Somali: Degmada Multnomah ayaa daah-furtay barnaamij deeq lacageed oo dhan $100,000 ah, si loogu adeego codbixiyeyaasha Bariga Degmada hawlaha ku saabsan coddeynta kala horeysiinta musharixiinta (ranked choice voting, RCV)

Offered by

Xiriirka warbaahinta:

Leah Benson ama Tim Scott: 503-988-VOTE (8683)

Isgaarsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us

Degmada Multnomah ayaa daah-furtay barnaamij deeq lacageed oo dhan $100,000 ah, si loogu adeego codbixiyeyaasha Bariga Degmada hawlaha ku saabsan coddeynta kala horeysiinta musharixiinta (ranked choice voting, RCV)

Degmada Multnomah, Ore. (Isniin, Janaayo 12, 2026) — Doorashooyinka Degmada Multnomah ayaa maanta ku dhawaaqday daah-furka Lacagta Deeqda ee Lagu Maalgelinayo Waxbarashada Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ee 2026, oo ah fursad deeq cusub ah oo bixineysa wadar ahaan $100,000 si loo taageero dadaallada waxbarashada codbixiyeyaasha ee aan xisbiga ku salaysnayn ee ku saabsan codbixinta RCV, looguna talagalay deggeneyaasha Bariga Degmada Multnomah.

Tallaabadan waxay imaaneysaa xilli Degmadu isu diyaarineyso doorashadeedii ugu horreysay ee heer degmo oo dhan oo lagu adeegsanayo codbixinta RCV bisha Nofeembar 2026, kadib ka hirgelintii guuleysatay ee RCV ee doorashadii Magaalada Portland bishii Nofeembar 2024.

“Daah-furida codbixinta doorashada la kala horeysiinayo musharixiinta ee guud ahaan degmadu waxay ka dhigan tahay isbeddel muhiim ah oo ku yimaada habka ay deggeneyaasha Degmada Multnomah u dhiiban doonaan codkooda,” ayuu yiri Agaasimaha Doorashooyinka Degmada Multnomah, Tim Scott. “Iyadoo ay codbixiyeyaasha Portland khibrad u leeyihiin adeegsiga RCV, haddana ujeeddadeennu waa in aan xaqiijino in codbixiye kasta oo suurtagal ah oo ku nool Bariga Degmada Multnomah uu helo aqoon iyo kalsooni ku filan si uu si sax ah ugu dhiibto codkooda. Barnaamijkan deeqda ah wuxuu yahay furaha lagu gaari karo ujeeddadaas, annagoo la shaqeynayna la-hawlgalayaal bulsho oo lagu kalsoon yahay.”

Wax ku saabsan fursadda lacagta deeqda

Sanduuqa Waxbarashada Codbixiyeyaasha ee Degmada Multnomah ee 2026 wuxuu siin doonaa ilaa shan deeqood, mid kasta oo gaareysa $20,000 ururrada ka dhex dhisan bulshooyinka ee u adeegaya deggeneyaasha Bariga Degmada Multnomah.

Ujeeddooyinka barnaamijka waa in:

  • Kor loogu qaadaa fahmida RCV ee deganayaasha Bariga Degmada Multnomah.
  • Lagu qalabeeyaa cod-bixiyayaasha aqoon iyo kalsooni ay ku dhiibtaan codkooda
    iyagoo adeegsanaya RCV.
  • Ay bixiyaan waxbarasho RCV oo ku habboon dhaqanka iyo luqadda iyadoo lala kaashanayo la-hawlgalayaasha bulshada.

Codsadayaashu waa in ay noqdaan 501(c)(3) ururro ka dhex dhisan bulshada oo u adeegaya deggeneyaasha Bariga Degmada Multnomah, si ay ugu qalmaan helida deeqda.

Mudnaan ayaa la siin doonaa ururrada leh taariikh la xaqiijiyay oo ku saabsan wacyigelinta iyo la falgalka wax ku oolka ah ee deggeneyaasha Bariga Degmada Multnomah. Ururada looma baahna iney lahaadan khibrad ku aadan hawlaha codbixinta ee kala horeysiinta musharaxiinta ama waxbarashada codbixiyeyaasha si ay u codsadaan. Tababar dhammeystiran oo ku saabsan codeynta la kala horeysiinayo musharixiinta iyo agabyada waxbarashada ee codbixiyaha ayaa la siin doonaa ururada helaya deeqda iyada oo ay bixinayso Waaxda Doorashooyinka ee Degmada Multnomah.

Hawlaha la maalgeliyo waxaa ka mid noqon kara:

  • La xidhiidhka tooska ah ee codbixiyaha (tusaale, u booqashada dadka si fool ka fool ah, kula xidhiidhka dadka iyadoo la adeegsanayo wicitaanka taleefoonka/farriimo dirista)
  • Qaybinta agabyada waxbarashada ee daabacan iyo kuwa dhijitaalka ah
  • Munaasabadaha waxbarasho ee bulshada lagu dhex qabanaayo oo fool-ka-fool ah
  • Iimaylo loo diro xubnaha iyo wacyigelin lagu daabaco warbaahinta bulshada
  • Kalfadhiyada “Tababar Tababaraha” oo loo qabanaayo shaqaalaha iyo/ama mutadawiciinta

Wakhti jadwaleedka codsiga

Fursadda deeqda waxaa lagu soo boosti-gareyn doonaa Multco Marketplace (MMP)
Isniinta, Febraayo 2, 2026. Muddada qabashada codsiyadu waxeey soo xidhmi doontaa
Isniinta, Maarso 16, 2026.

Ururrada danaynaya waa in ay isaga diiwaangeliyaan sidii adeeg-bixiye gudaha nidaamka MMP si ay u codsadaan. Codsadayaasha suurtagalka ah waxaa si xooggan loogu dhiirrigelinayaa inay isla markiiba soo gudbiyaan foomka codsiga marin u helka adeeg-bixiyaha ee MMP, maadaama ka baarandega codsigu uu qaadan karo ilaa saddex maalmood oo shaqo.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan fursadan deeqda ayaa laga heli karaa barta: multco.us/info/deeqda-waxbarashada-habraaca-cod-bixinta-ee-codbixiyeyaasha-degmada-multnomah-ee-2026-somali

Wax ku saabsan codeynta la kala horeysiinayo musharixiinta

Coddeynta kala horeysiinta musharixiinta (RCV) waxaa weeye qaab cod bixin oo u sahlaya cod-bixiyeyaasha inay musharaxiinta darajo u kala siiyaan siday u kala doordbidayaan halkii ay dooran lahaayeen hal musharax oo kaliya.

Bishii Nofeembar 2022, codbixiyeyaashu waxay ansixiyeen qodobo ku waajibinaya u isticmaalka RCV dhammaan tartamada musharraxiinta ee Magaalada Portland iyo Degmada Multnomah. Magaalada Portland waxay billowday adeegsiga RCV ee tartamada musharraxiinteeda bishii Nofeembar 2024, halka Degmada Multnomah ay bilaabi doonto u adeegsiga RCV tartamada musharraxiinteeda bishii Nofeembar 2026.

Daawo muuqaalkan si aad wax badan uga ogaato coddeynta la kala horeysiiyo musharixiinta. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku qoran luuqadaha Isbaanishka, Fiitnamiiska, Ruushka, Shineeska, Soomaaliga iyo Af-Yukreeyn ka daalaco barta: multco.us/info/coddeynta-kala-horaysiinta-musharixiinta-rcv-somali.

######