Xiriirada warbaahinta:
Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)
Denis Theriault, Multnomah Isgaarsiinta Degmada, pressoffice@multco.us
WAR SAXAAFEED: Mudada qabashada araajida musharixiinta ayaa hadda uran si ay ugu tartamaan Doorashada gaarka ah ee Degmada oo dhacay Maajo 20, 2025
Musharixiinta ayaa soo gudbin kara araajida ilaa 5 galabnimo. Maarso 20; wakhtiga loo cayimay diiwaan gelinta codbixiyaashu waa Talaadada, Abriil 29
Degmada Multnomah, Ore. (Febraayo 10, 2025) — Doorashada xigta ee Degmada Multnomah waa Doorashada gaarka ah ee Degmada oo dhacaysa Maajo 20, 2025. Doorashadaan waxaa ku jira tartanno loo galaayo gudiyada waaxda dugsiyada maxaliga ah, gudiyadaha waaxaha kuleejka bulshada, Gudiga Adeegga Waxbarashada ee Degmada Multnomah, gudiyada waaxda dab damiska deegaannada miyiga ah, Gudiga Waaxda Badqabka Daadka Magaallada iyo Tayada Biyaha, gudiyada wakaaladaha biyaha, iyo qodobo kasta oo ku jira qorshaha doorashada deegaanka.
Mudada soo gudbinta araajida musharixiinta ee dhammaan Musharixiinta Doorashada Gaarka ah ee Degmada ayaa hadda furan — musharixiinta ayaa heli doona muddo ka badan hal bil, ilaa laga gaaro 5 galabnimo Khamiista, Maarso 20, 2025, si ay u gudbiyaan codsigooda.
Haddii aad xiisaynayso inaad u tartanto xafiiska waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah khadka tooska ah ee internetka multnomahvotes.gov. Waxaad sidoo kale taleefanka kala xariiri kartaa Waaxda Doorashooyinka Degmada Multnomah oo laga wici karo 503-988-VOTE (8683) ama iimeel ugu dir elections@multco.us. Adeegyada codbixinta badankood waxaa sidoo kale laga codsan karaa onleenka.
Warqadaha codbixinta ayaa boostada lakeeni doona kuli inta is diwaan galisay si ay u codeeyaan Multnomah County laga bilaabo Arbacada Abril 30, 2025. Xaqiiji in aad diiwaan gashan tahay si aad u codeyso — ayadoo diiwaankaagu sax yahay — si aad u hesho warqadda codbixinta sida ugu dhaqsaha badan.
Waqtiga kama dambaysta ah ee diiwaan gelinta Codbixiyaha Doorashada Gaarka ah ee Degmada ee Maajo 20, 2025, waa Talaadada, Abriil 29, 2025.
Doorashooyinka maxaliga ah waa muhiim — marka ‘Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO!’
Kahor waqtiga kama-dambaysta ah ee Maalinta Doorashooyinka ee 20-ka Maajo, Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay ku boorinaysaa cod-bixiyeyaasha: Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO! Liiska diiradda la saaray ee codeeyayaasha waxay marayaan shan talaabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:
- Is duwaan Geli Si AAD U CODEEYSO.
- Hel warqadaada codaynta.
- Ku CODEE warqadaada codaynta.
- Soo celi warqadaada codaynta.
- COD yeelo oo horseed isbadel.
Marka koobaad: Isdiiwaan geli si aad u CODEYSO — wakhtiga loo cayimay diiwaan gelinta codbixiyuhu waa Abriil 29
Waqtiga kama dambaysta ah ee diiwaan gelinta Codbixiyaha ee doorashadan waa Talaado, , Abriil 29, 2025. Is duwaan geli si si aad u codeeyso onlayn ahaan oregonvotes.gov/register.
Waxa aad xaqiijisaa inaad cusboonaysiiso isdiiwaan gelintaada wakhti kasta oo aad guurto, badasho magaca, ama aad doonayso inaad badasho xisbiga aad taageereyso. Hadda waa waqtigii si aad u hubiso in diwaan galinta codbixiyeyaashu ay leedahay deganaanshahaaga iyo ciwaanka boostada ee hadda.
Markaa, iska diiwaan geli si bilaash ah adeegga Lasoco Warqadaada Codaynta kadibna marka aad hubiso isdiiwaan gelintaada!
