Macluumaadka barnaamijka kaalmada ka bixinta biilasha cuntada, kirada iyo tamarta - SOMALI

Marin u helka adeegyada lagama maarmaanka ah sida Barnaamijka Kaalmada Nafaqada ee Dheeraadka ah (Supplemental Nutritional Assistance Program, SNAP) iyo mucaawinooyinka kale ee kaalmada ka bixinta bii

Maalgelinta federaalka ee SNAP iyo isbeddellada ku imaaday

Ma jiraan qorsheyaal lagu joojinayo dheefaha SNAP. SNAP si buuxda ayaa loo maalgeliyaa oo dheefahana ma geli doonaan wax carqaladeyn ah xitaa inta lagu jiro suurtagalnimada dhicitaanka dawlad xidhmashada ee mustaqbalka ka hor 30-ka Sebtembar, 2026. Ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan dheefaha SNAP ee Oregon halkan

Isbeddellada federaalka ee ku aadan shuruudaha u-qalmitaanka SNAP waxay dhaqan galeen 1-da Oktoobar, 2025. Haddii lacag-bixintaada dheeta ay ka yar tahay lacagihii hore ee aad heshayee aad ka heli jirta dheefta, waxaa suurtogal ah in u-qalmitaankaaga SNAP uu saameeyay isbeddellada ku imaaday barnaamijka federaalka.

Isbeddelladan waxay saameynayaan saddex kooxood oo waaweyn oo ka mid ah kaqeybgalayaasha barnaamijka SNAP:

  1. Qoysaska qaar ee hela kaalmada ka bixinta kharashyada adeegyada aasaasiga ah
  2. Dadka jidh ahaanta awooda leh ee da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 64 sano, iyaga oo aan ku haysan wax carruur oo ka yar 14 sano (gudaha kooxdooda SNAP)
  3. Qaar ka mid ah dadka SNAP qaata ee kujira xaalka qaxootinimo iyo magangelyo-doone hadda. Wax dheeraad ah ka baro shuruudaha cusub ee shaqo ee federaalka ee ku aadan dheefaha SNAP.

Wax dheeraad ah ka baro shuruudaha cusub ee shaqo ee federaalka ee ku aadan dheefaha SNAP.

Xaanshi Macluumaadeed Ay Ku Qoran Yihiin Isbeddellada SNAP: Somali 

Xaanshi Macluumaadeed Ay Ku Qoran Yihiin Shuruudaha Shaqada ee SNAP: Somali 

Wargellinada ka imaada Gobolka Oregon ee ku saabsan saameynta federaalka ay ku leedahay barnaamijyada caafimaadka iyo adeegyada bulshada ayaa laga heli karaa barta:

Isbeddellada kale ee SNAP

Shuruudaha Cusub ee Wareysiga ee Faa'iidooyinka Barnaamijka Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah (Supplemental Nutrition Assistance Program, SNAP) 

Laga bilaabo Juun 1, 2026, qof kasta oo codsanaya ama cusboonaysiinaya faa’iidooyinkiisa billaha ah ee Barnaamijka Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah (Supplemental Nutrition Assistance Program, SNAP) waa inuu dhammaystiraa wareysi. Tan waxaa ku jira qoysaskii hore aan looga baahnayn wareysi, sida kuwa ay: 

  • Dhammaan dadka waaweyn ay da'doodu tahay 60 sano ama ka weyn, ama ay leeyihiin naafo u qalanta sida waafaqsan xeerarka Barnaamijka Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah (Supplemental Nutrition Assistance Program, SNAP); iyo 
  • Qofna oo ka tirsan qoyska uusan helin dakhli ka yimaadda shaqo. 

Waxa aad hadda samayn karto: 

  • Hubi in Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (Oregon Department of Human Services, ODHS) ay hayso macluumaadkaaga xiriirka ee ugu dambeeyay. 
  • La soco waraaqaha boostada, iimayllada, farriimaha qoraalka, ama wicitaannada taleefanka ee ka imanaya Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (Oregon Department of Human Services, ODHS) ee ku saabsan wareysigaaga. 
  • Ka jawaab farriimaha Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (Oregon Department of Human Services, ODHS) si aad uga fogaato dib u dhac ku yimaadda codsigaaga ama helitaanka faa’iidooyinkaaga. Waxaad Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (Oregon Department of Human Services, ODHS) kula xiriiri kartaa onlayn adigoo isticmaalaya koontadaada ONE Online, taleefan adigoo wacaya 800-699-9075 ama si toos ah adigoo booqanaya xafiiska faa’iidooyinka ee Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (Oregon Department of Human Services, ODHS) ee deegaankaaga.  

