Somali: WARSAXAAFADEED: Mudada ay ku eg tahay xaraynta musharixiinta Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19, 2026 way soo dhawaatay

Mudada ay ku eg tahay mushaarixiinta xilka haya ee Metro waa Talaatada, Maarso 3; mudada xaraynta ee mushiriixta xilka aan haynin iyo kuwa haya waxay xirmaysaa Maarso 10

Warbixinta degdega ah: Isniin, Maarso 2, 2026

https://forms.gle/RCm37z7yCHAVVNnq9 

Macluumaadka xidhiidhka saxaafada: 
Tim Scott ama Edward Gutiérrez, 503-988-VOTE (8683) 
Isgaadhsiinta Degmada Multnomah, pressoffice@multco.us

WARSAXAAFADEED: Mudada ay ku eg tahay xaraynta musharixiinta Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19, 2026 way soo dhawaatay


Mudada ay ku eg tahay mushaarixiinta xilka haya ee Metro waa Talaatada, Maarso 3; mudada xaraynta ee mushiriixta xilka aan haynin iyo kuwa haya waxay xirmaysaa Maarso 10

Multnomah County, Ore. (Isniin, Maarso 2, 2026) — Doorashada xigta ee Degmada Multnomah County waxaa weeye Maajo 19, 2026 Doorashada Hordhaca. Doorashadan waxaa kamid ah tartamayaasha doorashada Golaha Deegaanka Metro iyo boosaska federalka, gobolka, iyo xeer ilaalinta. Musharixiinta doonaya inay u tartamaan mid ka mid sadexdan boos waa in lagu buuxiyo mudada ay ku eeg tahay.

Musharixiinta waxay ka xarayn karaan tartanka Waaxda Doorashada Degmada Multnomah ee tartamaha soo socda:
⦁    Lataliyaha Metro
⦁    Madaxweynaha Golaha Metro
⦁    Degmooynka Golaha Merto 1, 2 iyo 4

Maadaama oo la ansixiyay Xeerka Xildhibaanada ee 578 ee Oregon, mudada ay ku eg tahay xaraynta musharixiinta aan xilka haya ee Metro waa Talaatada, Maarso 3, 2026. Musharixiinta aan haynin xilka ee Metro (cusub) iyo kuwa haya xilka ee la magacaabay (iminka xilka haya), waxay xaraynayaan Talaatada Maarso, 10, 2026.

Dhamaan xogta waa in lagu helaa ugu danbayn 5 ta galabnimo maalinta ay ku eg tahay xarayntu. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo multco.us/info/may-19-2026-primary-election.

Musharixiinta u tartamaya xafiisyada la doorto ee Degmada Multnomah iyo Magaalada Portland kama soo bixi doonaa waraaqaha codaynta Maajo 2026. Waxay kasoo bixi doonaan Noofeembar 3, 2026, waraaqaha codaynta, marka cod bixiyayaasha Degmada ay ku biiraan cod bixiyayaasha Magaalada Portland iyada oo la isticmaalayo codaynta doorashada darajaynta ee Degmada Multnomah. Mudada xaraynta ee Doorashada Guud ee Noofeembar 2026 waxay furmi doontaa Juun 3, 2026. 


Mudada Ay Ku eg Tahay Duwaan Gelinta Cod Bixiyhuhu.


Mudada Ay Ku eg Tahay Duwaan Gelinta Xog Bixiyaha iyo Bedelka Xisbiga ee Maajo 19, Doorashada Hordhaca ahi waa Abriil 28, 2026. Is diwaan geli si aad u codeyso si onlayn ah oregonvotes.gov/register. Waa inaad duwaan gelintaada cusboonaysiisaa wakhti kasta oo aad guurto, bedesho magaca ama aad doonayso inaad bedesho xisbiga aad tahay.

Iminka waxaa la joogaa wakhtigii la eegi lahaa in duwaan gelintaada cod bixinta uu ku jiro cinwaankaaga aad degan tahay iyo boostada ee wakhtigan. Tani waxay xaqiijinaysaa in aad hesho waraaqahaaga cod bixinta. Kadibna isku duwaan geli La Socodka Warqadaada Cod Bixinta (Track Your Ballot) kadib marka aad eegto duwaangelintaada si laguugu soo diro fariin qoraal ah, taleefan ama iimeel!


Xog Uruurinta Warsaxaafadadeedka Turjuban

Miyaad ogtahay in Degmada Multnomah ay ku baahiso warsaxaadeedyada Xafiiska Doorashooyinka lix luuqadood oo aan ahayn Ingiriisi? Waxa aanu doonaynaa in aanu ku ogaano fikirkaaga ku saabsan turjubaada xog uruurintan. 

Waxa aad ka heli kartaa xog uruurinta dusha sare ee warsaxaafadeed kasta oo turjuban. Xog uruurinadu waxa lagu heli karaa Isbaanish, Ruush, Jayniis, Somali, Fiitnaamiis iyo Yukrayni.


Inta ka dhiman Doorashada Hordhaca ah ee Maajo 19
⦁    Maarso 3, 2026, Mudada ay ku eg tahay xaraynta musharixiinta xilka haya (iminka haya) ee la doortay ee Metro
⦁    Maarso 10, 2026 - Mudada ay ku eg tahay xaraynta musharixiinta aan haynin xilka ee Metro (cusub).
⦁    Abriil 3, 2026 - Boosta ugu dirida waraaqaha codaynta ciidanka/dadka dalka dibadiisa jooga
⦁    Abriil 6, 2026 - Waraaqaha codaynta maqnaanshaha ayaa la heli karaa
⦁    Abriil 20, 2026 - Boosta ku dirida warqada codaynta wixii ka baxsan gobolka
⦁    Abriil 28, 2026 - Mudada ay ku eg tahay duwaan gelinta cod bixiyaha
⦁    Abriil 29, 2026 - Waraaqaha cod bixinta waxaa boosta loogu diray cod bixiyayaasha
⦁    Maayo 19, 2026 - Maalinta Doorashada Hordhaca
⦁    Juun 15, 2026 - Xaqiijinta natiijooyinka ugu danbaysa ee doorashada

Xafiiska Guud:
Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building
1040 S.E. Morrison St., Portland, OR 97214

Goobta Gresham:
Voting Center Express at the Multnomah County East Building
600 N.E. 8th St., Gresham, OR 97030
Furan Abriil 23, 2026 - Maajo 19, 2026

Taleefanka: 503-988-VOTE (8683)
Iimeel: elections@multco.us
Websayt: www.MultnomahVotes.gov
 


########

Last reviewed February 24, 2026