Ka helitaanka daryeelka gudaha Xarummahayaga Caafimaadka Bulshada - SOMALI

Macluumaad iyo agabyada ku saabsan booqashada mid ka mid ah Xarummahayaga
Caafimaadka Bulshada xilliyada ay hawlgallada aadka u kordhiyaan sharci fulinta socdaalka.

Waxaan fahamsanahay in hubanti la’aanta iyo cabsi ka dhalanaysa korodhka hawlgallada sharci fulinta ee federaalka ee la xiriira arrimaha socdaalka ay keeni karto in bukaanno badan oo ka qeyb ah bukaannada Xarunta Caafimaadka Bulshada ee Degmada Multnomah ay ka baaqsadaan safarkooda ay ku tegi lahaayeen rugaheena caafimaadka ee ay ka lahaayeen ballamaha. 

Xarunta Caafimaadka Bulshada ee Degmada Multnomah waxaa ka go’an in ay xaqiijiso in adeegyada caafimaad ee lagama-maarmaanka ah ay sii ahaadaan kuwo lasii heli karo inta ugu suurtagalnimo badan ee ay duruufuhu sidaas u saamaxayaan. Fadlan booqo websaydkeena Xarunta Caafimaadka Bulshada si u barato wax badan oo ku saabsan sida loo helo daryeel iyo adeegyada aanu bixino.

Xulashada beddelka u ah ballamaha qof-ahaan loo tagayo goobaha ballanta

Badqaabkaaga waa mudnaanteena koowaad. Haddii aad aaminsan tahay in ugu safridaada ballanta rugta caafimaad ay noqon karto mid aan ammaan ahayn, fadlan kala xidhiidh Xarunta Marin Helka Bukaanka lambarka 503-988-5558 si aad u ogaato haddii ballantaadu u qalanto adeegga fogaan aragga ee caafimaadka lagu bixiyo iyadoo la adeegsanayo isgaarsiinta.

Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa kooxdaada daryeelka adigoo dejisanaaya akoonkaaga OCHIN MyChart. Si aad isku-diiwaangeliso, guji linkigan.

Waxa aan sameeneyno si aan gacan uga geysano ku ilaalinta dadka si badqab ah

  •  Si iskeena ah ulama wadaagno macluumaadka bukaannada sarkaallada laamaha socdaalka (Wakaalada Socdaalka iyo Kastamka (Immigration and Customs Enforcement, ICE)), mana ka qaybqaadanno hawlgallada fulinta sharciyada haddii aysan ka ahayn in sharci ahaan nala faro in aan sidaas sameyno. Qareennada Degmadeena ayaa qiimeyn doona kiis kasta.
  • Rugaheena Xarumaha Caafimaadka Bulshada waxay leeyihiin habmaamuusyo rasmi ah oo ay tahay in lagu wajaho markey xaaladahu adkaadaan oo gaar ah, kuwaas oo xaqiijinaya in shaqaalaha Degmadu ay si sax ah u ogaadaan sida ay uga falcelinayaan haddii saraakiisha socdaalku soo galaan dhismaha. Taasi waxaa ka mid ah in aan loo oggolaan saraakiisha socdaalka federaalka in ay galaan meelaha aan guud ahaan loo saamixin dadweynaha, sida qolalka baaritaannada iyo xafiisyada.
  • Waxaan hadda samaynaynaa tabbabaro dhoola-tus ah oo ku saabsan ku badqabka gudaha dhismaha si aan u xaqiijino in shaqaalaheennu diyaar u yihiin xaalad kasta oo dhici karta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhawr arrimood oo aanan dammaanad qaadi karin:

  •  Ma xaqiijin karno amnigaaga iyo badbaadadaada inta aad ku sugan tahay waddooyinka ama aad ku jirto gaadiidka dadweynaha ee aad ku tegaysid goobta ay ballantaadu ka qabsoomeyso.
  • Ma awoodno inaan si jireed uga joojino saraakiisha iney gudaha u soo galaan dhismaha. Hase yeeshee, waxaan leenahay habmaamuusyo ay tahay inaan ku wajahno xaaladdahaas cakiran marka saraakiisha socdaalka ay soo galaan dhismaha.

Miyaad qabtaa su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan marin u helka daryeelka?

Fadlan ka wac Xarunta Marin Helka Bukaanka lambarka 503-988-5588 si aad ula xidhiidho Xarunta Caafimaadka Bulshada. Haddii aad u baahan tahay inaad la soo xidhiidho Rugta Caafimaadka ee lagu daweeyo Caabuqyada La Iskagala Qaado Galmada (Sexually Transmitted Infection, STI), fadlan ka wac 503-988-3700. Haddii aad u baahan tahay inaad la soo xidhiidho ba naamijka dheefta Dumarka, Dhallaanka & Carruurta (Women, Infants & Children, WIC), fadlan ka wac 503-988-3503.

Ka eeg buug-yarahayaga jadwal isku-qabashada OCHIN MyChart wixii ku saabsan jawaabaha Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (Frequent Asked Questions, FAQs) waxa ku saabsan sida loo sameeyo ama loo baajiyo ballamaha, marin loogu helo diiwaannada caafimaadka iyo waxyaabo kale oo ku qoran f-Soomaaliga

Afeef: Linkiyadda iyo macluumaadka lagu bixiyay boggagan waxa keliya logu talagalay ujeeddooyin macluumaad bixin ah, mana u dhigmaan talo sharci.

Last reviewed December 17, 2025