Waa maxay coddeynta Kala Horaysiinta Musharixiinta? | Ku coddee Warqada Codbinta RCV | Sida Waraaqaha RCV loo Tiriyo

Su'aalaha Badanaa la Iswaydiiyo (FAQs) ee coddeynta Kala Horeysiinta Musharixiinta | Macluumaadka Magaalada Portland iyo RCVKhayraadka iyo Xogta Daabacan


Waa maxay coddeynta Kala Horaysiinta Musharixiinta?

Wax ka oggow RCV waxa uu yahay iyo ababta looga dhaqan gelinayo Magaalada Portland iyo Multnomah

Waa maxay coddeynta Kala Horaysiinta Musharixiinta?

Coddeynta kala horeysiinta mushariinta waxaa weeye qaab cod bixin oo u sahlaya cod-bixiyeyaasha inay musharaxiinta darajo u kala siiyaan siday u kala doordbidayaan halkii ay dooran lahaayeen hal musharax oo kaliya. Habkani wuxuu sahlayaa in codkaaga loo tiriyo musharax kale haddii musharaxa aad doonaysay la reebo.
RCV waxaa loo isticmaali karaa in lagu doorto hal musharax (ikhtiyaarka coddeynta hereka hal kuulayste/single-winner ranked choice voting) ama waxaa lagu dooran karaa dhawr musharax isku wakhti (coddeynta Kala Horaysiinta Musharixiinta dhawr guulayste/multi-winner ranked choice voting).

Si aad xog dheeraad ah uga ogaato sida loogu calaamadiyo coddeynta kala horeysiinta musharixiinta coddeynta Warqada coddeynta ee RCV.

Maxaanu u isticmaalaynaa coddeynta kala horeysiinta musharixiinta?

Noofember 2022, coddeeyayaasha Magaalada Portland iyo Degmada Multnomah waxay ansixiyeen in lagu isticmaalo coddeynta doorashada darajada doorashada mustaqbalka.

  • coddeeyayaasha Magaalada Portland waxay ansixiyeen Talaabada 26-228, taas oo wax ka bedel ku samaynaysa cutubka magaalada ee waajininaya isticmaalka coddeynta doorashada darajada hal guulayste ee doorashada Duqada iyo Hantidhawrka iyo coddeynta doorashada la darajeeyay ee guulaystayaasha badan ee doorashada sadex xubnood oo Gobolka Deegaanka Magaala dah ee xogta dadka afarta degmo ee cusub ee la sameeyay.
  • Codbixyayaasha Degmada Multnomah waxay ansixiyeen Talaabada 26-232, oo wax ka bedeleysa cutubka degmada ee waajibinayay coddeynta doorashada la darajeeyay ee halka guulayste ee dhamaan saraakiisha la doortay ee Degmada.

Gorma ayay bilaabi doonaan codbixiyayaashu inay isticmaalaan coddeynta doorashada la darajeeyay?

  • Laga bilaabo Noofember 2024, coddeeyayaasha Magaalada Portland waxay isticmaali doonaan RCV si ay u doortaan Duqa, Hawtidhawrka, iyo 12 Xildhibaan oo Magaalada ah.
  • Laga bilaabo Noofember 2026, Codbixiyayaasha Degmada Multnomah waxay isticmaali doonaan RCV si ay u doortaan Gudooyinka Degmada, Gudida Degmada, Hantidhawrka, iyo Sarkaalka Bilayska.

Sidee ayuu u shaqeeyaa coddeynta doorashada la darajeeyay ee Magaalada Portland?

Noofember 5, 2024 Duqa iyo Hantidhawrku waxaa lagu dooran doonaa tartan magaalada oo dhan ah iyada oo la isticmaalayo coddeynta hal doorasho daro oo hal guulayste, iyada oo 12 xildhibaan ee Golaha Deegaanka (sadex degmadiiba/three per district) waxaa lagu dooran doonaa coddeynta doorashada la darajeeyay ee guulaystayaasha badan. 

Booqo  websaytka Magaalada Portland si aad wax badan uga ogato isticmaalka Magaalada ee coddeynta doorashada la darajeeyay, oo ay kamid yihiin Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada ee degmooyinka xildhibaanada badan.


Ku coddee Warqada Codbinta RCV

Wax ka oggow sida loo sumadeeyo warqadaada coddeynta doorashada la darajeeyay oo loo saxo khaladaadka.

Ku coddee Warqada Codbinta RCV

coddeynta kala horeysiinta mushariinta waxay isticmaalaan warqad coddeyn oo leh shax oo cod-bixiyeyaasha u oggolaanaya inay musharaxiinta darajo u kala siiyaan siday u kala doordbidayaan halkii ay dooran lahaayeen hal kaliya.

