$75,000 La heli karo | La is guddoonsiinayo: $2,000 – $10,000 midkiiba
Taariikhda
Bishii Diisambar sanadkii 2025-ka, Guddiga Maamulka ee Degaanka Multnomah ayaa ansixisay Wax ka beddelka Miisaaniyadda-002-26, iyada oo la qoondeynayo $75,000 oo ah maalgelin hal mar oo kaliya la isa siinayo si loo taageero ururada bulshada ee aan hadda qandaraaska la lahayn Degaanka. Fursad maalgelineed, oo loo yaqaan Multnomah Sanctuary Fund, waxaa loogu talagalay in wax lagaga qabato baahiyaha gaarka ah ee dadka aan sida fiican adeega u helin, kooxaha leh dhaqan u gaar ah ee ay saameynta ku yeesheen hawlaha fulinta sharciga socdaalka ee federaalka. Barnaamijku wuxuu mudnaanta siinayaa wax qaybinta loo siman yahay ee guud ahaan bulshooyinka luqadaha, qowmiyadaha iyo dhaqanka kala duwan leh, gaar ahaan kuwa aan dhawaan helin maalgelin degdeg ah oo la mid ah kuwa dowladda.
Nidaamka waxaa maamula Xafiiska Maamulaha Madaxa Sare ee Dhaqaalaha (CFO), oo waafaqsan siyaasadaha Degaanka ee caddaalada iyo daahfurnaanta. Wuxuu adeegsadaa nidaamka wax helitaanka ‘procurement’ lagu tartamo ee Degaanka Multnomah.
Ayay Tahay in ay Codsadaan?
Codsadayaasha u qalmaa waa ururada ku saleysan bulshada oo la shaqeeya dadka aan sida fiican adeega u helin iyo kooxaha leh dhaqan u gaar ah ee ay saameynta ku yeelatay fulinta sharciga socdaalku. Maalgelinta Degaanka ee la isku guddoonsiiyo fursadan waxaa loo isticmaali karaa in lagu taageero adeegyada sida taageerada dhanka sharciga, taageerada utility-ga/ijaarka, daryeelka carruurta, maamulka kiiska, daryeelka caafimaad, iyo baahiyaha la xiriira. Hay’adaha u qalmaa qandaraas hadda jira oo firfircoon lama yeelan karaan Degaanka Multnomah. Ururada daneynayaa waa in ay codsadaan iyaga oo adeegsanaya portal-ka internet-ka ee wax laga helo ‘procurement’ ee Degaanka, Multco Marketplace.
Taariikho Muhiim ah
- Codsiyadu waxay ka furmayaan Multco Marketplace (MMP): Muddo ku beegan ama qiyaastii: Janaayo 30, 2026-ka
- Waqtiga loo qabtay codsiga: Febraayo 18, 2026-ka
- Maalgelinta oo dhan waa in la kharash gareeyaa: Juun 30, 2026-ka (muddo kordhin ayaa suurtagal ah kiisas xaddidan)
- Warbixinada kama dambeysta ah ayaa ku beegan: Luulyo 31, 2026-ka (ama 30 maalmood ka dib muddo kordhin kasta)
Sida loo codsado: Tilmaamo si Tallaabo-Tallaabo ah loo raacayo
- Iskaga diiwaangeli Wax bixiye ‘Supplier’ ahaan Multco Marketplace (MMP)
Dhammaan codsadayaashu waa in ay sameeyaan profile-ka Wax bixiyaha ‘Supplier’ Degaanka Multnomah si ay galaan oo u gudbiyaan codsiyada. Tan waxaa looga baahan yahay fiirinta ku dhawaaqida deeqda iyo macluumaadka loo baahan yahay si loo tixgeliyo, iyo sidoo kale si loo codsado.- Bilow adiga oo codsanaya meesha laga sii gelayo ‘link’ diiwaangelinta wax bixiyaha ‘supplier’: Isticmaal meeshan la sii geliyo ‘link’ (multco.us/info/mmp-supplier-access-request-form) si aad u codsato gelitaanka Multco Marketplace.
- Dokumentiyada loo baahan yahay: Kaliya foomka W-9 ee hadda ee ururkaagu leeyahay ayaa looga baahan yahay diiwaangelinta bilowga ah (dokumentiyo kale ayaa loo baahan doonaa waqti dambe haddii ururkaaga lacago la guddoonsiiyo).
