Macluumaadka barnaamijka kaalmada ka bixinta biilasha cuntada, kirada iyo tamarta - SOMALI

Marin u helka adeegyada lagama maarmaanka ah sida Barnaamijka Kaalmada Nafaqada ee Dheeraadka ah (Supplemental Nutritional Assistance Program, SNAP) iyo mucaawinooyinka kale ee kaalmada ka bixinta bii

Maalgelinta federaalka ee SNAP iyo isbeddellada ku imaaday

Ma jiraan qorsheyaal lagu joojinayo dheefaha SNAP. SNAP si buuxda ayaa loo maalgeliyaa oo dheefahana ma geli doonaan wax carqaladeyn ah xitaa inta lagu jiro suurtagalnimada dhicitaanka dawlad xidhmashada ee mustaqbalka ka hor 30-ka Sebtembar, 2026. Ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan dheefaha SNAP ee Oregon halkan

Isbeddellada federaalka ee ku aadan shuruudaha u-qalmitaanka SNAP waxay dhaqan galeen 1-da Oktoobar, 2025. Haddii lacag-bixintaada dheeta ay ka yar tahay lacagihii hore ee aad heshayee aad ka heli jirta dheefta, waxaa suurtogal ah in u-qalmitaankaaga SNAP uu saameeyay isbeddellada ku imaaday barnaamijka federaalka.

Isbeddelladan waxay saameynayaan saddex kooxood oo waaweyn oo ka mid ah kaqeybgalayaasha barnaamijka SNAP:

  1. Qoysaska qaar ee hela kaalmada ka bixinta kharashyada adeegyada aasaasiga ah
  2. Dadka jidh ahaanta awooda leh ee da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 64 sano, iyaga oo aan ku haysan wax carruur oo ka yar 14 sano (gudaha kooxdooda SNAP)
  3. Qaar ka mid ah dadka SNAP qaata ee kujira xaalka qaxootinimo iyo magangelyo-doone hadda. Wax dheeraad ah ka baro shuruudaha cusub ee shaqo ee federaalka ee ku aadan dheefaha SNAP.

Wax dheeraad ah ka baro shuruudaha cusub ee shaqo ee federaalka ee ku aadan dheefaha SNAP.

Xaanshi Macluumaadeed Ay Ku Qoran Yihiin Isbeddellada SNAP:

Somali 

Xaanshi Macluumaadeed Ay Ku Qoran Yihiin Shuruudaha Shaqada ee SNAP:

Somali 

Wargellinada ka imaada Gobolka Oregon ee ku saabsan saameynta federaalka ay ku leedahay barnaamijyada caafimaadka iyo adeegyada bulshada ayaa laga heli karaa barta:

Amniga EBT

Xatooyada elektaroonigga ah ee dheefaha iyadoo la adeegsanayo aaladaha sawir-qaadista si loo xado lambarrada kaararka Wreejinta Dheefta Si Elektaroonig Ahaan ah (Electronic Benefit Transfer, EBT) ee Oregon iyo Lambarrada Aqoonsiga Shakhsi ahaaneed (Personal Identification Numbers, PIN) ayaa sii kordhaya. In kasta oo Gobolku uu awood u yeelan karo inuu beddelo Mucaawinnada Ku-meel-gaarka ah ee Qoysaska Baahan (Temporary Assistance for Needy Families, TANF) iyo Gargaarka Lacagta Cadaanka ah ee Qaxootiga ee la xaday, haddana maalgelinta federaalka ee lagu beddelayo mucaawinnada SNAP ee la xaday ayaa dhammaatay Diseembar 2024 mana jirto wax kaloo lagu beddeli karo. Qaado tallaabooyin aad ku ilaalinayso kaarkaaga EBT iyo dheefahaaga.

Xaqiiqooyin iyo wararka la isla dhexmaraayo

Ma u baahanahay inaan dib u codsado SNAP?

Waqti xaadirkan, habka dib-u-bixinta shahaadada SNAP iskama beddelin gudaha Oregon. Haddii ay jirto isbeddel ku yimid dheefahaaga ama xaaladdaada u-qalmitaanka, dadka qaata SNAP waxay ku heli doonaan isgaarsiin boostada taasoo ka imaaneysa Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon (Oregon Department of Human Services).

Wac Khadka Taleefoonka ee Dheefaha Dadweynaha ee Oregon (Oregon Public Benefits) si aad qof ugala hadasho xaaladdaada (800-520-5292, Isniin-Khamiis). Qaatayaasha SNAP ee raadsanaya macluumaad ku saabsan Dammaanadda Ku Tiirsanaanta Kheyraadka Dadweynaha waxay wax badan ka baran karaan iyagoo booqanaya Xaanshida Xanbaarsan Xaqiiqda Ku Saabsan Dammaanadda Ku Tiirsanaanta Kheyraadka Dadweynaha ee Xarunta Sharciga ee Oregon.

Helitaanka mucaawinno cunto oo dheeraad ah

Si aad uga hesho gargaar cunto Degmada Multnomah, booqo multco.us/food ama wac 2-1-1. Caawinaad miyaad uga baahan tahay inaad codsato SNAP? La xiriir Kooxda Wacyigelinta SNAP ee Degmada Multnomah adigoo wacaya ama fariin u diraya 503-320-6658 ama iimayl u diraya snap@multco.us.

Dadka waayeellada ah iyo dadka naafada ah waxay heli karaan caawimaadda ugu fiican iyagoo la xiriiraya khadka caawinta ee Xiriirka Kheyraadka Dadyowga Sii Gaboobaya iyo kuwa Naafada leh (Aging and Disability Resource Connection, ADRC)ee Degmada. Wac 503-988-3646 ama karaadi ADRC kheyraadka onlaynka ee xogta lagu keydiyo.

Kaalmada bixinta kharashka kirada iyo biilasha tamarta

Degmada Multnomah waxay bixisaa macluumaad ku saabsan sida loo helo kaalmada kirada, kaalmada bixinta biilasha tamarta iyo kheyraadka lagu dabaro baahiyaha nolosha aasaasiga ah. Xubnaha bulshadu waxay sidoo kale ku xidhan karaan 211info, si qarsoodi ah, si ay u helaan macluumaad ku saabsan noocyo badan oo kheyraad ah.

  • Wac 2-1-1
  • Farriin qoraal ah ugu dir koodhka boostada aaggaada 898211
  • Booqo 211info.org
  • Iimayl u dir: help@211info.org

Sababo la xiriira xidhitaankii federaalka ee bishii Nofeembar, Pacific Power iyo Portland General Electric (PGE) waxay joojinayaan ka jaritaanka korontada ilaa dhammaadka sanadka macaamiisha ka diiwaangashan barnaamijyadooda dhimista biilasha, iyo sidoo kale macaamiisha haysta shahaadooyinka xaaladaha caafimaadka. Ilaalinadan waxay dhammaanayaan Janaayo 1, 2026.

Northwest Natural waxay sidoo kale joojinaysaa ka jaritaanka gaaska ilaa dhammaadka sanadka macaamiisha ka diiwaangashan barnaamijkooda dhimista biilasha. Ilaalinadan waxay dhammaanayaan Janaayo 1, 2026.

 

Last reviewed December 17, 2025