FIKIRKAAGA WAA LOO BAAHAN YAHAY - Fadlan qaado dhowr daqiiqo si aad uga jawaabto su’aalaha qaar ku saabsan masiibooyinka dabiiciga ah (dhul gariirka, daadadka, cimilada aadka udaran, iwm.) ee xaggeena:
Degmada Multnomah waxa ay dib ucusboonaysiin ku wadaa Qorshaheeda Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka Dabiiciga ah. Faallooyinkaaga iyo jawaabahaaga aad kaga ragaal celinayso dhowr su’aalood waxa ay naga caawin doonaan horumarinta qorshaha. Marka qorshaha qabyada ah la dhammaystiro bilawga 2022, waxaa lagu soo wadaagi doonaa halkan si loo helo wixii faalooyin ah.
Maxaa uu yahay Qorshaha Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka Dabiiciga ah maxaana loo cusboonaysiinayaa?
Maxaa ay tahay Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka?
Yaranta Saamaynaha Masiibooyinka waa hawsha la qabto ka hor inta aanay dhicin masiibo, si loo yareeyo darnaanshiyaha saamaynteeda mustaqbalka marka ay masiibo dabiici ahi dhacdo loogana dhigo bulshada mid adkaysi u leh.
Mashaariicda yaraynta saamaynaha masiibooyinka ee guusha lihi waxa ay ilaaliyaan nafaha iyo hantiyada waxayna sidoo kale badbaadiyaan lacagta bulshada mustaqbalka fog. Waxaa ay ku qiyaastay FEMA in halkii doolar ee kasta ee lagu bixiyo yaraynta saamaynaha masiibooyinka, illaa lix doolar ayaa ay keydisaa marka masiibooyinku dhacaan.
Maxaa ay yihiin Masiibooyinka uu Daboolayo Qorshahani?
Qorshahani wuxuu kaliya daboolaa masiibooyinka dabiiciga ah; masiibooyinka ay sababaan dadku sida argagaxisada iyo walxaha kale ee masiibada sababa waxaa lagu daboolaa qorshayaal kale. Gobolka Oregon waxa uu taxayaa masiibooyinka dabiiciga ah kaasoo saameeya dhammaan Oregon. Bulshada Degmaha Multnomah waxa ay qorshe usamaysataa dhammaan kuwaa marka laga reebo nabaad guurka xeebaha iyo sunaamida, taasoo guud ahaan kaliya waxyeelaysa bulshooyinka xeebta daggan.
Degmada Multnomah waxaa ay isu diyaarisaa masiibooyinka hoos ku taxan qorshaheeda. Ku dhawaad dhammaantood waxaa saamaysa isbeddelka cimilada, sidaasi awgeed waa mid hadda aad u mihiim ah in laysu diyaariyo, waayo xogtan hadda waxa ay yarayn kartaa khattarta aynu waajihi karno.

- In la kordhiyo wacyigelinta dadweynaha laga wacyi galinaya khattarihiisa iyo waxa ay tahay inaad samayso haddii uu dhaco dhulgariir.
- In laga caawiyo dadka deegaanka ah inay ku urursadaan agabka guryahooda si ay u isticmaalaan ka dib dhulgariirka aadka udaran.
- In la taageero xoojinta biriijyada, qarka webiga, dhsimayaasha dhagaxa ah, iyo dhismayaasha kale.

- Xoojinta qaraha webiga, balliyada, iyo darbiyada daadadka.
- Ku ilaalinta bannaan dhinacyada daadadku gaadhi karo.
- Ku dhiirrigelinta caymiska daadadka inay kordhiyaa u adkaysiga guryuhu iyo ganacsiyadu u adkaysan karaan daadadka.

- Ku xassilinta jiirooyinka taagga ah geedo iyo dhiro kale.
- Xaddidaada ka dhisidda dhismayaal cusub meelaha khattarta masiibooyinku aadka u sarrayso.

- Yaranta saamaynaha kulka ee magaalooyinka iyadoo la beerayo dhir dheeri ah.
- Xayaysiinta hoyada jiilaalka iyo xagaaga si qorshe loogu sameeyo dadyawga ku nool meelo cimiladu aanay xakamaysnayn.
- Kor uqaadista isticmaalka biraha wax lagu qabto (anchors) iyo hoos u xejiyayaasha si looga ilaaliyo hawooyinka daran guryaha la samaystay.

- Shaacinta waddooyinka daadgurka dadweynaha.
- Samaynta nidaamyada digniinta ee xilliga hore oo hormarsan.

- Ka caawinta hantiilayaasha guryaha inay samaystaan bannaan la dayran karo guriga iyo dhismayaasha kaleba hareerohooda.
- In laga cidhib tiro noolayaasha si loo yareeyo dababka qabsada keymaha.
- Horumarinta sifaynta hawada goobaha loo isticmaali karo sidii hoy hawo nadiif ah.
Si aad wax dheeri ah uga barato masiibooyinkan, gal Khayraadka Bulshada ee Yaraynta Saamaynaha Masiibooyinka (Kaliya Ingiriisi ah). Waxa aad arki kartaa khariidado muujinaya masiibooyinka websaytyada soo socda:
- HazVu - Websaytka Waaxda Oregon ee Juqraafiga iyo Warshadaha Macdanta (DOGAMI) waxa uu muujinayaa khattaraha dhulgariirka, ciidaha rogmaya, iyo foolkanada iyagoo uhabaysan cinwaan ahaan dhammaan Oregon. (Oo ah Ingiriisi)
- Sahamiyaha Dabka Keymaha ee Oregon - Websaytka Waaxda Oregon ee Keymaha (ODF) waxa uu muujinayaa khattaraha dabka keymaha iyagoo u habasan cinwaan ahaan dhammaan Oregon. (Oo ah Ingiriisi)
- National Flood Hazard Layer (NFHL) - Websaytka Hay’adda Maaraynta Xaaladaha Degdegga ah ee Federaalka waxa uu muujinayaa khattarta daadka oo ku muujisan khariidad oo u habaysan cinwaan ahaan dhammaan Maraykanka. (Oo ah Ingiriisi)
- Metro Regional Barometer - Cimilada iyo Deegaanka - Khariidado ah Taxane Metro ha Dawlada oo ay ka mid tahay Jaziiradaha kulaylka Magaalada - goobaha khattaraha kulayku ugu daran yahay. (Oo ah Ingiriisi)
SAHANKA QORSHAYNTA YARAYNTA SAAMAYNAHA MASIIBOOYINKA DABIICIGA AH
Waxyaalaha aad ku darayso masiibooyinka dabiiciga ah waa mid mihiim u ah hannaanka qorshaynta. Su’aalahani waxa ay naga caawin doonaan inaanu kala hormariyaan istaraatiijiyadaha aqoonsadaana baahiyaha bulshada. Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga!
Questions?
Contact David Lentzner, Planning Division - david.lentzner@multco.us or by phone at 503.679.3275.