Warqadaada codaynta hel.
Waxaad ku heli doontaa warqaddaada codbixinta boostada laga bilaabo Abriil 30. Hadii aanad helin warqadaada codaynta Maayo 8, qaad talaabo adiga oo kala hadlaya Doorashooyinka Degmada Multnomah 503-988-VOTE (8683) si aad u badalato warqadaada codaynta. Haddii aad guriga uga maqan tahay doorashadan waxaad is-diiwaangelin kartaa si aad u codayso maqnaanshaha, ama aad hore u codayso, laga bilaabo Isniinta, Abriil 7.
KU CODEE warqadaada codaynta
Xasuuso inaad saxeexdo bashqada warqada codaynta lagu soo celinayo. Saxiixaagu ayaa ah aqoonsigaaga.
Saxiix kasta oo warqad kasta waa la eegi doonaa si loo xaqiijiyo inuu lamid yahay saxeexa ku yaala diiwaan gelinta codbixiyaha.
Hadii aad ilawdo inaad saxiixdo ama saxiixaagu ay is yeelan waayaan saxiixa ku qoran diiwaankaaga diiwaanka codbixiyaha, Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ayaa kuusoo diraysa waraaq si aad u qaado talaabo aana u awoodno tirinta codkaaga. Sidoo kale waxaa kulasoo xariiri doona adeegga Lasoco Waraaqdaada Codaynta haddii aad iska diiwaan gelisay.
Soo celi warqaddaada cod bixinta
Waxaad haysataa laba dookh oo kale ah soo celinta warqaddaada cod-bixinta. Hore u codee iyo Soo celi warqadaada codaynta. Shaambad looma baahna! Waraaqaha cod bixinta waa in lagu calaamadeeyaa Maalinta Doorashada, Maajo 20, oo ay yimaadaan todoba maalmood gudahooda kadib maalinta doorashada, si loo tiriyo.
Sidoo kale soo celi warqadaada codaynta Goobta Rasmiga ah ee Codbixinta. Soo celi warqadaada codaynta Sanduuqa Codaynta Rasmiga ah ee 24 saacadood ama Sanduuqa Laybareeriga Degmada Multnomah ee 24 saacadood ah. Dhamaan Goobaha Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah waxay ku qoran yihiin barta multco.us/dropsites. Warqadaha codbixinta waa in la tuuraa 8-da fiidnimo Habeenka doorashada, Maajo 20. Goobaha Sanduuqyada Codbixinta Rasmiga ah ayaa sidoo kale lagu qori doonaa Tusmada Codbixiyaasha.
Doorashooyinka dawladaha hoose waa muhiim. Hubi codkaaga in la tiriyay!
Doorashooyinka golaha deegaanku waxay saameeyaan go'aan gaarista maxalliga ah ee dhammaan degmooyinkeena gaarka ah!
Tirada Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashad ee Maajo 20, 2025
- Diiwaan gelinta Musharixiinta Doorashada Gaarka ah ee Degmada ayaa furmaysa: Sabtida, Febraayo 8
- Diiwaan gelinta Musharixiinta Doorashada Gaarka ah ee Degmada ayaa xirmaysa: 5 galabnimo. Khamiista, Maarso 20
- Buug-yaraha Codbixiyaha ayaa loo diri doonaa dhammaan qoysaska deggaanka ah: Khamiista, Abriil 24
- Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Gresham waxa ay furmaysaa: Isniinta, Abriil 28
- Taariikhda Kama Danbeysta ah ee Diiwaangelinta Codbixiyaha: Talaadada, Abriil 29
- Waraaqaha codbixinta waxaa loogu diri doonaa boostada cod-bixiyeyaasha: Arbacada, Abriil 30
- Dhamaan codbixiyeyaashu waa inay helaan warqaddahooda codbixinta: Khamiista, Maajo 8
- Maalinta Doorashada: Talaadada, Maajo 20
- Natiijooyinka Doorashooyinka kama dambaysta ah waxaa loo sharciyaynayaa degmooyinka gaarka ah: Isniinta, Juun 16
Xafiiska guud:
Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah
1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214
Goobta Gresham:
Furan Abriil 28-Maajo 20, 2025
Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah
600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030
Taleefan: 503-988-VOTE (8683)
Iimayl: elections@multco.us
Wabseedka: multnomahvotes.gov