Deeqda Waxbarashada Habraaca Cod-bixinta ee Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ee 2026 - Somali

Fursad deeqeed lagu taageerayo waxbarashada habka cod-bixinta ee codbixiyeyaasha ee bulshada ku saleysan ee ku saabsan codbixinta doorashada ku aadan kala sarreeysiinta musharixiinta ee Bariga Degmada

Deeqda Waxbarashada Habraaca Cod-bixinta ee Codbixiyeyaasha Degmada Multnomah ee 2026

Fursadda

Hirgelinta guulaysatay ee codbixinta doorashada ku aadan kala sarreeysiinta musharixiinta (ranked choice voting, RCV) ee Magaalada Portland ayaa wado u furtay in nidaamkan lagu hirgeliyo guud ahaan degmada oo dhan bisha Noofembar ee 2026. Si loo xaqiijiyo in dhammaan codbixiyeyaasha degmada ay diyaar u yihiin hab-codeyntaas, waxaa muhiim noqotay in la ballaariyo dadaallada waxbarasho ee Bariga Degmada Multnomah ee ka baxsan Magaalada Portland, halkaasoo codbixiyeyaashu aysan weli la kulmin codbixinta iyadoo la adeegsanayo habka waraaq cod-bixinta RCV.

Barnaamijka Deeq Lacageedka Waxbarashada Habka Cod-bixinta ee Codbixiyeyaasha ee Degmada Multnomah ee 2026 (The 2026 Multnomah County Voter Education Fund Grant Program) wuxuu ujeedkiisu yahay inuu awood siiyo ururada bulshada si ay u horumariyaan una fuliyaan hindisayaasha waxbarasho ee waxtarka leh ee ku saabsan RCV, kuwaas oo si gaar ah loogu habeeyay baahiyaha gaarka ah ee codbixiyeyaasha Bariga Degmada Multnomah.

Yoolalka Barnaamijka

  • Kordhinta Wacyigelinta: Kor u qaadida fahmida RCV ee deganayaasha Bariga Degmada Multnomah.
  • Dhisida Kalsoonida: Ku qalabeynta cod-bixiyayaasha aqoon iyo kalsooni ay ku dhiibtaan codkooda iyagoo adeegsanaya RCV.
  • Taageerida Waxbarashada Bulshada Lagu Dhex Bixiyo: Bixinta waxbarasho RCV oo ku habboon dhaqanka iyo luqadda iyadoo lala kaashanayo la-hawlgalayaasha bulshada.

Faahfaahinta Deeqda Barnaamijka

QeybtaFaahfaahinta
Maalgelinta La Heli Karo

$100,000 wadar ahaan. 

4-5 deeqo oo ah $20,000 ayaa lagu abaal-marin doonaa.

Muddada Deeqda

Maayo – Noofembar 2026 

  • Waxbarashada/Qorsheynta Qofka Helaya Deeqda:
    • Maayo–Juune
  • Waxbarashada/Wacyigelinta Cod-bixiyaha:
    • Luulyo–Noofembar
  • Soo Warbixinta/Soo Gabagabeynta:
    • Noofembar

Yaa codsan kara?

  • U-qalmidda: 501(c)(3) Ururada bulshada ka dhex jira ee u adeega deganayaasha Bariga Degmada Multnomah kuwaas oo ku nool meel ka baxsan Magaalada Portland.
  • Mudnaanta waxaa la siin doonaa ururada leh rikoor muujinaya waxtarka dadaallada bulshada iyo ka-qaybgalka dadyowga ay taariikh ahaan hoos ugu dhacday ka qeybgalida codbixinta, oo ay ku jiraan, laakiin aan ku xaddidnayn: dadka Madow, Kuwa Dhaladka Dhulka ah, Latiinka, Aasiyaanka iyoDadyowga Kasoo Jeeda Jasiiradaha Baasifigga, deganayaasha aan guriga lahayn/ama aan haysan hoy ay ku ammaan qabaan, deganayaasha leh dakhliga qoyska ee ka hooseeya kan celcelis ahaan dhexdhexaadka ah, deganayaasha luqadooda koowaad aysan ahayn Ingiriisiga, muwaadiniinta cusub, iyo codbixiyeyaasha da’doodu ka hooseyso 30.
  • Waayo Aragnimo Looma Baahna: Ururada uma baahna khibrad hore oo ku aadan hawlaha codbixinta ku aadan kala-sarreysiinta musharaxiinta ama waxbarashada codbixiyeyaasha si ay u codsadaan. Tababar dhammeystiran iyo agab waxbarasho ayaa la siin doonaa dhammaan ururada helaya deeqda iyada oo ay bixinayso Waaxda Doorashooyinka ee Degmada Multnomah.