Sida loo buuxinayo warqadaada coddeynta

Haddii aad u coddeynayso tartanka guulaystaha kaliya (sida Duqa Portland/ such as Mayor of Portland) ama guulaystayaal badan (sida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Portland/ such as for Portland City Councilors), qaabka warqada coddeynta iyo talaabooyinka coddeyntu waa isku mid:

  • Buuxi hal goobaab oo ku taala qaybta Darajada 1 ee musharaxa aad dooranayso marka kowaad.
  • Haddii ay jirana musharax labaad oo darajada labaad aad siinayso, buuxi hal goobaab oo qaybta Darajada 2 ah ee musharaxaas.
  • Waxaa laguu ogol yahay in aad sidaa darajo u kala siiso ilaa lix musharax, laakiin waxa aad kaliya u coddeynaysaa hal mushahrax Haddii aad doonayso. Darajo siinta musharixiinta kale wax ma yeeleyso doorashada Darajada 1.
  • Si aad ugu qorto musharax, ku qor magaca musharaxa laynka lagu siiyay oo ku buuxi goobaabka darada aad ku dooranayso.

Ka eeg kartoonka si aad u ogaado sida loo buuxinayo warqadaada coddeynta

Kartoonka Dookha coddeynta Heerarka Leh 

Waxa aad ku barbarataa doorashadaada coddeynta barbarashada

Dhiibo codkaaga!

Ma khalad ayaad gashay warqadaada coddeynta? Waxba haka warwarin!

Haddii aad samayso khalad warqadaada coddeynta, waad sixi kartaa. Eeg tusaalayaasha hoose si aad u saxdo warqadaada coddeynta Haddii aad ku buuxisay wax ka badan hal goobaab qayb ah.

Waxaa muhiim ah in aad muujiso dookhaaga maadaama oo shaqaalaha doorashu ay eegi doonaan warqad kasta oo coddeyn ah oo ay xaqiijin doonaan in rabitaanka coddeeyaha la fahmo oo warqada coddeynta cida saxda ah loo tiriyo.

Haddii warqadaada coddeyntu ay waxyeelowdo ama khalad uu uimaado aan la sixin karin, waxa aad dalban kartaa bedelka warqada coddeynta. Fadlan xasuusnaw: Ma bedeli kartid codkaaga ama ma dalban kartid warqad coddeyn ah oo bedel ah marka aad ku diro boosta ama aad keento goobta coddeynta warqadaada coddeynta.


Sida Waraaqaha RCV loo Tiriyo

Wax ka oggow jaro siinta doorashada tartamayaasha ee loo tiriyo waxa ay natiijadu u eekaan doonto.

Sida Waraaqaha coddeynta RCV loo tiriyo

Tarmayaasha coddeynta doorashada darajaynta waxaa loo tiriyaa waraagyo.

  • Wareega kowaad ee tirinta, dhamaan dookhyda coddeynta ee kowaad ayaa la tiriyaa. Haddii mushaharaxu aanu helin tirada cod ee uu u baahan yahay si uu ku guulaysto, musharaxa ugu codadka yar ayaa ka bixi doona tartanka oo musharaxaad codadkiisa waxaa loo wareejin doonaa cida kale ee ikhtiyaarka labaad u ahayd codbixiyaha.
  • Haddii musharaxaaga kowaad uu tartanka ka baxo, codkaaga waxaa loo wareejin doonaa musharaxa labaad ee aad dooratay. Haddii musharaxaaga labaad  uu tartanka ka baxo, codkaaga waxaa loo wareejin doonaa musharaxa sadexaad ee aad dooratay. Nidaamka ayaa sidaa u socona ilaa tirada musharixiinta ee saxda ah ay helo codadka si ay u guulaysto.

Qaabka xogta loo habaynayaa waxoogaa ayay ka duwan tahay guulaystaha kaliya )sida Duqa iyo Hantidhawrka Portlan iyo Doorashada Saraakiisha Degmada Multnomah/ such as for Mayor and Auditor of Portland and for Multnomah County Elected Officials) oo tartamayaal guulaystayaal badan ah (sida Golaha Deegaanka Portland/such as for Portland City Council). 

