah Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido ee Degmada Multnomah ayaa Laguugu Shaqeyn doona

Degmada Multnomah waxay leedahay 30 Goobood oo ah Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido oo la heli karo hadda ilaa 8 fiidnimo Maalinta Doorashada si aad u soo celiso warqaddaada cod bixinta. Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido waxaa kamid ah dhammaan goobaha Laybareeriyada Degmada Multnomah. Warqadda Cod Bixinta waxaa laga soo qaadaa goobaha laybareeriyada iyo Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ayadoo la raacaayo jadwal dajisan ah. Liiska Goobaha Warqadda Cod Bixinta Rasmiga ah Lagu Rido waxaa laga heli karaa onlaynka iyo halkan hoose.

Portland

Waqooyiga Portland

  • Quarter Rose – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee dhanka koonfureed ee Rose Quarter ee ku dhagan biyo shubka iyo calaamada Magaalada Rip. Kaliya lug (eeg maabka)
  • Laybareeriga St. Johns (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) –7510 N Charleston Ave. (eeg maabka)
  • Kulliyadda Bulshada Portland – CUSUB – 705 N. Killingsworth St. – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee N. Killingsworth Street iyo N. Kerby Avenue. Lagu gali karo kaliya lug(eeg maabka)
  • Maktabadda Kenton (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) – 8226 N Denver Ave. (eeg maabka)
  • Dukaanka Raashinka ee Green Zebra – 3011 N Lombard St. (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaal qeybta dambe ee baabuurta la dhigto ee N Curtis Ave.)(eeg maabka)
  • McCoy Park - Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee geeska koonfur bari ee McCoy Park oo u dhow N. Trenton Street iyo N. Newman Avenue. Kaliya lug (eeg maabka)

Waqooyiga Bari Portland

  • Dhismaha Hansen – CUSUB – 12240 NE Glisan St. – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee N.E. Glisan Street iyo N.E. 122nd Avenue. Baabuur ama lug (eeg maabka)
  • Labareeriga Hollywood (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro): 4040 N.E. Tillamook St. (eeg maabka)
  • Xarunta Bulshada ee Matt Dishman – CUSUB – 77 N.E. Knott St. Kaliya lug (eeg maabka)
  • Maqaaxida McDonald — 2010 N.E. César E. Chavez Blvd. - Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee dhinaca galbeed ee N.E. 40th Avenue, inta u dhaxaysa N.E. Tillamook iyo NE Hancock, iyo meel u dhow Laybareeriga Hollywood (eeg maabka)
  • Laybareeriga Gregory Heights (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro): 7921 N.E. Sandy Blvd. (eeg maabka)
  • Parkrose Neighborhood - 4390 NE 102nd Ave. - Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaala barxadda baarkinka bari, kasoo horjeedka wadada ka timaada Kulliyada Bulshada ee Mount Hood ee Maywood Park Center ee N.E. Waddada 102aad iyo N.E. Jidka Prescott (eeg maabka)

Waqooyi Galbeed Portland

  • Laybareeriga Northwest (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro): 2300 N.W. Thurman St. (eeg maabka)

Koofur Bari Portland

  • Doorashooyinka Degmada Multnomah – 1040 S.E. Morrison St. (eeg maabka)
    • S.E. 11th Avenue: Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaala dhanka bari ee S.E. 11th Avenue, u dhaxaysa S.E. Jidadka Morrison iyo Belmont.
    • S.E. Jidka Belmont: Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaala dhanka waqooyi ee S.E. Belmont St. ee u dhaxaysa S.E. 10th Avenue iyo S.E. 11th Avenue.
    • 1040 S.E. Morrison St. – Lug/baaskiil Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah waa meel bannaan oo ku taal dhinaca dhismaha, ee S.E. 11th Avenue iyo Jidka SE Morrison.
  • Laybareeriga Belmont (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro): 1038 S.E. César E. Chávez Blvd. (eeg maabka)
  • Portland Mercado – CUSUB – 7238 S.E. Waddada Foster – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee Barxada Portland Mercado ee S.E. Waddada Foster iyo S.E. 72nd Avenue. Kaliya lug (eeg maabka)
  • Laybareeriga Sellwood-Moreland (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro): 7860 SE 13th Ave. (eeg maabka)
  • Laybareeriga Woodstock (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) – 6008 SE 49th Ave. (eeg maabka)
  • Tiyaatarka Filimka Shineemooyinka Regal / M & M Car Wash – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah oo ku yaal baarkinka Regal Cinemas, ee ka danbeeya M & M Car Wash, ee ku taal S.E Jidka Division iyo S.E. 165th Avenue. (eeg maabka)
  • Laybareeriga Rockwood (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro): 17917 S.E. Stark St. (eeg maabka)

