Official Ballot Drop Sites - Somali

Goobaha Codaynta Rasmiga ah ee 24 Saacadood. Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah ee Laybareeriga Degmada Multnomah 24 Saacadood.

Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah

Codeeyayaashu waxay adeegsan karaan Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah si ay ugu soo celiyaan warqadooda ay codeeyaan 20 maalmood ee ka horeeya doorashada.

Khariirada Google ee Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah ee Degmada Multnomah

Helaha Sanduuqa Codaynta Oregon - waxaa weeye hele Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah oo ay soo saareen - waxaa weeye heleSanduuqyada Codaynta Rasmiga ah oo ay soo saareen Xog Hayaha Oregin ee xafiiska Gobolka, kaas oo la heli karo 20 maalmood ee doorashada.

Macluumaadka sanduuqada codaynta aan rasmiga ahayn (Ingiriisi): 


Goobaha Adeega Codeeyaha Doorashada Degmada Multnomah

Dhismaha Doorashada Degmada Multnomah Duniway-Lovejoy - Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah 24 saacadood waxaa weeye meelo banaan oo dadka lugaynayaa dhanka waqooyi ee dhismaha loo sameeyay iyo sidoo kale iyada oo gaadhi la wato Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah oo ku yaal SE 11th Ave. iyo SE Belmont St. Codeeyayaashu waxay isticmaali karaan sanduuqa codaynta rasmiga ah si ay ugu codeeyaan wakhti kasta mudada codaynta.

Cinwaanka:
Multnomah County Duniway-Lovejoy Elections Building
1040 SE Morrison Street, Portland, OR 97214 (khariirada jidka)
Taleefanka: 503-988-VOTE (8683) | Faakis: 503-988-3719 | 711 (Adeega Gudbinta Oregon)

Xarunta Codbinta Gresham - Waxaa jira Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah oo ku yaal Goobta Cod Bixinta ee Dabaqa Kowaad ee Dhismaha Bari ee Degmada Multnomah. Waxa uu u furan yahay kaliya saacadaha codaynta xarunta. Waa inaad inta aad gaadhiga meel soo dhigato kadibna usoo lugaysaa si aad warqadaada codaynta aad ugu diro. Sanduuqa Codaynta 24-saacadood ee Ugu Dhaw Waxa uu ku yaalaa Gresham Library at 385 NW Miller Ave.

Cinwaanka:
Multnomah County East Building
600 NE 8th Street, Gresham, OR 97030


Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah 24-Saacadood

Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah ee 24-Saacadood ee hoos ku taxani waa furan yihiin laga bilaabo maalinta waraaqaha cod bixinta la soo diro 20 maalmood ka hor maalinta doorashada ilaa 8:00 galabnimo ee maalinta doorashada. Waxaa kamid ah dhammaan goobaha Laybareeriyada Degmada Multnomah. Warqadaha cod bixinta waxaa looga soo qaadi doonaa goobaha laybareeriyada iyo Goobaha Sanduuqyada Codaynta Rasmiga ah si joogta ah.

Fadlan ogow: Afar goobood oo si rasmi ah looga rido codka oo ku yaalla maktabada ayaa saamaysay isbeddellada dhismaha ka socda maktabada iyo xiritaankeeda doorashadan. Goobahaan waxaa kamid ah: Maktabadda Belmont, Maktabadda Gresham, Maktabadda Northwest, iyo Maktabadda St. Johns.