Waa maxay noocyada hawlaha la maalgelin doono?

Ururada helaya deeqda waxay bixin doonaan waxbarasho iyo wacyigelin aan siyaasadaysnayn oo la beegsaday iyada oo loo marayo faafinta agabyada macluumaadka, munaasabadaha waxbarasho oo loo qabanaayo bulshada, iyo wacyigelin asaa-ilaa-asaaga ah. Hawlaha la maalgeliyo waxaa ka mid noqon kara:

  • Xiriir tooska ah oo lala yeesho codbixiyeyaasha (tusaale, wacyigelinta guri-ka-guriga ah, xarumaha ka caawinta dadka habka codbixinta).
  • Qaybinta agabyada waxbarashada codbixiyeyaasha ee daabacan iyo kuwa dhijitaalka ah.
  • Munaasabadaha waxbarasho ee bulshada lagu dhex qabanaayo oo fool-ka-fool ah.
  • Iimaylo loo diro xubnaha iyo boostiyo lagu daabaco warbaahinta bulshada.
  • Kalfadhiyada “Tababar Tababaraha” oo loo qabanaayo shaqaalaha iyo/ama mutadawiciinta aasaasiga ah ee ururka.
  • Fikradaha kale ee hal-abuurka ah ee loogu talagalay in lagu gaaro bulshadaada.

Shuruudaha Helayaasha Deeqda

  1. Tababar:  

    Dhammaan helayaasha deeqda waxaa looga baahan yahay in ay ugu yaraan hal wakiil u soo diraan tababar maalin dhan soconaya oo ku saabsan RCV iyo dhaqamada ugu wanaagsan ee waxbarashada codbixiyeyaasha markey tahay 26 Maayo, 2026.

  2. Wacyigelin la Cabiri Karo: 

    Helayaasha deeqda waa in ay awoodaan inay bixiyaan qorshe mashruuc oo si cad u muujinaya sida ay u gaari karaan ugu yaraan 5,000 codbixiye oo suurtagal ah oo jooga gudaha Bariga Degmada Multnomah iyaga oo siinaya macluumaad ku saabsan RCV. Tani waa inay ku jirtaa doorashooyin tijaabo ah waana in wacyigelinta la raad raaco lagana soo warbixiyaa bil walba.

  3. Soo Warbixinta Joogtada ah: 

    Helayaasha deeqda waxay la kulmi doonaan kooxda Doorashooyinka ee Degmada Multnomah bil kasta (Maayo–Noofembar) si ay u helaan warbixin kooban iyo taageero, waana in ay soo gudbiyaan warbixinta kama danbeysta ah bisha Noofembar 2026.

Hanaanka Codsiga

Ururada danaynaya waa inay soo gudbiyaan codsi deeq oo qeexaya khibradooda ku saabsan wacyigelinta bulshada, xiriirka ay la leeyihiin taageerayaashooda bartilmaameedka u ah, iyo fikradahooda ku saabsan qorshayaasha waxbarashada iyo wacyigelinta RCV.

Ka hor Inta Aadan Codsan

Codsiga Codsiyada Deeqda ayaa lagu soo bandhigi doonaa MultCo  Marketplace (MMP) markey tahay 2-da Febraayo, 2026. Si aad u gudbiso codsi, ururkaaga waa inuu uga diiwaan gashan yahay sidii alaab-qeybiye ahaan MMP. Haddii aadan horeyba uga diiwaan gashaneyn, waxaad gudbin kartaa foomka codsiga marin u helka alaab-qeybiyaha MMP. Fadlan ogsoonaw: Foomamka codsiga marin u helka waxay qaadan karaan ilaa saddex maalmood oo shaqo si loo habeeyo, sidaas darteed ha sugin daqiiqadii ugu dambaysay!

Taariikhda Codsiga ee Muhiimka ah

HawshaTaariikhda
Siideynta Codsiga Codsiyada DeeqdaFebraayo 2, 2026
Kalfadhiga Macluumaad-bixinta ee Fogaan Aragga Ku Dhacaya 

Febraayo 10, 2026 - 10:00 a.m.

Febraayo 11, 2026 - 2:00 p.m.

Wakhtiga Soo Gudbinta ee Kama Danbeyta ahMaarso 16, 2026 - 10:00 p.m.
Wargelinnada Abaalmarinta DeeqdaToddobaadka Abriil 6, 2026
Shaqo Kala Barida/Tabbabarka Deeq HelahaMaayo 26, 2026

 Fadlan u tixraac dhamaan su'aalaha Kristin Shorey at kristin.shorey@multco.us. 

Last reviewed December 8, 2025