Labada nooc ee doorashada tirada codadka loogu baahan yahay in lagu guulaysto, oo loo yaqaan qaabka doorashada, oo waxaa lagu go'aamiyaa isku qaacido: 

Wadarta tirada codadka ee la heley ÷ Tirada kuraska ee la xareeyay + 1

  • Mar uu yahay hal kuri booska banaani, waxay ka dhigan tahay in musharaxa ay tahay in uu helo wax ka badan 50% codadka. Marka musharaxu uu helo wax ka badan 50% codadka, shaxda habayntu way dhamaanaysaa.
  • Marka sadex kursi ay banaan yihiin (sida Golaha Deegaanka Magaalada Portland/ such as for Portland City Council, musharaxu waa inuu helo wax ka badan 25% codadka. Marka uu musharaxu uu helo wax ka badan 25% codadka, shaxda habayntu way sii socon doontaa si loo buuxiyo kursiga labaad. Haddii musharax uu helo wax ka badan 25% + 1 cod, qayb cod kasta oo loogu diray musharaxaas waxaa la siin doonaa doorashada labaad ee warqaaha coddeynta ku yaala. Marka sadexda musharax ay gaadhaan wax ka badan 25% codadka, shaxda habayntu way dhamaan doontaa.

Ma doonaysaa inaad xog dheeraad ah ka ogaato?

Wixii jajabinta ah tartamayaasha doorashada la darajeeyay ee guulaystaha kaliya waa tiriyaa, ka daawo doorashada darajaynta fiidyawga hoose.

Wixii jajabin ah ee sida tartamayaal doorasho la darajeeyay oo dhawr ruux ku guulaysanayaan waa la tiriyaa, ka eeg  fiidyawgan YouTube-ka.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan tartamayaasha guulaystaha kaliya ama badan ee la tiriyay Magaalada Portland, booqo  websaytka Magaalada Portland.


Su'aalaha Badanaa la Iswaydiiyo (FAQs) ee coddeynta Kala Horeysiinta Musharixiinta

Jawaabaha su'aalaha badanaa la iska waydiiyo RCV.

Dookha coddeynta Heerarka Leh: Su'aalaha Badanaa La Iska Waydiiyo (Frequently Asked Questions, FAQs)

Waa maxay coddeynta doorashada heerku?

  • coddeynta kala horeysiinta mushariinta (RCV) waxaa weeye qaab cod bixin oo u sahlaya cod-bixiyeyaasha inay musharaxiinta darajo u kala siiyaan siday u kala doordbidayaan halkii ay dooran lahaayeen hal musharax oo kaliya. Habkani wuxuu sahlayaa in codkaaga loo tiriyo musharax kale haddii musharaxa aad doonaysay la reebo.
  • RCV waxaa loo isticmaali karaa in lagu doorto hal musharax (ikhtiyaarka coddeynta hereka hal kuulayste/single-winner ranked choice voting) ama waxaa lagu dooran karaa dhawr musharax isku wakhti (coddeynta Kala Horaysiinta Musharixiinta dhawr guulayste/multi-winner ranked choice voting).

Ka eeg Waa maxay coddeynta Doorashada Darajada Leh  wixii macluumaad dheeraad ah.

Imisa musharax ayaan u samayn karaa darajo?

  • Waxaa jiri doonaa meel loo baneeyay ilaa lix musharax in darajo loogu sameeyo warqadaada coddeynta. Waxa aad darajo u samayn kartaa kaliya hal ama ilaa lix. Inaad darajo u samayso musharixiin dheeraad ah waxba ma yeelayso fursadaha musharaxaaga kowaad.

Miyaa codkayga la tirin doonaa Haddii aan kaliya darajo u sameeyo hal?

  • Haa, waxa aad u coddeyn kartaa oo kaliya musharaaga 1aad. Darajo u samaynta lixda doorasho ee kala duwan ee xafiis walba waa ikhtiyaar oo inaad darajo u samayso musharixiin dheeraad ah waxba ma heeleyso musharaaga 1aad. 

Miyaan siin karaa dhawr musharax isku darajo?

  • Haku buuxin kwax ka badan hal darajo meeshii darajoba warqadaada coddeynta. 
  • Haddii aad ku buuxiso goobaabta dhawr musharax qaybta darada-tusaala ahaan, inaad ku qorto laba mushaharx doorashadaada 1aad - tan waxaa loo yaqaan coddeyn dheeraad ah. coddeyntaada dheeraadka ah si toos ah ayaa looga boodayaa nidaamka habaynta oo waxaa la qaban doonaa oo kor loosoo qaadi doonaa darajada xigta inay gasho meesha coddeynta dheeraadka ah. 

Ma ku qori karaa hal musharax dhawr darajo Haddii aan doonayo inuu guulaysto?

