Shaacin degdeg ah: Arbaco, Sebtembar 9, 2026
WAR-SAXAAFADEED: U dabaaldeg Maalinta Qaranka ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 15ka Sebtembar adigoo samaysanaya qorshe aad CODKAAGA KU dhiibanayso!
Codbixinta boostada lagu diro weli waa hab ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo
Degmada Multnomah, Oregon. (Sebtembar 9, 2026) — Talaadada, Sebtembar 15, Doorashooyinka Degmada Multnomah iyo xubnaha bulshada ee ku nool Degmada, Oregon iyo Maraykanka oo dhan waxay u dabaal degi doonaan Maalinta Qaran ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Maalintan qaran ee aan dhinacyada xisbi siyaasadeed ku salaysnayn waxaa loogu talagalay in la hubiyo in codbixiye kasta oo u qalma uu helo fursad uu isku diiwaangeliyo codbixinta ama uu cusboonaysiiyo diiwaangelintiisa, isla markaana uu helo macluumaad lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan habka codbixinta
Marka la joogo Oregon, Maalinta Qaranka ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha sidoo kale waa fursad lagu xuso nidaamkeenna Habka Codbixinta Boostada Lagu diro iyadoo la isu diyaarinayo doorashada guud ee dhici doonta Nofeembar 3, 2026.
Codbixinta boostada lagu diro — iyadoo waraaqaha codbixinta loo soo diro codbixiyayaasha, kuwaas oo markaas boostada ugu soo celin kara hab bilaash ah ama ku soo gudbin kara tobannaan goobood oo Degmada ku yaal oo la ansixiyay oo ammaan ah oo lagu soo gudbiyo waraaqaha codbixinta — weli waa hab ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.
Doorashada dhici doonta Nofeembar 3 waxay ka koobnaan doontaa tartamo loo galo xilalka federaalka iyo kuwa gobolka — oo ay ku jiraan Golaha Congress-ka Maraykanka, Golaha Sharci dejinta Gobolka Oregon iyo Guddoomiyaha Gobolka. Waxa kale oo jiri doona tartamo maxalli ah oo loogu jiro xilalka Guddoomiyaha Degmada Multnomah, Golaha Komishanarrada Degmada, Hantidhawraha, Taliyaha Sheriff-ka, iyo Xildhibaanka Golaha Magaalada Portland iyo Hantidhawraha.
Markii ugu horreysay, codbixiyayaasha Degmada Multnomah waxay adeegsan doonaan nidaamka codbixinta kala horraysiinta musharraxiinta si ay u doortaan musharraxiinta Degmada. Magaalada Portland waxay balowday inay isticmaasho nidaamka codbixinta kala horraysiinta musharraxiinta tartamada musharraxiinta bishii Nofeembar 2024.
Waqtiga kama dambaysta ah ee isdiiwaangelinta doorashada Nofeembar 3 waa Talaadada, Oktoobar 13, 2026. Doorashooyinka Degmada Multnomah waxay waraaqaha codbixinta ugu soo diro codbixiyayaasha boostada laga bilaabo Oktoobar 14.
Samayso qorshe aad ku codaynayso adigoo:
- Eegaya xaaladda diiwaangelintaada codbixiye oo xaqiijinaya in macluumaadkaagu yahay mid cusub adigoo booqanaya oregonvotes.gov. Codbixiyayaashu waa inay cusboonaysiiyaan diiwaangelintooda codbixiye mar kasta oo ay guuraan ama ay beddelaan cinwaanka ay deggan yihiin ama cinwaanka boostada, magaca iyo/ama ku xirnaanshaha xisbi siyaasadeed.
- Iska diiwaangelinaya Lasoco Warqadaada Codaynta (Track Your Ballot) si aad ogeysiisyo ugu hesho farriin qoraal ah, telefoon ama iimayl. Qaabkaas ayaad si sax ah ugu ogaan doontaa marka warqadda codbixinta laguu soo diro. Kadib marka aad soo celiso warqadda codbixinta, waxaa sidoo kale lagugu wargelin doonaa marka xafiiska doorashooyinka ee Degmadaadu helo oo uu aqbalo in lagu daro tirinta codka. Iska diiwaangeli multnomah.ballottrax.netsi aad adeegan uga hesho gudaha Degmada Multnomah.
- Baranaya nidaamka Oregon ee Codbixinta Boostada Lagu diro ee lagu kalsoonaan karo, saxda ah, fudud oo ammaanka ah. Qorshee goorta aad heli doonto warqadda codbixinta, goorta iyo meesha aad ka codayn doonto, iyo sida aad u soo celin doonto warqadda codbixinta. Waraaqaha codbixinta ee la dhiibtay waa in boostada lagu diro iyadoo leh calaamad boosto oo ansax ah ama lagu soo celiyo Goobta Rasmiga ah ee Lagu Soo Gudbiyo Waraaqaha Codbixinta ugu dambayn 8-da fiidnimo Maalinta Doorashada, Talaadada, Nofeembar 3, 2026.
Shaqaalaha doorashooyinka ee degmada waxay sameeyaan dadaallo badan si ay u ilaaliyaan hufnaanta, saxnaanta iyo amniga habka doorashada. Dadaalladan waxaa ka mid ah fursado ay xubnaha bulshadu si shaqsi ah ula socon karaan shaqaalaha iyagoo gudanaya waajibaadkooda, taas oo gacan ka geysanaysa muujinta hufnaanta iyo kalsoonida lagu qabo natiijooyinka doorashada.
Mas'uuliyiinta doorashooyinka ee degmada waa ilo lagu kalsoonaan karo oo laga heli karo macluumaad sax ah oo ku saabsan hababka doorashada. Waxaan diyaar u nahay inaan qabanno Doorashada Guud ee Bisha Nofeembar oo aan tirinno codkaaga!
Tirinta maalmaha ka harsan Maalinta Doorashada: Nofeembar 3, 2026
- Maalinta Qaranka ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha: Sebtembar 15
- Waraaqaha codbixinta ee ciidamada/muwaadiniinta dibadda jooga ayaa la dirayaa: Sebtembar 18
- Waraaqaha codbixinta ee codbixiyayaasha jooga meel ka baxsan gobolka ayaa la dirayaa: Oktoobar 5
- Xarunta Codbixinta Degdeg ee Gresham ayaa furmaya: Oktoobar 8
- Waqtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyaha: Oktoobar 13
- Waraaqaha codbixinta ayaa bilaabaya in loo diro codbixiyayaasha: Oktoobar 14
- Dhammaan codbixiyayaashu waa inay heleen waraaqahooda codbixinta: Oktoobar 22
- Maalinta ugu dambaysa ee si ammaan ah boostada loogu diri karo waraaqaha codbixinta: Oktoobar 27
- Maalinta Doorashada iyo waqtiga kama dambaysta ah ee lagu soo gudbinayo waraaqaha codbixinta: Nofeembar 3
- Natiijooyinka kama dambaysta ah ee doorashada ayaa si rasmi ah loo xaqiijinayaa: Nofeembar 30
Xafiiska Guud:
Dhismaha Doorashooyiinka ee Degmada Multnomah Duniway-Lovejoy
1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214
Goobta Gresham:
Furmaysa Oktoobar 8 ilaa Nofeembar 3, 2026
Xarunta Codbixinta Degdeg ah ee ku talaa Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah
600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030
Taleefanka: 503-988-VOTE (8683)
Iimaylka: elections@multco.us
Websaydka: multnomahvotes.gov
###