Portland

Waqooyi

  • Rose Quarter Sanduuqa Lagu rido Waraaqda Codbixinta ee Rasmiga ah wuxuu ku yaal dhinaca koonfureed ee Rose Quarter, agagaarka isha ka burqanayso biyo iyo calaamada 'Rip City'  – Inta lagu jiro saacadaha shaqada caadiga ah, baarkin bilaash ah oo aan ka badnayn 15 daqiiqo ayaa laga heli karaa aagga baarkinka Annex ee ku yaalla N. Drexler Dr oo ku yaalla meesha looga leexdo Interstate Ave (Baarkin lama heli karo inta lagu jiro xiliga xafladaha Rose Quarter.) Socod kaliyay..(eeg maabka)
  • Dugsiga Hoose ee James John 8315 N. Lombard St. Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah oo yaala geeska wadada ee cirifta waqooyi-galbeed ee N Lombard St. iyo Charleston Ave. Lug ayaa lagu geli karaa keliya. (eeg maabka)
  • Maktabada Kenton (Aaga Buugaagta la Keeno ee Maktabada) 8226 N Denver Ave. (eeg maabka)
  • McDonald’s ee Waqooyiga Lombard 3011 N Lombard St. Sanduuqa Rasmiga ah ee Lagu Rido Codbixinta (Official Ballot Drop Box) wuxuu ku yaal dhinaca lugeynta. Lug ayaa lagu geli karaa keliya. (eeg maabka)
  • Maktabada North Portland (Aaga Buugaagta la Keeno ee Maktabada) 512 N Killingsworth St. (eeg maabka)
  • Beerta McCoy oo ku taala geeska koonfur bari ee Beerta McCoy oo u dhow isgoyska N Trenton St. iyo Newman Ave. Lug ayaa lagu geli karaa keliya. (eeg maabka)

Waqooyi Bari

  • Maktabada Albina 205 NE Russell St. Goobta Rasmiga ah ee Lagu Rido Codbixinta waxay ku taallaa agta jeexka lagu celiyo buugaagta ee dhinaca koonfureed ee dhismaha, meel u dhow baarkinka baaskiillada. (eeg maabka)
  • Maktabada Gregory Heights (Aaga Buugta la Keeno ee Maktabada) 7921 NE Sandy Blvd. (eeg maabka)
  • Maktabada Hollywood  (Aaga Buugta la Keeno ee Maktabada) 4040 NE Tillamook St. (eeg maabka)
  • Maqaayadda McDonald's 2010 NE César E Chávez Blvd. Sanduuqa codbixinta Rasmiga ah ayaa yaala geeska galbeed ee NE 40th Ave. inta u dhexaysa NE Tillamook St. iyo Hancock St. iyo aaga Maktabada Hollywood. (eeg maabka)
  • Xaafada Parkrose 4390 NE 102nd Ave. Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ayaa yaala aaga baakinka bariga ee wadada ka timaada Xarunta Seeraha MHCC Maywood oo marta NE 102nd Ave. iyo Prescott St. (eeg maabka)

Waqooyi Galbeed

  • Maktabada Northwest CIWAANKA CUSUB: 2030 NW Pettygrove St. Sanduuqa Codka lagu rido ee Rasmiga ahwuxuu yalaa dhanka midig ee aaga la dhigo buugaagta maktabada. (eeg maabka)

