Sidee ayeey Degmada Multnomah uga jawaab- celineysaa

Laga soo bilaabo siyaasadaha iyo barnaamijyada ilaa qaraarada, qawaaniinta iyo xulashooyinka miisaaniyadda, Degmada Multnomah waxay ka shaqaynaysaa sidii ay gacan uga geysan lahayd ilaalinta xuquuqda,

Markey ahayd Diseembar 12, 2025, Gudoomiyaha Degmada Multnomah Jessica Vega Pederson waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah iyada oo ka jawaabaysa saamaynta socota ee ka imaanaysa sharci fulinta hay'adda socdaalka ee federaalka — iyadoo la bixinaayo dabacsanaan iyo jiheyn dheeraad ah maadaama Degmadu sii wado ka falcelinta hawlaha waxyeellada leh ee ay wadaan Wakaalada Socdaalka iyo Kastamka (Immigration and Customs Enforcement, ICE) ee Mareykanka.

Akhri ku dhawaaqista xaalada degdegga ah: Xeerka Fulinta 432 (208.3 KB) Tifaftir faylka

Degmada Multnomah waxaa ka go’an inay isticmaasho dhammaan agab kastoo ay haysato si ay u taageerto derisyadeenna ah soogalootiga iyo kuwa qaxootiga, waxa uuna bayaankan ku dhawaaqista ah xoojinayaa jawaabteenna ku aaddan falalka naxariis darrada ah ee argagax gelinaya qoysaska ku nool dhamaan daafaha Degmada Multnomah,” ayey tiri Guddoomiyaha Jessica Vega Pederson. “Kala duwanaanteennu waa awoodeenna, mana ka tanaasuli doonno ballanqaadkeenna ah inaan si sharaf leh ugu adeegno qof kasta oo halkan ku nool.”

Degmada Multnomah waxa ay hooy u tahay bulsho kala duwan oo firfircoon oo ka kooban dad matalaya qowmiyado, jinsiyado, iyo qaramo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan soogalooti iyo qaxooti ka kala yimid dunida dacaladeeda. In ka badan 13% dadka ku nool Degmada Multnomah waxay ku dhasheen meel ka baxsan Maraykanka.

Ka akhri wax badan oo ku saabsan bayaanka soo rogista xaalada degdega ah halkan.

Last reviewed January 9, 2026