Khayraadka iyo taageerada la xiriirta la kulanka hay’adaha socdaalka - SOMALI

Hel macluumaad ku saabsan xuquuqda, khayraadka iyo qorshayaasha loogu talagalay qoysaska iyo xubnaha bulshada.

Khayraadka hoos ku xusan waxay bixiyaan tilmaamo ka caawinaya xubnaha bulshada iyo qoysaska inay diyaar u noqdaan haddii ay iyagu, ama qof ay yaqaannaan, la kulmaan ICE ama hay’ado kale oo federaal ah oo socdaalka ah.

Adeegyada sharciga

Xubnaha bulshada waxay tixgelin karaan inay is-diiwaangeliyaan barnaamijka siiya Taageerada Sharci ee Bilaashka Soo-galootiga Oregon (Equity Corps of Oregon, ECO) si ay u helaan adeegyo socdaal oo sharciga ku saabsan oo bilaash ah. Booqo equitycorps.org/eco si aad wax dheeraad ah uga barato. Waxaad sidoo kale wici kartaa Xarunta Wicitaannada ee ECO oo gobolka oo dhan laga soo wici karo lambarka 1-888-274-7292. Waxa ay furan tahay Isniin ilaa Jimce laga bilaabo 9 a.m. ilaa 6 p.m. Wac si aad u bilowdo codsiga is-diiwaangelinta, aad u hesho warbixin ku saabsan halka uu maraayo kiiskaaga ama aad u hesho gudbinta adeegyada.

Samee qorshaha qoyska

Qorshe qoyska ayaa kaa caawin kara adiga iyo carruurtaada inaad dareentaan badbaado haddii ay dhacdo kala-geyn lama filaan ah. Oregon Law Center (Xarunta Sharciga ee Oregon) waxay bixisaa hagitaan si sahlan loo fahmi karo, oo ku qoran Ingiriisi iyo Isbaanish labadaba. Qaadista tallaabooyinkan waxay kaa caawinayaan inaad qoyskaaga u diyaariso haddii waalidka ama daryeelayaasha la xiro, la tarxiilo, ama aysan awoodin inay daryeelaan carruurtooda sababo kale dartood.

Mowduucyada waxaa ka mid ah:

  • Dukumentiyadee ayeey tahay inaad diyaarsato iyo cidda ay tahay inaad nuqullo la wadaagto
  • Shahaadada Dhalashada, Kaarka Soshal Sekuritiga, iyo dukumeentiyada Baasaboorka
  • Foomamka sharciga ah iyo tilmaamaha
  • Weedhooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato
  • Xuquuqdaada iyo jawaabaha waxtarka leh ee ku habboon su’aalaha

Sida loo soo helo qof ay ICE xirtay

Meeleeyaha dadka ay ICE xirto ayaa loo isticmaali karaa in lagu helo qof ku jira gacanta ICE. Raadinta waxaa lagu samayn karaa iyadoo la adeegsanayo A-lambar, ama magaca iyo dalka dhalashada ee qofka. A-lambar waxaa laga heli karaa waraaqaha ka socda Wakaallada Adeegyada Muwaadinimadda iyo Socdaalka ee Mareykanka (U.S. Citizenship and Immigration Services, USCIS).

Xarunta Kheyraadka ee Soogalootiga Pennsylvania (Pennsylvania Immigrant Resource Center, PIRC) waxaa loo heli karaa dadka midkood goobaya qof ay jecel yihiin oo xiran/taageero uga baahan gacan ku heynta, ama kuwa leh ballan-qabsiyada ay ugu tagayaan ICE. Eeg xaanshi macluumaadeedkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku qoran Ingiriisi iyo Isbaanish.

Khayraad dheeraad ah

Afeef: Linkiyadda iyo macluumaadka lagu bixiyay boggagan waxa keliya logu talagalay ujeeddooyin macluumaad bixin ah, mana u dhigmaan talo sharci.

Last reviewed December 17, 2025