Haddii aad u malaynayso in faa’iidooyinkaaga Barnaamijka Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah (Supplemental Nutrition Assistance Program, SNAP) si khalad ah loo diiday ama loo joojiyay, waxaad xaq u leedahay inaad codsato dhageysi maamul (administrative hearing). Waxaad codsan kartaa dhageysi maamul (administrative hearing) adigoo taleefan ku codsanaya, si toos ah ula xiriiraya shaqaale ka tirsan Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (Oregon Department of Human Services, ODHS), qoraal ahaan, ama adigoo buuxinaya foomka MSC 0443.  

Mas’uuliyadda Dadweynaha 

Siyaasadda Federaalka ee Mas’uuliyadda Dadweynaha (Public Charge) way isbeddelaysaa. Haddii aad ka fikirayso inaad codsato Kaarka Deganaanshaha Joogtada ah (Green Card), siyaasadda cusub waxay u oggolaanaysaa saraakiisha socdaalka inay tixgeliyaan barnaamij kasta oo faa’iidooyin dadweyne oo ku salaysan dakhliga oo aad isticmaashay laga bilaabo Sebtembar 18, 2026. Si aad wax badan uga ogaato Mas'uuliyadda Dadweynaha (Public Charge), akhri Xaashida Xaqiiqooyinka ee Protecting Immigrant Families ee ku saabsan Public Charge. 

Amniga EBT

Xatooyada elektaroonigga ah ee dheefaha iyadoo la adeegsanayo aaladaha sawir-qaadista si loo xado lambarrada kaararka Wreejinta Dheefta Si Elektaroonig Ahaan ah (Electronic Benefit Transfer, EBT) ee Oregon iyo Lambarrada Aqoonsiga Shakhsi ahaaneed (Personal Identification Numbers, PIN) ayaa sii kordhaya. In kasta oo Gobolku uu awood u yeelan karo inuu beddelo Mucaawinnada Ku-meel-gaarka ah ee Qoysaska Baahan (Temporary Assistance for Needy Families, TANF) iyo Gargaarka Lacagta Cadaanka ah ee Qaxootiga ee la xaday, haddana maalgelinta federaalka ee lagu beddelayo mucaawinnada SNAP ee la xaday ayaa dhammaatay Diseembar 2024 mana jirto wax kaloo lagu beddeli karo. Qaado tallaabooyin aad ku ilaalinayso kaarkaaga EBT iyo dheefahaaga.

Helitaanka mucaawinno cunto oo dheeraad ah

Si aad uga hesho gargaar cunto Degmada Multnomah, booqo multco.us/food ama wac 2-1-1. Caawinaad miyaad uga baahan tahay inaad codsato SNAP? La xiriir Kooxda Wacyigelinta SNAP ee Degmada Multnomah adigoo wacaya ama fariin u diraya 503-320-6658 ama iimayl u diraya snap@multco.us.

Dadka waayeellada ah iyo dadka naafada ah waxay heli karaan caawimaadda ugu fiican iyagoo la xiriiraya khadka caawinta ee Xiriirka Kheyraadka Dadyowga Sii Gaboobaya iyo kuwa Naafada leh (Aging and Disability Resource Connection, ADRC)ee Degmada. Wac 503-988-3646 ama karaadi ADRC kheyraadka onlaynka ee xogta lagu keydiyo.

Kaalmada bixinta kharashka kirada iyo biilasha tamarta

Degmada Multnomah waxay bixisaa macluumaad ku saabsan sida loo helo kaalmada kirada, kaalmada bixinta biilasha tamarta iyo kheyraadka lagu dabaro baahiyaha nolosha aasaasiga ah. Xubnaha bulshadu waxay sidoo kale ku xidhan karaan 211info, si qarsoodi ah, si ay u helaan macluumaad ku saabsan noocyo badan oo kheyraad ah.

Waxaa mahadcelin leh, qayb ahaan, u doodista ay sameeyeen Guddiga Komishoneerada ee Degmada Multnomah, Pacific Power iyo Portland General Electric (PGE) maka jari karaan adeegyada korontada macaamiisha iska diiwaangeliyay barnaamijyadooda qiimo-dhimista biilasha, ama macaamiisha heysta shahaadooyin caafimaad ilaa 1-da Maarso, 2026.

Macaamiisha NW Natural, Pacific Power, iyo PGE ee iyagu isku caddeeya inay ku jiraan dhibaato dhaqaale waxay heli doonaan hakad gelinta ka jaritaanka adeegyada korontada muddo 
30-maalmood ah ilaa 1-da Maarso, 2026.

Última revisión 5 de Agosto de 2026