Doorashooyinka Degmada Multnomah Goobta Cod Bixinta
Goobta Cod Bixinta waxay kamid tahay dadaalada Doorashooyinka Degmada Multomah ay ku balaadhinayso adeegyada cod-bixinta. Goobta ay ku taalo, suuqa hoose ee Gresham waxay u sahli doontaa 165,000 oo cod-bixiyayaasha Degmada Multnomah ahi inay helaan adeegga. Goobta Cod Bixinta muwaadiniintu waxay ka heli karaan baddalka warqad cod-bixin oo luntay ama waxyeelo gaadhay ama waxay baddali karaan xogtoodii isduwaangelinta cod-bixinta. Cod-bixiyayaasha naafada ah waa la caawin doonaa. Cod-bixiyayaasha ku hadla luqad aan Ingiriisi ahayn waxa lagu caawin doonaa luqaddooda. Shaqaalaha doorashooyinka ayaa diyaar u ah wixii su’aalo ah ama wixii kale ee caawimo doorashooyinka ah.
- Dib laguu siiyo warqad codaynta oo luntay.
- Halagaa kaalmeeyo codaynta.
- Dib u cusbooneysii xogta cod bixinta.
- Su’aalo waydii.
- Jawaabo hel.
- Halkan ka codee.
Doorashooyinka Degmada Multnomah
Goobta Cod Bixinta ee Degmada Multnomah ee Dhismaha Bari (East Building)
Cinwaan: 600 NE 8th Street, Gresham, OR 97030
Talefoon: 503.988.3720
Emaylka: elections@multco.us
Bogga internedka: www.mcelections.org
Waraaqaha cod-bixinta kaliya Goobta Cod Bixinta ayaa lagu qaadi karaa saacadaha ay shaqaynayso. Sanduuqa ugu dhaw ee si rasmi ah 24 saacadood u furan ee cod-bixintu waxa uu ku yaalaa baarkinka Laybareeriga Gresham ee 385 NW Miller Avenue. Si aad u hesho goobaha kale ee rasmiga ah ee Degmada Multnomah ee lagu rido waraaqaha cod-bixinta, booqo barta internetka ee bit.ly/MultCoDropSites.