- Ma u baahan tahay taageero? Haddii aad u baahan yahay caawimaad la xiriirta is diiwaangelinta (tusaale ahaan, arrimaha dhanka farsamada ama soo dejinta dokumentiyada), la xiriir shaqaalaha wax helitaanka ‘procurement’ ee Degaanka. Macluumaadka la iskala soo xiriirayo ayaa laga heli karaa xagga hoose ee boggan.
- Talooyin: Waqti hore bilow is diiwaangelinta — qabashada hawshu waxay qaadan kartaa waqti. Tallaabadan u horreysa waxaa la dhammeystiri karaa ka hor inta aan la furin deeqda Janaayo 30. Macluumaadka tilmaamaha iyo fiidiyowga caawimaada diiwaangelinta ayaa sidoo kale la heli karaa marka aad gasho portal-ka.
- Gal Codsiga
Codsiga iyo tilmaamaha deeqda Multnomah Sanctuary Fund ayaa la soo gelin doonaa Multco Marketplace qiyaastii Janaayo 30, 2026-ka.- Multco Marketplace ma soo bandhigi doono noocyo la turjumay oo ah tilmaamaha deeqda oo dhammeystiran Si kastaba ha ahaatee, turjumaadaha tilmaamaha deeqda oo ah Isbaanish, Soomaali, Chinese, Af-Ruushka, Ukrainian iyo Vietnamese ayaa la heli doonaa inta lagu jiro dadaalada wacyigelinta ka dib marka codsigu ka furmo MMP. Si aad si toos ah ugu codsato nooc la turjumay oo ah tilmaamaha deeqda, fadlan la xiriir patricia.bride@multco.us.
- Buuxi oo Gudbi Codsigaaga
Buuxi oo gudbi codsigaaga adiga oo adeegsanaya Multco Marketplace marka la gaaro Febraayo 18, 2026-ka. Codsiyada waxaa qiimeyn doona Guddiga Dib u eegista iyada oo isticmaalaysa shuruud dejisan oo lagu tilmaamay hagaha. Guddigu waxay xaqiijinaysaa wax qaybinta maalgelinta oo loo siman yahay ee guud ahaan bulshooyinka aan si fiican adeega u helin (tusaale, kala duwanaanshaha luqaddeed/qowmiyaddeed leh sida ku cad qorshaha ee Title VI ee Degaanka), iyada oo mudnaanta la siinayo soo jeedinta qiimeynta dhibcaha sare leh. - Talooyin: Waxay noqon kartaa mid waxtar leh in aad dokumenti gooni ah ku sii diyaariso jawaabahaaga ku aadan su’aalaha, ka dibna aad nuqul ka sameyso oo aad geliso portal-ka. Xusuusnow in aad hubiso tirada erayada la qorayo!
- Haddii Wax la is guddoonsiiyo ‘Awarded’
- Maamulaha Madaxa Sare ee Dhaqaalaha ee Degaanka Multnomah ayaa qiimeynta dhibcaha ee Guddiga Dib-u-eegista u isticmaali doona isku wargelinta go’aankooda kama dambeysta ah ee wax is guddoonsiinta ‘award’.
- Dokumentiyo dheeraad ah ayaa loo baahan yahay ka hor gelitaanka qandaraas. Degaanku wuxuu ku soo wargelin doonaa ururkaaga xaalada waxa la is guddoonsiinayo ‘award’ iyo wixii dokumentiyo ah ee la iskaga baahan yahay.
- Maalgelinta lama sii deyn doono ilaa gelitaanka qandaraasku ka dhammeystirmayo. Maalgelinta waxaa loo qaybiyaa sida ugu habboon ee ugu macquulsan iyada oo lala kaashanayo ururka wax la guddoonsiiyay ‘awarded’.
- Deeq helayaashu waa in ay soo gudbiyaan warbixinta kama dambeysta oo faahfaahinaysa guulaha, casharrada la bartay, kharashyada, iyo saameynta (tusaale, tirada ka qayb qaatayaasha). Tusaalaha warbixinta ayaa la bixiyay.
Su’aalaha?
Wixii su’aalo ah ee la xiriira nidaamka, fadlan la xiriir Patricia Bride, Khabiirka Sare ee Qandaraaska, oo laga helo patricia.bride@multco.us ama 971-469-3713.
Dhammaan su’aalaha inta lagu jiro muddada codsiga furan waxaa lagu hagaajin doonaa Khabiirka Qandaraaska ee loo xilsaaray si uu uga jawaabo.
Tani waa fursad la fududeeyay, oo diiradda lagu saarayo bulshada si loo taageero kuwa ay saameysay inta badan. Waxaan ku dhiirigelinaynaa ururada u qalma in ay si dhakhso ah iskaga diiwaangeliyaan MMP oo codsadaan!