Somali: Dib waxba ha u dhigin wixii intaa ka danbeeya! Duwan galinta codeynta waxaa ugu dambeysa Maajo 20 dagaanada qaas ka ah ee doorashada waa BARI, Talaatada, Abril 29!

Xarunta Codaynta Degdega ah ee Gresham — waxay ku talaa meel u haboon inay yimaadaan boqolaal kun oo cod bixiyayaal ah oo ku sugan Bariga Portland iyo Bariga Degmada Multnomah — waxay sidoo kale furan

Xiriirada warbaahinta:

Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683)

Denis Theriault, Multnomah Isgaarsiinta Degmada, pressoffice@multco.us

WAR SAXAAFADEED: Dib waxba ha u dhigin wixii intaa ka danbeeya! Duwan galinta codeynta waxaa ugu dambeysa Maajo 20 dagaanada qaas ka ah ee doorashada waa BARI, Talaatada, Abril 29!

voters at counter receiving assistance from elections staff

Xarunta Codaynta Degdega ah ee Gresham — waxay ku talaa meel u haboon inay yimaadaan boqolaal kun oo cod bixiyayaal ah oo ku sugan Bariga Portland iyo Bariga Degmada Multnomah — waxay sidoo kale furan tahay laga bilaabo maanta, Abriil 28

Degmada Multnomah, Ore. (Abriil 28, 2025) — Mudada ay ku eeg tahay in cod bixiyayaasha dhamaan Oregon oo dhan inay isku duwaan geliyaan Doorashada Degmada Gaarka ah ee Maajo 20, 2025 waxaa ka dhiman HAL MAALIN: bari: Talaadada, Abriil 29.

Wakhtiga kama danbeysta isdiiwaangalinta onlaaynku waa 11:59 habeenimo Talaadada.Waraaqaha cod bixinta waxaa boosta loogu diri karan dhamaan codeeyayaasha duwaan gashan maalinta xigta, Arbacada, Abriil 30.

Waxaa muhim ah in la hubiyo in aad isu duwan galiso an aad codayso iyo in aad diwaan geliso ilaa hada —  si markaa aad u hesho warqada codbixinta sida ugu dhaqsaha badan.

Doorashadaan waxaa ku jira tartanno loo galaayo gudiyada waaxda dugsiyada maxaliga ah, gudiyadaha waaxaha kuleejka bulshada, Gudiga Adeegga Waxbarashada ee Degmada Multnomah iyo Clackamas, gudiyada waaxda dab damiska deegaannada miyiga ah, Gudiyada Waaxda Badqabka Daadka Magaallada iyo Tayada Biyaha, gudiyada wakaaladaha biyaha, iyo qodobo kasta oo ku jira qorshaha doorashada deegaanka.

Codbixiyayaasha Oregon ee cusub waxay isku diiwaan gelin karaan ruqsada darawalnimada, ama Aqoonsiga ayagoo galaaya oregonvotes.gov/register.

Codbixiyaasha aan haysan ruqsada darawalnimada (ama hayta mid dhacde) ee Oregon, ogolaanshaha ama aqoonsiga waa inay buuxiyaan Kaarka Diiwaan Gelinta Codbixiyaha Oregon oo warqad ah oo laga heli karo Xafiiska Boostada Mareykanka, goobaha Maktabadda Degmada Multnomah, iyo Dhismaha Doorashooyinka ee Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah.

Codbixiyaasha hadda ka diiwaan gashan waa inay hubiyaan in ciwanakooda iyo magacoodu ay saxan yihiin diiwaankooda diiwaan gelinta codbixiyaha. Codbixiyeyaashu waxa ay cusboonaysiin karaan maclumaadkooda si onlayn ah ayagoo booqanaya oregonvotes.gov/myvote ama adeegsanaya Kaarka Diiwaangalinta Codbixiyaha ee Oregon.

Cod bixiyayaasha aan garanaynin hadii ay isku duwaan geliyeen marka horeba waxay booqan karaan isla websaytka gobolka — oregonvotes.gov/myvote — si ay u ogaadaan.

