Somali: 'Aynu Qorshaysanayso Inaynu Codayno' — Maalinta Doorashadu waxaa weeye Talaatada xigta, Maajo 20

Shaqaalaha doorashada ayaa bixiya saacado dheeraad ah Gresham iyo Southeast Portland maalmaha ka horeeya codaynta

Xiriirada warbaahinta:

Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)

Denis Theriault, Multnomah Isgaarsiinta Degmada, pressoffice@multco.us

WARSAXAAFADEED: 'Aynu Qorshaysanayso Inaynu Codayno' — Maalinta Doorashadu waxaa weeye Talaatada xigta, Maajo 20

Ban Bầu cử Quận Multnomah hỗ trợ cử tri khuyết tật hoặc cử tri muốn được trợ giúp bằng ngôn ngữ ưu tiên của họ

Shaqaalaha doorashada ayaa bixiya saacado dheeraad ah Gresham iyo Southeast Portland maalmaha ka horeeya codaynta

Degmada Multnomah, Ore. (Maajo 13, 2025) — Maalinta Doorashada waxaa ka hadhsan todoba maalmood, waa Talaatada, Maajo 20 — oo Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay ugu baaqaysaa ruux walba oo aan weli soo celin warqadooda cod bixinta inuu "Aynu Qorshaysto Inuu Codeeyo."

Doorashada waxaa ku jira tartanno loo galaayo gudiyada waaxda dugsiyada maxaliga ah, gudiyadaha waaxaha kuleejka bulshada, Gudiga Adeegga Waxbarashada ee Degmada Multnomah, gudiyada waaxda dab damiska deegaannada miyiga ah, Gudiga Waaxda Badqabka Daadka Magaallada iyo Tayada Biyaha, gudiyada wakaaladaha biyaha, iyo qodobo kasta oo ku jira qorshaha doorashada deegaanka.

Dhammaan cod bixiyeyaasha u qalma waa inay helaan warqaddahooda cod bixinta ugu danbayn Maajo 8. Cod bixiyeyaasha aan helin warqadda cod bixinta weli ama u baahan beddelka warqadda cod bixinta waa inay kala xiriiraan Doorashooyinka Degmada Multnomah 503.988.VOTE (8683). Cod bixiyayaashu sidoo kale waxay gelin karaan onlayn oo aad ka heli kartaa warqadda codbixinta ee ku habboon Adeegga Cod-bixinta Bedelka Hore.

Waxay cod bixiyayaashu xog dheeraad ah oo ku saabsan tartamayaasha iyo hindise sharciyeedyada ku qornaan doona warqadaada codbixinta ka helaysaa Buug-yaraha Codbixiyayaasha Degmada Multnomah, kaas oo boostada loogu diray dhammaan guri kasta oo deegaanka ah lagana heli karo onlaynka sidoo kale.

Saacadaha la kordhiyay ee kaalmada cod bixiyaha waxay bilaabmi doontaa Maajo 17.

Laga bilaabo Sabtidan, Maajo 17, Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay bixin doontaa maalmaha fasaxa qaar iyo xataa habeenkii kaalmada cod bixiyaasaha ee Xarunta Cod Bixinta Degdega ee Gresham (600 N.E. 8th St.) iyo Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building oo ku taala Southeast Portland (1040 S.E. Morrison St.).

  • Sabti, Maajo 17: 10 subaxnimo-2 galabnimo
  • Isniin, Maajo 19: 8 subaxnimo-7 habeenimo
  • Maalinta Doorashada, Talaado, Maajo 20: 7 subaxnimo-8 fiidnimo

Labo qaab oo aad ku soo elcin kartid warqadaada codaynta

Cod bixiyayaashu waxay leeyihiin laba ikhtiyaar marka ay waraaqaha codaynta soo celinayaan. Kan koobaad, waxaad codeyn kartaa waqti hore sidoo kale celi warqaddaada cod-bixinta boostada. Wax shaabad ah uma baahna!

Shuruucda Oregon waxay dhigayaan in dhamaan xafiisyada doorashooyinka inay tirin doonaan wixii codayn waraaqo ah ee leh sumada boosta ama kahor Maalinta Doorashada ee sidoo kale yimaada todoba maalmood gudahood Maalinta Doorashada.