Koonfur Bari

  • Waaxda Doorashooyinka ee Multnomah1040 SE Morrison St. (eeg maabka)
    • SE 11th Ave. Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ayaa yaala geeska bari ee SE 11th Ave. inta u dhexaysa SE Morrison St. iyo Belmont St.
    • SE Belmont St. Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ayaa yaala geeska waqooyi ee SE Belmont St. inta u dhexaysa SE 10th Ave. iyo 11th Ave.
    • 1040 SE Morrison St. Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee Lugta lagu tagaayo/Baaskiilka lagu geli karo ayaa ku yaala aaga geeska dhismaha ku yaala koonarka SE 11th Ave. iyo Morrison St.
  • Qaadashada Buugaagta Hawthorne (Aaga Buugaagta la Keeno ee Maktabada) 3557 SE Hawthorne Blvd. Cod-bixiyeyaashu waxay isticmaali karaan sanduuqa buugaagta iyo sanduuqa cod-bixinta gudaha ah. (eeg maabka)
  • Maktabada Holgate 7905 S.E. Holgate Blvd. Sanduuqa Codaynta ee Rasmiga ah wuxuu dhinaca bidix ka xigaa maktabadda aan xiriirka lahayn ee dhinaca bidix ee dhismaha, ee u dhow qaybta baarkinka. Lug ayaa lagu geli karaa keliya. (eeg maabka)
  • Maktabada Midland 805 SE 122nd Ave. Sanduuqa Lagu Rido Codbixinta ee Rasmiga ah ayaa ku xiga booska soo celinta buugga ee dhinaca koonfureed ee dhismaha. Waxaa waraaqaha codbixinta sidoo kale lagu ridi karaa Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah ee yaala qaybta barakinka ee maktabadda. (eeg maabka)
  • Suuqa Portland 7238 SE Foster Rd. Goobta Rasmiga ah ee Lagu Rido Codbixinta (Official Ballot Drop Site) waxay ku taallaa fagaaraha Suuqa Portland (Portland Mercado) ee ku yaal SE Foster Rd. iyo 72nd Ave. Lug ayaa lagu geli karaa keliya. (eeg maabka)
  • Maktabada Rockwood (Aaga Buugaagta la Keeno ee Maktabada) 17917 SE Stark St. (eeg maabka)
  • Maktabada Sellwood–Moreland (Aaga Buugaagta la Keeno ee Maktabada) 7860 SE 13th Ave. (eeg maabka)
  • Maktabada Woodstock (Aaga Buugaagta la keeno ee Maktabada) 6008 SE 49th Ave. (eeg maabka)

Koonfur Galbeed

  • Qalabka A–Boy 7365 SW Barbur Blvd. (eeg maabka)
  • Maktabada Capitol Hill (Aaga Buugaagta la keeno ee Maktabada) 10723 SW Capitol Hwy. (eeg maabka)
  • Maktabada Central (Aaga Buugaagta la keeno ee Maktabada) 801 SW 10th Ave. Warqadaha codbixinta ayaa lagu ridi karaa aaga buugaagta la keeno ee baabuurta lagu geli karo oo ku taala SW 11th Ave. inta u dhexaysa SW Yamhill St. iyo Taylor St. (eeg maabka)
  • Maktabada Hillsdale (Aaga Buugaagta la keeno ee Maktabada) 1525 SW Sunset Blvd. (eeg maabka)
  • Barxadda Pioneer Courthouse baloogga 700 ee SW Broadway (oo ku dhagan Starbucks kuna taala dhanka Nordstrom). Lug Keliya ayaa lagu geli karaa. (eeg maabka)

Fairview

  • Maktabada Fairview–Columbia (Aaga Buugaagta la keeno ee Maktabadda) 1520 NE Village St. (eeg maabka)

Gresham

  • Maktabaddii Hore ee Gresham 385 NW Miller Ave. Sanduuqa Rasmiga ah ee Lagu Rido Codbixinta ee baabuurta lagu geli karo wuxuu ku yaal goobta baarkinka. (eeg maabka)
  • Xarunta Codbixinta Degdega ah – Saacadaha Kooban. Dhismaha Bariga Degmada Multnomah (Multnomah County East Building), 600 NE 8th St. – Waxaa jira Sanduuqa Codbixinta Rasmiga ah oo yaala gudaha Xarunta Codbixinta Degdega ah (Voting Center Express) oo ku taala dabaqa koobaad ee Dhismaha Bariga Degmada Multnomah (Multnomah County East Building). Waxay furan tahay keliya inta lagu jiro saacadaha xarunta codbixintu furan tahay. Waxaad u baahan doontaa inaad baakinka gaariga dhigato aadna lugayso si aad ugu rido warqadaada codbixinta. (eeg maabka)

Troutdale

  • Maktabada Troutdale (Aaga Buugaagta la keeno ee Maktabadda) 2451 SW Cherry Park Rd. (eeg maabka)
Last reviewed April 15, 2026