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee waxay ka furmeysa Gresham laga bilaabo MAANTA

Laga bilaabo maanta, Xarunta Codbixinta Degdega xaga 600 N.E. 8th St. suuqa hoose ee Gresham waxay si rasmi ah furan tahay Maajo 20 Doorashada Gaarka ah ee Degmada. Xarunta Codbixinta Degdega waxaa la heli karaa maalin kasta oo shaqo laga bilaabo 8 subaxnimo ilaa 5 galabnimo.

Xaga Xarunta Codbixinta Degdega ah, oo ku taala gudaha Degmada Multnomah Dhismaha Bari, cod bixiyayaashu waxay ku soo celin karaa cod bixintooda ama waxay helaan cod bixin cusub si loo beddelo warqada cod bixinta la waayay ama waxyeeladu soo gaadhay.

Cod bixiyayaashu sidoo kale waxay cusboonaysiin karaan macluumaadkooda duwaan gelinta kahor inta ayna dhamaan mudada cod bixiyayaasha ee baritoole ku eegi. Kuwan naafada ah waxay heli karaan kaalmo, marka cod bixiyayaasha ku hadla luuqadda aan ahayn Ingiriisiga ay caawimo kal heli karaan luuqaddooda la door bidayo.

Shaqaalaha doorashooyinka ayaa sidoo kale diyaar u ah su'aalaha ama wixii kale ee taageero ah ee la xiriira doorashooyinka.

Saacadaha la kordhiyay ee kaalmada cod bixiyaha waxay bilaabmi doontaa Maajo 17.

Maadaama oo ay soo dhawaatay Maalinta Cod Bixintu, Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay bixin doontaa maalmaha fasaxa qaar iyo xataa habeenkii kaalmada cod bixiyaasaha ee Xarunta Cod Bixinta Degdega ee Gresham (600 N.E. 8th St.) iyo Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building oo ku taala Southeast Portland (1040 S.E. Morrison St.).

  • Sabti, Maajo 17: 10 subaxnimo-2 galabnimo
  • Isniin, Maajo 19: 8 subaxnimo-7 habeenimo
  • Maalinta Doorashada, Talaado, Maajo 20: 7 subaxnimo-8 habeenimo

Taageero ayay heli karaan cod bixiyayaasha qaba naafanimada oo ay ku heleyaan luuqada ay doonayaan cod bixiyayaashu.

Codbixiyaashu waxay marwalba wici karaan Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah waxayna codsan karaa caawimaada BILAASHKA ah ee codeynta iyo caawinada la xariirta doorashada. Kooxaha Caawinta Cod-bixiyayaasha ee Doorashooyinka waxay ku caawin karaan cod-bixiyaasha guriga, xarunta ay ku nool yihiin, ama mid ka mid ah labada koobood ee adeegga Doorashooyinka Degmada Multnomah, oo ku yaala midkood Koonfur-bari Portland ama Gresham.

Sharci ahaan, shaqaalaha ama wakiilada guud ma bixin karaan caawimaada dhinaca cod bixinta ah. Laakiin codbixiyaasha ayaa sidoo kale caawimaad waydiisan kara saaxiib, xubin kamid ah qoyska, ama qof kale oo ay yaqaanaan kuna kalsoon yihiin.

Codbixiyaashu sidoo kale waxay ku codsan karaan caawimo luqadda aay doorbidayaan. Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay leedahay shaqaale luuqado badan ku hadla.

Laanta Doorashooyinka ayaa sidoo kale siin karta turjubaan, lacag la'aan ah qof kasta oo deegaanka ah oo u baahan in laga caawiyo inuu ku codeyeo luuqad aan Ingiriisiga ahayn. Turjumista taleefanka ama hab muuqaalka ah ayaa lagu heli karaa luuqad kasta oo ay ku jirto Luuqad Ishaareedka Maraykanka (American Sign Language, ASL).

Macluumaadka warqadda codbixinta maqan

Codbixiyeyaasha ka maqnaan doona gurigooda maalinta doorashada ama wax ku dhow malinta doorashada waa inay codsadaan in waraaqda maqnaashaha codbixinta loogu soo diro cinwaankooda ku meel gaarka ah.