  • Kuma qori kartid wax ka badan hal goobaab musharax kaliya warqadaada coddeynta. Haddii aad siiso dhawr darajo musharax kaliya - tusaale ahaan darajada 1, 2, iyo 3 - waxba uma tarayso. 
  • Kaliya daraja kowaad ee aad siisay musharaxaas ayaa la aqbalayaa oo mid kasta oo darajooyinka hoose ee isku musharax ah waa la iska dhaafayaa sidii iyaga oo banaan oo kale. 

Ma in aan siiyaa darajo musharixiinta aanan doonaynin?

  • Khasab kuguma aha inaad darajo siiso musharixiinta aanad taageerin. Darajaynta ilaa 6 mushaharax ee kala duwan ee tartame kasta waa ikhtiyaar.

Haddii aan darajo siiyo musharax kale, miyay saamaynaysaa musharaxayga kowaad?

  • Inaad dhawr mushahrax siiso darajo ma saamaynayso fursad inuu guulaysto musharaxaaga 1aadi. Doorashooyinkaaga 2aad, 3aad iyo wixii la hal maala waxaa kaliya la tirin doonaa Haddii musharaxaaga 1aad laga badiyo. Darajo siinta dhawr musharax waxa uu u ogolaan doonaa coddeeyayaasha waxay weli dooran doonaan cida la doorayo, xataa Haddii dookhooda kowaad aanu guulaysan. 

Sidee ayaan ugu coddeyn karaa musharax qoran?

  • Si aad ugu coddeyso cid aanay ku qornayn magaceedu warqada coddeynta, ku qor magaciisa laynta "Ku qorista" oo ku buuxi jarada goobaabta cida aad qortay.

Maadaama oo aan ilaa 6 musharax siin karo darajo, ma waxay ka dhigan tahay in aan lix cod leeyahay?

  • coddeyntaada darajada doorashada leh, waxa aad heli leedahay ayay ka dhigan tahay hal cod. Darajooyinkaaga 2aad, 3aad iyo wixii la hal maala waxaa weeye doorasho muus danbeed ah. Waxaa kaliya la tirinayaa Haddii musharaxaaga 1aad laga guulaysto, tartanka dadka badan ay ku guulaysanayaan, Haddii musharaxaaga doorashada kowaad musharaxa ahi uu helo codad ka badan inta looga baahan yahay guushiisa.

Maxaan samaynayaa Haddii aan khalad sameeyo warqadayda coddeynta?

  • Haddii aad samayso khalad warqadaada coddeynta, waad sixi kartaa. Eeg tusaalayaasha hoose si aad u saxdo warqadaada coddeynta Haddii aad ku buuxisay wax ka badan hal goobaab qayb ah. 
  • Waxaa muhiim ah in aad muujiso dookhaaga maadaama oo shaqaalaha doorashu ay eegi doonaan warqad kasta oo coddeyn ah oo ay xaqiijin doonaan in rabitaanka coddeeyaha la fahmo oo warqada coddeynta cida saxda ah loo tiriyo.
  • Haddii warqadaada coddeyntu ay waxyeelowdo ama khalad uu uimaado aan la sixin karin, waxa aad dalban kartaa bedelka warqada coddeynta. Fadlan oggow: Ma bedeli kartid codkaaga ama ma dalban kartid warqad coddeyn ah oo bedel ah marka aad ku diro boosta ama aad keento goobta coddeynta warqadaada coddeynta.

Xafiisyadee ayaa la doortay iyada oo la isticmaalayo coddeynta doorashada darajada leh?

  • Doorashada Guud ee Noofember 2024, dhamaan tartamayaasha waxay isticmaali doonaan coddeynta doorashada darajada leh, waxaa kamid ah, Duqa Portland, Hantidhawrka, iyo boosaska Golaha Deegaanka 12.
  • Laga bilaabo Noofember 2026, Codbixiyayaasha Degmada Multnomah waxay sidoo kale isticmaali doonaan coddeynta doorashada darajada si ay u doortaan saraakiisha soo socda: Gudooyinka Degmada, Gudida Degmada, Hantidhawrka, Sarkaalka Bilayska.

Sidee codadka loogu tirinayaa coddeynta doorashada la darajeeyay?

  • Tarmayaasha coddeynta doorashada darajaynta waxaa loo tiriyaa waraaeg ahaan. 
  • Wareega 1 ee tirinta codadka, dhamaan darajooyinka 1aad ee codadka ayaa la tirin doonaa. Haddii mushaharaxu aanu helin tirada cod ee uu u baahan yahay si uu ku guulaysto, musharaxa ugu codadka yar ayaa ka bixi doona tartanka oo musharaxaad codadkiisa waxaa loo wareejin doonaa cida kale ee ikhtiyaarka labaad u ahayd codbixiyaha. 
  • Haddii musharaxaaga 1aad uu tartanka ka baxo, codkaaga waxaa loo wareejin doonaa musharaxa 2aad ee aad dooratay. Haddii musharaxaaga 2aad uu tartanka ka baxo, codkaaga waxaa loo wareejin doonaa musharaxa 3aad ee aad dooratay. Nidaamka ayaa sidaa u socona ilaa tirada musharixiinta ee saxda ah ay helo codadka si ay u guulaysto.
  • Habaynta ayaa waxoogaa kala duwan tartanka ruuxa kali lagu dooranayo iyo ka musharxiin badan lagu dooranayo. 