Koonfur Galbeed Portland

  • A-Boy Supply (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah) – 7365 S.W. Barbur Blvd. (eeg maabka)
  • Laybareeriga Capitol Hill (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro): 10723 S.W. Capitol Hwy. (eeg maabka)
  • Laybareeriga Hillsdale – Cusub – 1525 S.W. Sunset Blvd. - Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku yaal laamiga dhinaciisa ee u dhow sanduuqa buugta lagu diro. Kaliya lug (eeg maabka)
  • Laybareeriga Central (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) - 801 S.W. 10th Ave. – Warqaddaha cod bixinta waxa kale oo lagu ridi karaa Sanduuqa Buugta Lagu Diro ee baaburka lagu gaadhi karo ee ku yaal SW 11th Avenue inta u dhaxaysa S.W. Jidadka Yamhill iyo Taylor. (eeg maabka)
  • Barxadda Maxkamadda Pioneer – baloogga 700 ee S.W. Broadway – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku xiga Starbucks iyo ka soo horjeedka Nordstrom. Kaliya lug (eeg maabka)

Fairview

  • Hoolka Magaalada Fairview – CUSUB – 1300 N.E. Village St. - Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee u dhow tiirka calanka ee ka baxsan Hoolka Magaalada Fairview. Kaliya lug (eeg maabka)

Gresham

  • Laybareeriga Gresham (Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah): 385 N.W. Miller Ave. (eeg maabka)
  • Xarunta Codbixinta Degdeg - Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah, 600 N.E. 8th St. – Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee gudaha Xarunta Codbixinta Degdeg, dabaqa koowaad ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah (la heli karo kaliya saacadaha xarunta cod bixinta; waxaad u baahan doontaa inaad baarkin dhigato oo aad gudaha lug ku gasho si aad u dhigto warqaddaada cod bixinta). (eeg maabka)

Troutdale

  • Laybareeriga Troutdale (Sanduuqa Buugta Laybareeriga Lagu Diro) – 2451 S.W. Jidka Cherry Park (eeg maabka)

Xarunta Codbixinta Degdeg waxay hadda furan tahay maalinta doorashada

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah oo ku yaala 1040 S.E. Morrison St. Waxaa jira baarkin waddo oo xaddidan, laakiin goobtani waxay u dhowdahay dariiqa baska TriMet 15 iyo 70.

Xarunta Codbixinta Degdeg ah, oo ku taala gudaha Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah, ayaa ku taala 600 N.E. 8th St. oo katirsan Gresham.

Xarunta Codbixinta Degdeg ah waa goob adeegga cod-bixiyaha ugu dhow in ka badan 165,000 Cod-bixiyeyaasha Degmada Multnomah ee ku nool bariga Interstate 205. Baakinku waa lacag la'aan. Xarunta Codbixinta Degdeg ah ayaa sidoo kale ku taala aaga TriMet Gresham Central Town Center MAX Station.

Saacadaha caadiga ah ee Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ee labada goobood ee adeegga cod-bixiyayaashu waa 8 subaxnimo - 5 galabnimo. Isniinta ilaa Jimcaha

Tirada Maalmaha ka dhiman Maalinta Doorashada Musharaxiinta Xisbiyada ee Maajo 21

  • Waxa bilaabanaysa in warqadda cod bixinta boostada loogu diro codbixiyeyaasha: Maajo 1, 2024
  • Dhamaan codbixiyeyaashu waa inay helaan warqaddahooda codbixinta: Maajo 9, 2024
  • Maalinta Doorashada: Maajo 21, 2024
  • Natiijooyinka doorashada kama dambaysta ah waxaa la cadaynayaa: Juun 17, 2024

Xafiiska Guud:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214

Goobta Gresham:

Waxay furan tahay Abriil 25 - Maajo 21, 2024

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimeyl: elections@multco.us

Websaytka: MultnomahVotes.gov

###