Codbixiyayashu waxay si toos ah iskaga diiwaan gelin karaan Dhismaha Doorashada Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah ama Xarunta Cod Bixinta Degdega ah.

Codbixiyaasha codsada warqadda codbixiyaha maqan waa inay buuxiyaan Codsiga Codbixiyaha Maqan, oo ku jira multco.us/absentee oo ay la socoto xogta dheeraadka ah. Codbixiyaasha ayaa sidoo kale iimeyl loogu diri karaa elections@multco.us ama wac (503) 988-VOTE (8683) si aad u hesho caawimaad dheeraad ah.

Adeega Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqaddo badan

Adeegayaga caanka ah ee Laanta Doorashooyinka Degmada Multnomah ee Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) waxaa lagu heli karaa luuqado badan! Codbixiyeyaashu waxay dooran karaan inay ku helaan fariimaha iyo wararka codbixinta luuqadaha Ingiriisi, Isbaanish, Ruush, Soomaali, Yukraaniyan, Fiitnaamiis ama Shiineys.

Fariin qoraal, iimeyl, ama fariimaha codka ah ayaa u sheegi doona codbixiyaasha marka warqadahooda codbixinta ay boostada yaalaan iyo hadhoow marka warqaddahooda lagu codeeyay la helo.

Fariimaha ayaa sidoo kale muujinaaya haddii warqaddaha codbixinta loo aqbalay tirinta ama haddii talaabo dheeri ah laga rabo codbixiyaha. Fariimaha "Warqadda Codaynta La Aqbalay" (Accepted Ballot) waxaa sidoo kale ku jira astaanta oonlaynka ah ee Oregon ee "Waan Codeeyay" (I Voted) oo aad ku baahin karto baraha bulshada.

Codbixiyeyaasha degmada Multnomah waxa ay ka furan karaan barta multnomah.ballot trax.net.

Doorashooyinka maxaliga ah waa muhiim — marka ‘Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO!’

Kahor waqtiga kama-dambaysta ah ee Maalinta Doorashooyinka ee 20-ka Maajo, Laanta Doorashooyinka ee Degmada Multnomah waxay ku boorinaysaa cod-bixiyeyaasha: Aan samayno qorshe si aan u CODEYNO! Liiska diiradda la saaray ee codeeyayaasha waxay marayaan shan talaabo si loo xaqiijiyo in codkooda la tiriyay:

  • Is duwaan Geli Si AAD U CODEEYSO!.
  • Hel warqadaada codaynta.
  • Ku CODEE warqadaada codaynta.
  • Soo celi warqadaada codaynta.
  • COD yeelo oo horseed isbadel.

Tirada Maalmaha Ka Hadhay Maalinta Doorashad ee Maajo 20, 2025

  • Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Gresham waxa ay furmaysaa: Isniinta, Abriil 28
  • Taariikhda Kama Danbeysta ah ee Diiwaangelinta Codbixiyaha: Talaadada, Abriil 29
  • Waraaqaha codbixinta waxaa loogu diri doonaa boostada cod-bixiyeyaasha: Arbacada, Abriil 30
  • Dhamaan codbixiyeyaashu waa inay helaan warqaddahooda codbixinta: Khamiista, Maajo 8
  • Maalinta Doorashada: Talaadada, Maajo 20
  • Natiijooyinka Doorashooyinka kama dambaysta ah waxaa loo sharciyaynayaa degmooyinka gaarka ah: Isniinta, Juun 16

Xafiiska guud:

Dhismaha Doorashooyinka Duniway-Lovejoy ee Degmada Multnomah

1040 S.E. Morrison St., Portland OR 97214

Goobta Gresham:

Furan Abriil 28-Maajo 20, 2025

Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah

600 N.E. 8th St., Gresham OR 97030

Taleefan: 503-988-VOTE (8683)

Iimayl: elections@multco.us

Wabseedka: multnomahvotes.gov

Last reviewed April 25, 2025