Degmada Multnomah waxeey hoy u tahay dad badan — qoysas, ganacsiyo, iyo dad ka soo jeeda asallo, dhaqammo, dalal, sheekooyin iyo waayo-aragnimooyin kala duwan.
Dhacdooyinka dhawaantan ka aloosan qaranka, oo ay ku jirto joogitaanka sii kordhaya ee fulinta sharciyada socdaalka, waxay si macquul ah ugu keentay cabsi iyo hubanti la’aan baaxad weyn dad badan oo ka tirsan bulshadeena. Waxaan aaminsanahay in dhammaan xubnaha ka tirsan bulshadeena ay u baahan yihiin inay dareemaan ammaan marka ay tagayaan goobahooda shaqada, iskuulkooda, goobahooda ballamaha caafimaadka, iyo goobahooda cibaadada.
Degmada Multnomah waxay ka shaqeynaysaa ilaalinta qiyamkeena badqabida, kalsoonida iyo dareenka lahaanshaha, iyo taageeridda wanaagga iyo sharafta xubnaha bulshadeena ee ay saameeyeen tallaabooyinka ay federaalku wado.
Waxa aad ka filan karto Degmada Multnomah:
Degmada Multnomah waxeey:
- Si cad ula xiriir doontaa macaamiisha, bukaannada iyo qof kasta oo raadsanaya adeegyada Degmada kuna wargelin doontaa wax ay tahay in ay ka fishaan goobaha ayku leeyihiin ballamaha iyo gudaha xarumaheena.
- Adeegyada u habeeyn sida ugu macquulsan si aan si wanaagsan ugu habooneyno baahiyaha bulshada, oo ay ku jiraan bixinta adeegyo ku baxa sida foggaan aragga ah ama iyadoo guriga la joogo, kuwaas oo lagu bixin karo luqado kala duwan.
- Siin doontaa shaqaalaha macluumaad ku saabsan siyaasadaha, habraacyada iyo waxa laga filayo ee la xiriira socdaalka gudaha ama agagaarka xarumaha Degmada.
- Ku xidhi doontaa qoysaska iyo bulshooyinka kheyraadka iyo macluumaadka kusaabsan xuquuqdooda sharciga, taageerada dhaqaale iyo baahiyaha kale.
- Kala shaqeeyn doontaa hay’adaha la-hawlgala iyo ururada ka dhisan gudaha bulshada siloo taageero qoysaska.
Degmada Multnomah ma:
- Siin doonto macluumaad ama ma la wadaagi doonto xog ku saabsan macaamiisheena iyo bukaannadeenna wakaaladaha fulinta sharciga ee federaalka haddii aanay jirin amar maxkamadeed ansax ah.
- Ka caawin doonto wax hawlo socdaal oo federaal ah haddii aan amar maxkamadeed khasab ka dhigin.
- Si ikhtiyaari ah uguma oggolaan doonto saraakiisha socdaalka federaalka inay galaan meelaha aan guud ahaan bulshada loo oggolayn, oo ay ku jiraan qolalka baadhista iyo xafiisyada.
Sida loo isticmaalo websaydkan
Boggan waxa uu hagitaan u yahay jawaab-celinta Degmada Multnomah ee ku aadan hawlaha federaalka, oo ay ku jiraan tallaabooyinka la xiriira fulinta sharciyada socdaalka, saamaynta dhimista maalgelinta ee ku timaadda adeegyada Degmada, iyo taageerada la siiyo dadka la tacaalaya dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhasha carqaladaynta barnaamijyada federaalka ama xabsi-dhisgista la xidhiidha xaaladaha socdaalka. Raac linkiyadda hoose si aad u hesho macluumaadka aad u baahan tahay.
Bogaggan waxa ay matalayaan dadaalkayaga ugu wanaagsan ee aan ku bixineyno macluumaad iyo kheyraad ugu danbeeyay, isla markaana aan ku burineyno wararka aan saxda ahayn ee faafaya. Si kastaba ha ahaatee, hawlaha federaalka ayaa si joogto ah isugu beddelaya siyaabo aan mar walba saadaalin karno. Waxaan sameyn doonnaa dadaal kasta oo suuragal ah si aan u soo gudbino macluumaadka ugu danbeeyay ee suuragalka ah.
Afeef: Linkiyadda iyo macluumaadka lagu bixiyay boggagan waxa keliya logu talagalay ujeeddooyin macluumaad bixin ah, mana u dhigmaan talo sharci.