Waxa aad sidoo kale keeni kartaa oo aad ku ridi kartaa Goobta Rasmiga ah ee Codbixinta.Ku soo celi warqadda cod bixinta goob kasta oo 24-saac furan oo ah Goobta Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee ku taal gobolka ama goob kasta oo furan 24-saac oo ah Goobta Buugta Laybareeriga Lagu Diro ee degmada Multnomah.

Dhamaan 32 Goobood ee Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin barta multco.us/dropsites. Waxa aad sidoo kale geli kartaa khariirada lala macaamili karo ee muujinaysa goobaha codaynta Degmada halkan.

Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan

Marna maaha habsan in la isku duwaan geliyo adeega la Socodka Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) ee caamka ah ee Doorashada Degmada Multnomah! Iska duwaan geli multnomah.ballottrax.net.

Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha iyo wararka codbixinta luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Yukraaniyan, Fiitnaamiis ama Shiineys.

Fariin qoraal, iimeyl, ama fariimaha codka ah ayaa u sheegi doona codbixiyaasha marka warqadahooda codbixinta ay boostada yaalaan iyo hadhoow marka warqaddahooda lagu codeeyay la helo.

Fariimaha ayaa sidoo kale muujinaaya haddii warqaddaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii talaabo dheeri ah laga rabo codbixiyaha. Fariimaha "Warqadda Codaynta La Aqbalay" (“Accepted Ballot”) waxaa sidoo kale ku jira astaanta oonlaynka ah ee Oregon ee "Waan Codeeyay" ( “I Voted”) oo aad ku baahin karto baraha bulshada.

Taageero ayay heli karaan cod bixiyayaasha qaba naafanimada oo ay ku heleyaan luuqada ay doonayaan cod bixiyayaashu.

Codbixiyaashu waxay marwalba wici karaan Laanta Doorashooyinka waxayna codsan karaa caawimaada BILAASHKA ah ee codeynta iyo caawinada la xariirta doorashada. Kooxaha Caawinta Cod-bixiyayaasha ee Doorashooyinka waxay ku caawin karaan cod-bixiyaasha guriga, xarunta ay ku nool yihiin, ama mid ka mid ah labada koobood ee adeegga Doorashooyinka Degmada Multnomah, oo ku yaala midkood Koonfur-bari Portland ama Gresham.

Sharci ahaan, shaqaalaha ama wakiilada guud ma bixin karaan caawimaada dhinaca cod bixinta ah. Laakiin codbixiyaasha ayaa sidoo kale caawimaad waydiisan kara saaxiib, xubin kamid ah qoyska, ama qof kale oo ay yaqaanaan kuna kalsoon yihiin.

Codbixiyaashu sidoo kale waxay ku codsan karaan caawimo luqadda aay doorbidayaan. Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay leedahay shaqaale luuqado badan ku hadla.

Laanta Doorashooyinka ayaa sidoo kale siin karta turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo deegaanka ah oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luuqad aan Ingiriisiga ahayn. Turjumista taleefanka ama hab muuqaalka ah ayaa lagu heli karaa luuqad kasta oo ay ku jirto Luuqad Ishaareedka Maraykanka (American Sign Language, ASL).

Doorashooyinka maxaliga ah waa muhiim — marka ‘Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO!’

Kahor waqtiga kama-dambaysta ah ee Maalinta Doorashooyinka ee 20-ka Maajo, Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay ku boorinaysaa cod-bixiyeyaasha: Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO! Liiska diiradda la saaray ee codeeyayaasha waxay marayaan shan talaabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:

  • Is duwaan Geli Si AAD U CODEEYSO!.
  • Hel warqadaada codaynta.
  • Ku CODEE warqadaada codaynta.
  • Soo celi warqadaada codaynta.
  • COD yeelo oo horseed isbadel.

Tirada Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashada ee Maajo 20, 2025

  • Maalinta Doorashada: Talaadada, Maajo 20
  • Natiijooyinka Doorashooyinka kama dambaysta ah waxaa loo sharciyaynayaa degmooyinka gaarka ah: Isniinta, Juun 16

Xafiiska guud:

Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building

1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214

Goobta Gresham:

Furan Abriil 28-Maajo 20, 2025

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Webseedka: multnomahvotes.gov

Last reviewed May 13, 2025