Eeg Sida Codadka RCV Loo Tirinayo wixii macluumaad dheeraad ah

Maxaa kale oo coddeynta doorashada darajaynta loo isticmaali doonaa?

  • Dhawr magaalo, degmooyin, iyo gobol oo Maraykanka ah ayaa isticmaala coddeynta doorashada darajabaynta guulaystaha kowaad, waxaa kamid ah: New York City, San Francisco, Minneapolis, Boulder, CO iyo gobolada Alaska iyo Maine.
  • Dhawr magaalo iyo degmooyin Maraykanka ah ayaa sidoo kale isticmaala coddeynta doorashada la darajeeyay ee dhawrka musharax ku guulaysanayaan si loogu doorto musharixiinta, waxaa kamid ah: Minneapolis, Arlington, VA iyo Cambridge, MA.

Macluumaadka Magaalada Portland iyo RCV

Macluumaadka coddeynta Doorashada Darajaynta ee Magaalada Portland

Macluumaadka coddeynta Doorashada Darajaynta ee Magaalada Portland

Booqo websaytka Magaalada Portland wixii faahfaahin ah ee ku saabsan coddeynta doorashada darajaynta ee saraakiisha la doortay ee Portland, tilmaamaha rabitaanka codbixiyaha, macluumaad ku saabsan xogta dadka farta degmo ee cusub ee magaalada, iyo waxkale oo badan. 

Websaytka coddeynta Magaalada Portland


Khayraadka iyo Xogta Daabacan

Khayraadka iyo Xogta Daabacan ee coddeynta Doorashada Darajaynta

Khayraadka iyo Xogta Daabacan

Fiidyawyo, waraaqo macluumaad, buugaag, iyo waxbarashada coddeynta magaalad au gaar ah ee la wadaago ee bulshooyinkaaga. 

Fiidyaw Waxbarasho

Degmada Multnomah waxay soo saartay fiidyawyo xogta codbixiyayaasha ah oo ku saabsan coddeynta doorashada darajaynta. Waxaa jira fiidyaw dheer (~4 daqiiqo/~4 minutes) oo sharaxa shaxda habaynta ee tartanka guulaystaha kaliya iyo fiidyaw gaaban (~1 daqiiqo/~1 minute) oo lagu baahin karo baraha bulshada. Labada nuqul ee fiidyawyada waxaa lagu heleyaa Ingiriisi, Isbaanish, Fiitnaamiis, Jayniis La Fududeyay, Yukrayni, Ruush, iyo Soomaali. 

Ka daawo dhamaan nuqulada fiidyawyada halkan (linkigu waa banaanka)

Rose City Reform, hay'ad deegaan oo aan taageero xoogan oo xisbi ahayn, ayaa sameeyay fiidyawga sharaxa sida shaxda habaynta u shaqayso coddeynta darajaynta dhawr mushahax ay ku guulaysanayaan (sidookale loo yaqaan coddeynta la xawili karo/ also known as single transferable vote).

Daawo Rose City Reform (linkigu waa banaanka)

Kartoon Waxbarasho

Soo dejiyo kartoonka Degmada Multinomah ee muuijinaya sida loo buuxinayo warqada coddeynta doorashada darajaynta. 

 Kartoonka Dookha coddeynta Heerarka Leh (1.63 MB)

Soo dejiso kartoonka Magaalada Portland ee hsaraxa foomka cusub ee ldawlada iyo sida coddeynta doorashada darajaynta loo isticmaali doono.

Kartoonka Kala Guurka Magaalada Portland (pdf)

Buug Midabayn

Wax ka oggow sida loogu coddeeyo boosta oo loo buuxiyo warqada coddeynta RCV iyada oo la midabaynayo! 

 Buuga Midabaynta coddeynta Doorashada La Darajeeyay (11.38 MB)

Xog dheeraad ah oo ka socoto Magaalada Portland

Booqo websaytka Magaalada Portland wixii buugaag dheeraad ah iyo macluumaadka ku saabsan coddeynta doorashada darajaynta ee codbixiyayaasha Portland.